(ERGO) – Muriidi Xaaji Xasan wuxuu ku filnaaday maaraynta nolosha qoyskiisa oo sagaal ah markii uu dhaqaale fiican ka helay shaqo xoogsi ah oo uu billaabay bishii Agoosto ee 2024. Ninkan ayaa subax walba u kallaha xeebta deegaanka Ceel-jaalle oo uu ku nool yahay, isaga oo wata bir uu dhulka ku dalooliyo, jawaanno iyo burus.
Wuxuu ka mid yahay boqollaal rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo soo saara jayga guryaha lagu dhiso. Muriidi ayaa dhulka qoda ilaa 10 mitir si uu uga soo saaro jay. Waxay ku qaadataa in ka badan toban saacadood maalin kasta.
Dhaqaalaha uu shaqadan ka helo ayuu tilmaamay in uga maarmeen isaga iyo reerkiisa inay dul-saar cid kale ku ahaadaan. Waxay hadda degan yihiin guri kiro ah oo uu bishii ka bixiyo 20 doolar.
Muriidi ayaa sheegay inay shaqadan u noqotay il joogto ah oo uu isbuucii ka helo 40 doolar, taas oo u suura galisay inuu qoyskiisa u horseedo nolol wanaagsan.
“Hawl waxay ii noqotay aan ka naas nuujinayo carruurtayda iyo qoyskayga. Waxyaabo faro badan ayaa qoyskeeyga ku soo kordhay maxaa yeelay haddaayay markaa degmada Qoryooley aan ka soo qaxaayay waxaan dulsaarnaa dad walaalo ah hadda laakiin nin isku filan ayaan ahay oo nolosha qoyskiisa u dhacsanaya. Maanta shaqadan aan heysto ayaan ilmahayga ka biilaa,Yurub malayga biilooyo.”
Ninkan ayaa deegaankan oo magaalada Marka u jirta qiyaas dhan 7km soo degay bishii Juun ee 2024 markii uu colaad uga soo soo barakacay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Wuxuu tilmaamay inay ka fursan waayeen inay kaalmo hoy iyo gasiin ah ay waydiistaan qoys ay qaraabo yihiin. Wuxuu xusay markii ay noloshaas ku adkaatay inuu dadka deegaanka waraystay meel uu shaqo ka heli karo kaddibna jayga loo sheegay.
Billowgii ayuu tilmaamay inuu la qabsan waayay shaqada maaddaama uusan aqoon hore u lahayn balse wuxuu sheegay inuu u adkaystay dhibkeeda.
“Mararka qaar waxaa kugu soo aadaya jamal. Dhagaxaas hoostiisa ayaad wax ka soo baxsanaysaa. Shaqo fudud been been wax ku cun ah ma aha. Tani waa shaqo kulul. Shaqadan waa shaqo aad u dhib badan. Cusbada biyaha iyo uumiga biyaha xaadayda waxay noqotay gaduud sida fiilada maarta oo kale.”
Muriidi ayaa sheegay in qalabka uu isticmaalo uu yahay qalab gacmeed isla markaana uusan awood u lahayn inuu ka caawiyo soo saaridda jay ka badan xaddiga uu helo.
Dhulka uu qodo oo adag iyo agab xumada ayaa dhaxal siisay inay gacmaha biyo ka galaan.
“Dad barakac ah oo haddana dad walaalo dul-saaran waa dareemi kartaa caqabado badan ayaa heysan karo sida cunnada aan hadda u heysto uma heysan caruurta xitaa dhar maloo bedeli karin, xaaskeygana qof naafo ay tahay caqabado badan oo ciriiri ah ayaa i heystay.”
Muriidi ayaa sheegay inuu shaqeeyo xilli dadka ay ka nasanayaan kuleylka cadceeda darteed. Wuxuu tilmaamay inuu shaqada ugu bareeray culeyskeeda si qoyskiisa ay ugu noolaadaan nolol wanaagsan.Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in dadka soo barakacay inay la qabsadaan nolosha hadba meesha ay tagaan ka jirta.
Shaqada qodidda jayga dadka maalinle ugu soo shaqo taga waxaa ka mid ah haween ka fursan waayay.
Aamina Daahir Yarow oo 45 jir ah, waxay aroor walba u jarmaadaa xeebta deegaanka oo hoygeeda u jira labo km.Waxay ka mid ah tahay haween kooban oo duruufaha dhaqaale ee qoysaskooda ay ku qasbeen shaqo xamaali ah.
Marka laga tago inay qabato shaqo adag, geesta kale waxay u suura galisay inay carruurteed oo sagaal ah ay cunno, hoy iyo waxbarasho uhelaan.
“Markaygii hore barakac ayaan ku jiray. Waan ka soo guuray. Waxaan degganahay guri ijaar ah. Ciyaalka waxay ii dhigtaan iskuul. Nolosha barakaca si aan uga baxo ayaan shaqadan u billaabay. Cunno labo waqti ayaan helnaa.”
Aamina ayaa sheegtay in seygeeda aysan wax taageero ah ka helin, kaas oo xaas kale oo uu qabo ula barakacay deegaan kale.
Bishii Siteembar ayay ku soo biirtay xerada Naftaa-quur oo ku taalla deegaanka Ceel-jaalle markii ay colaad uga soo barakaceen tuulada Sagaaroole oo qiyaastii 35 km u jirta deegaakan.
Noloshooda ayaa billowgii barakaca ku tiirsanayd labo doollar oo maalintii ay ku heli jirtay dewersi balse ugu danbayn waxay go’aansatay inay dhididkeeda iyo muruqeeda ay maasho.
Shaqadan ayay sheegtay inay tahay mid culus marka la eego inay xoog dheeraad ah u baahan tahay.
“Shaqada markii aan billaabayay, jirkii oo aan shaqadan baran iyo dhagaxii oo gacmaha kaa qali caqabadooyin badan ayaan kala kulmay. Qof kasta meel ayuu qotaa. Wuxuu ku leeyahay meeshayda ha iga qodin. Dadkii dhinac ayay kuu riixayaan. Dadka meesha way iiga soo horreeyeen way kala yaqaaniin meesha bacaadka ah iyo meesha jayga uu ku jiro.”
Aaamina ayaa sheegtay inay ragga diyaarinta jayga hal gaari buuxiya ay ku qaadato toddodo maalin balse iyada ay ku qaadato ugu yaraan 10 maalin, taas oo ka dhigtay inay bishii saddex mar helayso min 40 doollar.
Ka hor inta aysan soo barakicin qoyska Aamina ayaa ku tiirsanaa dhul beereed 4 hektar ah oo ay lahayd.
Shaqada jay qodidda ayaa ah mid u baahan mashiino iyo qalab ka waa weyn ee ay adeegsadaan dadka xeebaha ka xamaasha.
Faadumo Cabdi Cali oo ah hooyo 52 jir ah waxay ka mid tahay haweenka barakaca ah ee shaqadan ka biila qoysaskooda. Shaqadan waxay waddaa tan iyo horraan Diseembar.
Ma haysato agab ku caawiya inay shaqaysato si ay daqli wax ku ool ah u hesho balse haddana waxay kaalin ka qaadataa masruufka carruurteeda oo sagaal ah.
Faadumo ayaa ku nool xaafada Xaaji Ciise taasoo ku taala woqooyga deegaanka Ceel-jaalle. Waxay sheegtay in shaqada qodida dhulka ay todobaadkiiba ka hesho lacag gaareysa 15 doolar.
Faadumo iyo qoyskeeda ayaa hadda dabka shita labo waqti, waxaana u suurta gelisay shaqada jay qodida ee ay aroor kasta u jarmaado.
Faadumo ayaa ku rajo weyn in dhawaan ay gaarto isku filnaasho dhaqaale, waxayna ku haminaysaa inay qoyskeeda ka saarto nolosha barakaca.Hooyadan ayaa bishii September bilowgeedii ka soo barakacday tuulada Ceel Axmed oo qiyaasti 10 km u jirta deegaanka Ceel-jaalle.