(ERGO) – Xarumaha caafimaadka Puntland maahan kuwa u diyaarsan daboolidda baahiyaha bukaannada wajahaya xaaladaha adag ee caafimaad darro, sida uu qabo Cusmaan Xasan Cali oo 25 sano jir ah, markii hooyadiisa oo kansarka naasaha uu ku dhacay bishii Maarso ee 2024 ay gobolka Nugaal ka heli weysay tasiilaadkii lagula tacaali lahaa xaaladeeda caafimaad.
Wuxuu tilmaamay in muddo saddex bilood ay isbitaallada Garowe maalinba mid tagayeen, si ay hooyadooda ugu helaan daryeel caafimaad, maadaama markaas ay ku sugnayd xaalad adag.
Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in wax walba oo ay sameeyeen ay ku guuleysan waayeen in gobolka Nugaal ay ka helaan adeeg caafimaad oo dhammeystiran, kaas oo badbaadin kara nolosha hooyadooda.
Waxay qoyskooda go’aan ku gaareen bishii Julay in dalka Hindiya loo qaado, si halkaas ay ugu helaan daryeelka ay u baahnaayeen.
“Markii aan Hindiya tagnay oo hooyo baaritaanada marinay waxay noo sheegeen kiiska maamada uu adag yahay oo aan waxba laga qaban Karin. Bishii afaraad haddana markaan qalliinka galinay isla sidoo kale waxay noo sheegeen in kiisku adag yahay. Kuma soo dhiirran inaan waddanka dib ugusoo noqono, maxaa yeelay waxaan rabnay inaan mar walba hooyo niyadeeda ilaalino qarash kastaba ha baxee. Waxay nagu dhaheen qarash dambe ha isaga bixinina. Waxay noolaan karto waa lix bilood.”
Cusman waxa uu sheegay in sababta ku riixday inay dalka ka baxaan ay tahay tayada liidata ee dhaqaatiirta iyo qalabka sheybaarrada oo uu sheegay inay yihiin kuwa aan lagu kalsoonaan karin natiijooyinka ay soo saaraan. Wuxuu sidookale welwel ka muujiyay tayada dawada dalka.
Wuxuu sheegay in hooyadiisa ay u geeriyootay cudurka bishii Sebteember. Muddadaas ay la tacaalayeen baxnaanada iyo badbaadada ayuu xusay inay uga baxday lacag dhan 45 kun oo dollar.
Ka sakow geerida hooyadiisa Cusmaan wuxuu sheegay inuu dalka Hindia uu ku soo arkay dad badan oo ka yimid deegaannada Puntland, kuwaas oo markii ay adeeg caafimaad ka waayeen isbitaallada gudaha ay tageen Hindiya. Wuxuu sheegay in bukaanno badan oo ay ku xaniban yihiin isbitaallada, markii lagu soo dalacay kharash badan oo lagu yeeshay intii ay halkaas ku sugnaayeen.
“Dadka ugu badan ee soo aada Hindia waa dadka reer Puntland, taasi waxay caddaynasyaa in aysan dadku haysan isbitaallo iyo dhaqaatiir tayo leh iyo sidoo kale dawooyin, sidaas awgeed ayaan dalka uga baxnay. Wadddanka gudihiisa waan isku aamini weynay.”
Dadka xaaladaha caafimaad u aada dibadda waxay isugu jiraan kuwa kiisaskooda aan gudaha waxba looga qaban karin iyo qaar aan kalsooni ku qabin tayada daawooyinka iyo aqoonta dhaqaatiirta isbitaallada ka shaqeeya.
Kansarka wuxuu ka mid yahay kiisaska ugu badan ee keena inay xarumaha caafimaadka Puntland wax ka qabashadoodu ku adkaato, taas oo dadka qaar ku dhalisa inay daryeel caafimaad u aadaan dalalka India Maleysia, Turkiga iyo Ethiopia.
Daraasad dhowaan ay soo saartay Hay’adda Cilmi-baarista ee SIDRA ee fadhigeedu uu yahay Garowe ayaa waxyaabaha looga hadlay ka mid ah inay walaac ka muujisay tayada daawooyinka, khibradda hawlwadeenada caafimaadka iyo hagaajinta xeerarka sugnaanta qalabka.
Cabdinuur Axmed Cali wuxuu ka mid yahay dadka saluugsan dayaca iyo aqoon-darrada ka jirta kaabayaasha caafimaadka ee Puntland. Tani waxay timid markii si khalad ah loogu qoray daawooyin, taas oo saameyn ku yeelatay badqabka caafimaadkiisa.
Wuxuu sheegay in bishii December ee 2024 uu labo jeer qallin ku soo maray dalka Hindiya si looga soo nadiiifiyo dhibaatada ay jirkiisa u geysatay dawada qaldan ee uu horay u isticmaalay.
Cabdinuur wuxuu aaminsan yahay in hubin la’aanta tayada dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee hoos u dhigay tayada adeegyada caafimaadka ee isbitaallada Puntland ku yaalla.
Wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhaqaatiir qibrad leh, balse ay u baahan yihiin taageero iyo agab tayo sare leh, si ay u bixiyaan adeegyo caafimaad oo ku filan bulshada ay u adeegayaan.
“Waxyaabihii iigu yaabka badnaa waxay ahayd, markii aan galab galbaha kamid ah u tagay dhaqtar si baaritaan la ii marsiiyo. Boqol dollar ayuu iga qaatay. Daawada uu ii qoray waan ku hunqaacay oo ku sii xanuunsaday, kabacdina waan iska joojiyay. Dhaqtar kale ayaan u tagay. Waxaa la ii sheegay in xanuunka i haya iyo daawada la I soo siiyay aysan is waafaqsanayn, waana la iga joojiyay.”
Cabdinuur Axmed ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee dibadda u aada caafimaadka ay hadda la kulmaan caqabad la xiriirta helitaanka fiisaha dal ku galka, taas oo marar badan dhibanayaal caafimaad xaaladahooda halis gelisay.
Waxa uu xusay in waddamada qaarkood ay si weyn u adkeeyeen shuruudaha dal ku galka. Cabdinuur ayaa ku taliyay in la horumariyo adeegyada caafimaadka gudaha, lana helo qalab casri ah iyo dawooyin tayo leh, si dadka Soomaaliyeed aanay ugu baahan inay dibadda u doontaan adeeg caafimaad.
“Dalkayaga dhaqaalaha yaala inta aan kaga samayn lahayn dhaqtar fiican iyo dawo fiican. Waxay nooga baxdaa dariiqyada iyo safarada aan diyaaradaha ku raacayno. Waxaa laga yaabaa in hal qof oo xanuun lagu qaado saddex qof. Welwel ayaa jira haddii dalkayaga aysan oollin dawadii iyo qalabkii caafimaad ee loo baahnaa.”
Wasaaradda caafimaadka Puntland waxay horay daraasad ay u soo saartay ugu sheegtay in maalin walba 55 qof dad lagu qiyaasay inay safarro caafimaad u aadaan dibadda, taas oo muujineysa baaxadda baahida jirta.
Hay’adda Cilmi-baarista SIDRA ayaa ku talisay in la hirgeliyo isbitaallo ay u dhammeystiran yihiin adeegyo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo dabooli kara baahiyaha caafimaad ee dadka. Waxay timaantay SIDRA inay tallaabadaan yareyn karto socdaallada caafimaad ee dhaqaalaha badan uu ku baxayo oo inta badan dadka aysan awoodin inay bixiyaan.
Maxamed Salaad oo ah cilmi-baare ka tirsan hay’adda ayaa sheegay in daraasadda ay u soo bandhigeen shirkadaha ganacsiga ee Puntland, si loo dhiirrigeliyo maalgashiga kaabayaasha caafimaadka dadweynaha, taas oo wax weyn ka tari karta badbaadada nolosha dadka.
“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aynu soo bandhignay waxay ahayd in ay jiraan dad fara badan oo waddanka dibaddiisa caafimaad u aada, dadkaasi lacag iyo qarash badan ayay waddanka kala baxaan. Waxaan soo bandhignay in la samayn karo isbitaal weyn oo taqasus ah oo laga faaiidi karo dhaqaale. Waxaan daraasaddan u sameynay in qofka ganacsatada ah uu ka dhex arko fursad ganacsi maalgalinta caafimaadka.”
Sannad kasta, in ka badan 19 kun iyo 800 boqol oo bukaan ah ayaa meelo ka baxsan Puntland u doonta adeegyo caafimaad, kuwaas oo isbitaallada gudaha ay u sheegaan inaysan waxba ka qaban karin baahiyahooda caafimaad, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Puntland bishii Agoosto ee saanadkii 2024.