Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gedo: Rag xoolo raac ahaa oo samaystay ganacsiyo isbeddel u horseeday

Jibril Osman by Jibril Osman
February 3, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Rag xoolo raac ahaa oo samaystay ganacsiyo isbeddel u horseeday

Siyaad Axmed oo jooga dukaankiisa lagu iibiya dharka carruurta iyo dumarka /Maxamuud Cabdirashiid/ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdullaahi Xasan Maxamed oo 31 jir ah wuxuu aroor walba u kallahaa dukaan uga furan degmada Doolow Addo ee dawlad deegaanka Soomaalida. Wuxuu ka mid yahay in badan soddon dhallinyaro ah, kuwaas oo noloshooda iyo midda qoysaskooda wax ka beddelay markii ay ganacsiyo samaysteen.

Cabdullaahi oo iibiya raashin iyo bagaash ayaa maalinle u hela siddeed doolar oo faa’iido ah, taas oo ka caawisay biilka walaalihii oo sagaal ah iyo carruurtiisa oo labo ah. Ninkan ayaa sheegay inuusan hadda wax welwel ah ka qabin maaraynta baahiyaha aasaasiga sida cunnada oo ay horay ugu dhib qabeen helideeda.

“Waad dareemi kartaa marka koowaad, qof gacan kale ku tiirsanaa iyo qof gacantiisa ku ciil baxay. Xaafadda qadada oo kale haddii ay helaan cashada ma heli jirin. Saddexda waqti toos umaynan heli jirin. Midda kale carruurta waxaan siiyaa arad baxoodii, iyo dugsiga qur’aanka. Hadana Alxamdulilaah, dukaan ayaan leenahay.”

Cabdullaaahi ayaa ganacsigan bishii Maarso ee 2024 ku billaabay $4,800, oo isugu jirta lacag uu ka helay xoolo uu raaci jiray lix sano iyo ayuuto ay wada galeen rag kale oo ay isla ahaayeen xoolo jir.

Qoyskiisa oo xoolo-dhaqato hore ahaa ayaa abaar dhacday 2017 ku waayay tiro ari ah oo ay ku dhaqanayeen tuulada Aboore oo ka tirsan degmada Doolow.

Cabdullaahi wuxuu isku hawlay inuu dusha u rido nolosha labada qoys. Wuxuu deegaanka Bohol-garas ee gobolka Gedo ka helay shaqo xoolo raacid ah, maaddaama ay aheyd xirfadda keliya ee uu yaqaannay.

Mushaarkiisa bilaha ayaa ahaa sideetan doolar. Wuxuu sheegay inuu kayd u dhiganay marka laga tago lacag uu siin jiray qoyskiisa.

Ka sokow inuu ku guuleystay xal u helidda nolol maalmeedka reerka. Sidoo kale, waxaa u suuragashay inuu qoyskiisa ka saaro xerada barakaca Kabaaso oo ay ku noolaayeen muddo lix sano ah.

“Kowdi hore barakac ayay ku jireen carruurta. Boos ayaan u iibiyay. Baraako yar ayaan ugu dhisay ilaa biyihii ayaan u galiyay. Intaa maanan sameyn lahayn haddaan noloshaa qowsaarnimada aan gali lahayn, oo dadka aan xoolaha u dhaqaaleen lahayn.”

Lacagtii uu ku iibsaday dhulka oo ahayd $330 ayuu hadda bille u gudaa.

Shaqadan ka hor nolosha qoyskiisa ayaa ku tiirsan lahayd gargaraka hay’adaha samafalka oo aan joogto ahayn iyo kaalmo uu weydiiso deriska iyo ehelka.

Cabdullaahi wuxuu rajo ka qabaa inuu ballaariyo ganacsiga sanadkan cusub oo uu ku kordhiyo iibinta dharka iyo kabaha.

Shaqada xoolo raacidda oo ah mid adag ayay dadku ugu bareeyeen inay qoysaskooda uga helaan nolol wanaagsan. Dhaqaalaha ay ka helaan ayay ku samaysteen ganacsiyo kala duwan.

Cali Cabdiraxmaan Cumar faa’iido uu ka helay xoolo uu shaqaale ka ahaa raaciddooda lix-sano ayuu maanta iskii ugu ganacsadaa.

Ninkan ayaa bishii Luulyo ee 2024 billaabay inuu xoolaha wayda ah ka soo iibsado tuulooyinka. Wuxuu ula safraa magaalooyinka waaweyn.

Cali oo 41 jir ah ayaa awood u yeeshay maaraynta nolosha carruurtiisa oo sidddeed ah iyo xaaskiisa. Wuxuu bil kasto ka shaqeeyaa labo toddobaad.

Toban ilaa shan iyo toban neef ayuu safar kasto suuqa keenaa, isaga oo ka hela dhaqaale maanta ku filan baahiyahooda.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in shaqadan oo uu lix bil waddo in uu ka soo billaabay meel hoose, sidoo kalana ay wax badan ka badashay noloshiisa iyo tan qoyskiisa.

“Meel kasto meeshii la i dhaho xoolaha lacag ayay ka leeyihiin ayaan neefafka geesanayaa. Iyada ayaan wax ka helayaa. Lacagtii wax ayay ii gashay. Bishi labo boqol ama saddex boqol ayaan ka helayaa safarka dhaxdiisa. Lacagtaas ayaan nafteyda ku maareenayaa oo carruurteyda ku biilanayaa.”

Ninkan oo ahaa xoolo-dhaqato ayaa ku cayroobay abaaraha deegaanka ku soo noqnoqday. Wuxuu sheegay in bishii siddeedaad ee 2024 uu waxbarasho geeyay markii ugu horreysay afar kamid ah carruurtiisa, kuwaas oo hadda ku kala jira fasalada koowaad iyo labaad ee dugsiga hoose.  

Cali ayaa sheegay inuu shaqadan cusub ku helay sidoo kale xorriyad dhanka waqti ah. Hadda, marka laga tago xilliyada uu safarrada ku maqan yahay, inta kale wuxuu la joogaa qoyskiisa. Wuxuu u arkaa shaqadan inaysan keliya dhaqaale ahaan u caawin.

“Hadda waan isla joognaa carruurtii. Cunug markii uu xanuunsado anniga ayaa cisbitaalka geenaaya. Xanuunkooda ayaan ka warqabaa. Markii horena maba aanu ka warqabin.”

Qoyskiisa ayuu keenay inay hadda ka soo kabteen dhibaatadii ay ka dhaxleen abaaraha. Wuxuu qorshaynayaa inuu dib xoolo u gato.

Nin ayaa xoolaha waxa uu u safriyaa magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo, iyo Muqdisho waana mid ku farsxsan howshan oo u horseeday isku filnaasho.

Dhaqaalaha laga helo xoolo raacidda oo ah mid kooban ayaa haddanna ragga qaar waxay ku guuleysteen inay ku abuurtaan ilo dhaqaale soo galiya.

Siyaad Axmed wuxuu dukaanka dharka carruurta iyo haweenka lagu gado ka furtay bishii labaad 2024 tuulada Aboore oo degmada Doolow hoos tagta.

Furashada ganacsigan waxaa ka caawisay 1,500 doolar oo ahayd lacag uu afar sano ka aruursanayay shaqo xoolo raacid ah.

Wuxuu maalinle uga helaa faa’iido lix doolar ah, taas oo u sahashay inuu daboolo baahiyaha qoyskiisa sida cunnada.   

“Waxyaabo badan ayaan ka maareeyaa, sida waxbarashada, dugsiga, bareefadyada ay carruurta aadayaan. Waxaas oo dhan ayaan ka maareynaa. Marki hore annigii ayaa shaqaale ahaa, oo qowsaar ahaa. Marka hadda saddexda waqti ayaan ka helnaa, arad baxa, iyo waxkasto.”

Siyaad ayaa si qoyskiisa uu ugu helo nolol isku dheelli tiran, wuxuu labadii todobaadba mar u galaa safar lug ah oo uu ku gooyo fogaan dhan 500km.

Ninkan oo 46 jir jir, ayaa dukaankiisa ka korsada lix carruur ah. Wuxuu ku hami wayn yahay inuu ka gaaro guulo nololeed oo intan ka badan.

Siyaad ayaa ahaa xoolo-dhaqato hore. Wuxuu abaar ku waayay 34 halaad iyo 145 neef oo ari ah 2018. Ninkan ayaa 2021 ka fursan waayay inuu cid kale xoolo u raaco si uu qoyskiisa gaajo uga ilaaliyo. Halgan dheer kaddib wuxuu gaaray noloshii uu naawilayay.

Previous Post

Garowe: ku dhawaad 20,000 oo bukaan oo loo qaaday dalka dibaddiisa adeeg la’aan caafimaad awgeed

Next Post

Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah

Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-OCT-2026

IDAACADDA 02-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo