Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Beeralay ay ka qasaareen dalagyo oo nolol-xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Xudur

Jibril Osman by Jibril Osman
January 23, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Bakool: Beeralay ay ka qasaareen dalagyo oo nolol-xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Xudur

Beeraley rajo xumo ka qaba dalagga ka qasaaray/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Abdinuur Cali waxaa welwel ku haya inuusan biil u awoodin carruurtiisa 13 ah iyo xaaskiisa oo 15 bishii Diseembar ee 2024 uu keentay xerada Moora-shinle, taas oo ku taalla duleedka magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Qoyska Xasan ayaa ka mid ah boqollaal qoys xeryaha magaalada u soo nolol doontay tan iyo dhamaadkii bishii Nofeembar ee sanadkii hore. Waxay ka soo barakaceen deegaanno kala duwan markii dallagyadii ay abuurteen ay roob la’aan uga qallaleen.

Ninkan ayaa sheegay in xeryihii ay soo maciin bideen ay ku wajahayaan hubanti la’aan cunno iyo hoy la’aan. Xasan oo 60 sano jir ah si uu nolosha reerka u maareeyo, wuxuu subax kasta u kallahaa magaalada si uu dadka caawinaad u weydiisto, isaga oo ugu badanana soo hela labo dollar.

“Nolol maalmeedka wallaahi cariiri ayay ku jirtaa. Dadka deriska ah ayaan u tagnaa, walaalow carruurta ayaa iga baahan qof barakac ah ayaan ahay kaamkas ayaan joogaa walaalow haddii aad wax igu dhaanto wax carruurta aan dabka aan ugu shito isii ayaan dhahayaa sidaas ayaan ku maareynayaa.”

Ninkan ayaa sheegay inuu nolosha barakaca ka fursan waayay markii ay ka qasaareen dallagyo isugu jiray galay, mesago, digir iyo sisin oo uu abuurtay bishii siddeedaad 2024. Sababta ayaa ahayd roobka dayrta oo aan si wanaagsan uga di’in deegaankiisii Abag-beeday.

Markii ay ku adkaatay inuu sii joogo, wuxuu qoyskiisa ula soo guuray magaalada Xuddur oo Al-shabaab u go’doonsan in ka badan 10 sano.

Ninkan ayaa carruurta la soo galay safar lug ah oo ku qaatay saddex maalin, markii uu ka quustay beertiisa oo shan hektar ah. Wuxuu filayay inuu ka goosan doono dallagyo uu ka heli karo faa’iido nolosha qoyskiisa beddesha.

Xasan ayaa sheegay in sanadkan uu yahay markii ugu horraysay oo deegaankiisa uu ka barakaco muddo 45 sano ah. Wuxuu tilmaamay in ka guuritaanka deegankiisa uu sidoo kale saamayn ku yeeshay waxbarashada carruurtiisa.

“Markii hore dugsi ayay lahaayeen, iskuul ayay lahaayeen. Hadda waxba ma hayaan. Qof baahan waxbarasho ileen kama gaaro haddana lama hayo. Qof baahan waxbarasho ma aboodo. Cunug baahan orod waxbarasho aad lama dhihi karo.”

Ninkan ayaa xusay in labo kamid ah carruurta oo wax u baran jiray ay hadda noqdeen guri joog waqtigooda ku qaata inay carrada ku ciyaaraan. Waxaa uga bixi jirtay tacliintooda bishii $20 balse hadda waxaa uga daran inuu cunno hal waqti ah u helo.

Ninkan ayaa sheegay inay murugo joogto ah ku hasyso xaaladda nololeed ee qoyskiisa, taas oo uu tilmaamay inuusan daboolin karin.

Qoysaskan barakaca cusub ah waxaa horay u saameeyay abaarihii dalka soo maray balse waxay u adkaysan waayeen inay ku sii negaadaan deegaanadoodii markii ay ka rajo beeleed beerahoodii.

Maxamed Cali Siciid iyo qoyskiisa toddobo qof ah waxay tan iyo 20 bishii Diseenbar 2024 cunno yari ku wajahayaan xerada Moora-shinle. Ninkan ayaa sheegay inay filashadoodii ahayd inay gargaar helayaan balse wuxuu xusay inay ku hungooobeen rajadoodii.

Hadda noloshooda ayaa ku tiirsan raashin bisil oo hal waqti oo ay ku caawiyaan dad deris la ah oo iyaga dhaama. Wuxuu xusay inay isku raacday isaga oo aan magaalada kala aqoon iyo inaysan sahay horay u wadan.

“Markii hore waxba kama welweli jirin, laakiin hadda aad ayaan uga welwelayaa. Markaas beerteyda ayaanba digirta iskaga soo guran jiray, galeyda ayaan iska soo guranayay markaas welwel dhan ima hayn. Laakiin hadda wax aan soo gurto ma lahan. Hadda nolosheena aad ayay u xun tahay.”

Maxamed ayaa sheegay inay meesha ka baxeen dallag u badnaa mesago, galay iyo digir oo u saarnaa beer afar hektar ah oo uu ku lahaa deegaanka Sarmaan, markii waraab yari ay saamaysay.

Ninkan ayaa dhibbane u noqotay isbeddelka cimilada. Wuxuu intaas ku daray in beertu aysan lahayn ceel lagu waraabiyo. Waxay ku tiirsanayd dhibicda roobka, taas oo keentay inay muddo kooban ku qallasho.

Ninkan ayaa tilmaamay in markii uu yimid duleedka magaalada uu isku dayay sidii uu ku maarayn lahaa nolosha qoyskiisa. Wuxuu xusay inuusan lahayn xirfad ka caawisa fursadaha magaalada oo ah kuwo kooban.

Maxamed wuxuu ka fekerayaa sidii uu qoyskiisa ugu heli lahaa cunno, biyo iyo hoy balse wuxuu isku keeni la’ yahay maarayntooda.

Ninkan ayaa sheegay in culayska ugu weyn ee uu maanta dareemayo uu tahay in labo ka mid ah carruurtiisa in ay ka xannuunsan yihiin isla markaanna uusan hayn wax uu ku daweeyo.

Maxamed 35 sano jir ah ayaa nolosha quus ka taagan.Wuxuu tilmaamay in uu isku dayay in uu shaqo ka raadiyo Xuddur balse uu waayay maddaama magaalada ay go’doon tahay isla markaana badeecada timaada lagu soo geliyo si dhuumaalaysi ah.

Qoysas xeryaha dhawaan yimid ayaa ka soo barakacay deegaano kala duwan sida Abagbeeday ,Biyoolay, Tugeerka iyo Sarmaan oo dhamaan hoostaga degmada Xuddur kana xiga koonfur iyo waqooyi.

Mursal Xasan Cadow wuxuu kamid yahay dadka cusub ee ku soo biiray xeryaha magaalada. Wuxuu ku wajahayaa xaalad nolol xumo iyo hoy la’aan ah. Ninkan ayaa sheegay in tan iyo intii uu soo gaaray xerada Moora-Hagar uusan helin wax gargaar ah. Waxay ku tiirsan yihiin raashin hal waqti ah oo ay ku cawiyaan qoysaska xerada la degan.

Mursal oo deeganka Tugeerka ku lahaa beer toddobo hektar ah ayaa sheegay in beertii uusan waxba uga bixin labadii fasal ee danbeeyay, balse sanadkan uu rajo ka qabay inay faa iido fiican ka heli doono.

Dalagga ka qasaaray waxaa ka mid ahaa mesago, galey iyo digir. Waxaa welwel ku haya sidii uu isaga gudi lahaa qarash uu ku galay oo uusan awoodin inuu iska bixiyo.

“Dayn ayaa la igu leeyahay, abuurkii aan beerta ku. Waxan is lahaa armay faa’iido kaaga soo baxdaa. $200 doollar oo deyn ah ayaa igashay. Dayntaas weli waa la igu leeyahay.”

Mursal ayaa la murugaysan sidii uu u maarayn lahaa nolosha carruurtiisa oo shan ah, iyo xaaskiisa. Wuxuu tabayaa noloshii hore ay ugu noolaayeen oo aheyd mid aad uga duwan mida maanta ay ku jiraan.

Dadkan beeraleyda ah ayaa sanadkan waxaa soo food saartay xaalad hubanti la’aan ah, taas oo ku qasabtay inay barakac noqdaan si ay nolol kale u raadsadaan, maaddaama beerihii ay noqdeen kuwo rajo la’aan ah.

Previous Post

Hal-abuur ganacsi oo ka caawiyay haweenka Goobwayn soo kabasho nololeed

Next Post

Garowe: Qoysas duruuftu ay bidday dawarsi markii ay abaar cayrtaysay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Garowe: Qoysas duruuftu ay bidday dawarsi markii ay abaar cayrtaysay

Garowe: Qoysas duruuftu ay bidday dawarsi markii ay abaar cayrtaysay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo