(ERGO) – Maryan Khaliif Digaale ayaa ku filnaaday masruufka qoyskeeda oo 10 qof ah. Waxaa u sahlay dhaqaale ay ka heshay ganacsi loo maalgaliyay bishii October sanadkii hore. Waxay hadda u awood carruurteeda cunno saddex waqti.
Waxay ka mid tahay 90 haween ah oo ka soo jeeda qoysas ay saameeyeeen abaaro iyo fatahaado oo lagu taageereen min $500. Ganacsigeeda oo khudaar ah waxaa macaamiil joogto ah u noqday boqollaal qoys oo ku nool deegaanka Goob-weyn iyo duleedkiisa.
Waxay xustay in ay maalinkii ka hesho faa’iido u dhexaysa $6 ilaaa $7 oo reerkeeda ka saartay nolol xumo ay muddo ku jireen.
“Wax iga maqnaa ayaan helay aad ayaan u wacanahay, waxna waan dhigtaa, waxna ilmahayga ayaan ku maareeya, qaarna miiska ayaan galiyaa oo markii khudaarta iga go’do waan dirsadaa.”
Maryan ayaa sheegtay in markii lacagta la siiyey ay 30 haween ah oo ay isku koox ahaayeen ku heshiiyeen in ay samaystaan kayd dhaqaale oo ay isku furdaamiyaan xilliyada ay culaysyadu ku soo kordhaan.
Waxay xustay in bishii ugu horaysay qof kasta uu iska jiray $40 oo isku geyn u noqotay $1200, taas oo dhigaalkooda ay ka bilaabeen.
Haweenaydaan ayaa xustay in qoyskeedu uu ganacsigaan ka hor ku tiirsanaa deyn iyo dad qaraabadeeda ah oo ay ka heli jireen raashin hal waqti ay cunaan.
“Dad ban ku tiirsanayn markii hore. Dadkii la qoraayay ayaan ka mid noday. Ilmo agoon ah ayaan haystaa oo qof kaligii guri degan ayaan ahay oo oday aan ku tiirsanayn ilaahay ayaa arintaan watay.”
Maryan ayaa tilmaamtay in bishii Noveember ay dhamastirtay sandaqad ay ka dhistay qayb gurigeeda ka mid ah oo ay kaga baxday $250.
Waxay xustay in ay ganacsigeeda u soo wareejisay goobtaan cusub ayna kaga maarantay miis ay awal maalinkii qoraxda ku dhib qabtay. Waxay iibisaa noocyada kala duwan ee khudaarta, taas oo u noqotay fursad dhaqaale.
Waxay tilmaamtay in ay bixisay $50 oo shan bil looga lahaa iskuulka Goob-weyn oo dugsiga hoose dhexe ay u dhigtaan saddex carruur ah. Waxay hadda samaysatay dad meelo kaduwan jooga oo ganacsigeeda ku xiran.
“Macaamiil ayaan leenahay. Telefoon ayaa jira wixii aan rabno noo sii dhiib ayaan dhahnaa, sidaas ayay noogu imaadaan bocor, yaanyo, baamiye, basal, moos aan Kismaayo ka soo qaato, beer hadda warkeed ma leh.”
Maryan qoyskeedu waxay ku noolaayeen duleedka deegaanka Goob-weyn, halkaas oo ay ugu taallay beer 4 hektar ah. Waxaa uga soo go’I jiray dalagyo khudaar iyo raashin ah oo ku filnaa.
Bishii May 2023 iyadoo ay u beernaayeen dalagyo kala duwan oo ay ku maalgalisay lacag $300 ayuu webigu ku fatahay beerteeda. Wixii markaas ka danbeeyay waxaa carruurteeda oo agoon ah u bilaabatay nolol hubaanti la’aan ah.
Waxay xustay in ay hadda qorshaynayso in ay beerteedii dib u tacabto iyada oo bil kasta meel u dhigta lacag ay si maalinle ah u aruuriso. Waxay aaminsan tahay in haddii ay arrintaas u suurawdo ay helayso wax-soo-saar laba dhinac ah.
Dumarka ganacsiyadan loo aas-aasay ayaa ka siman faa’iido dhaxal siisay is beddelka dhaqaale. Qof walba aya doortay fikrad uu la yimid, kadibna loo maalgaliyay.
Aamina Shide Dhinbil waxay si welwel la’aan ah ku debartaa nolosha qoyskeeda oo 12 qof ah, markii ay 10 bishii October bilowday ka ganacsiga dharka iyo kabaha. Waxay sheegtay in ay ka ka baxeen culays dhaqaale oo haystay.
Dukaankeeda oo ku yalla bartamaha Deegaanka Goobwayn ayaa leh macaamiil joogto ah. waxay xustay in ay ku bixiso dedaal dheeri ah oo u sahlay in ganacsigeedu uu muddo kooban ku sameeyo kobac muuqda.
Waxay iibsatay dhulka shan mitir ah oo ay ka dhisatay hal qol oo ay hadda ku ganacsato. $400 oo deyn ah ayaa kaga baxday, taas oo loo qabtay in ay ku bixiso muddo sanad ah. lacagtaas ayay bilowday aruurinteeda.
“Dhul ayaan gatay waa dhistay sodon iyo laba xabo oo foosta ah ayaan ku wareejiyay korna waxaa laga saaray laman-yeeri ganjeel ayaa iigu xiran. Meeshaas ayaan hadda ku ganacsadaa markii hore meel aan fariisto oo la iigu yimaado ma aanan haysan.”
Aamina ayaa sheegtay in marka ay iska bixiso deyntaas ay bilaabi doonto qorshe ay dukaan kale kaga furanayso deegaanka Istanbuul si ay balaariso ganacsigeeda una hesho macaamiil badan.
Waxay tilmaamtay in ay la macaamisho ganacsato waa weyn oo ay jumlado uga soo qaadato alaabta kadibna ay sii cadayso, iyada oo faa’iido yar saaranaysa. Faa’iido maalinle ah oo marba in ah ayay u kala qaybisaa dhamaan baahiyaha qoyska iyo bixinta deynta.
“Suuqa mar waa xun yahay oo waxba kuma soo galaayo oo marka ay ugu badato $10, $15 ayaad helaysa, maalina $20 ilaa $25 sida markas uu u macaan yahay weeye. Waxaas lee isku celceliyaa oo ilmahana iskuulka iyo dugsiga looga bixiyaa.”
Aamina ayaa xustay in lix carruur ah oo iskuul iyo dugsi qur’aan u dhigta ay labadii bil ee ugu danbaysay joogto uga bixiso $50 oo ay wax ku bartaan. Intii aysan ganacsigaan bilaabin waxaa ka bixin jirtay walaasheed, balse ay ka maarantay hadda.
Qoyska haweenaydaan oo markii hor ahaa xoolo dhaqato ku nool miyiga deegaanka Goob-weyn ayaa abaar saamaysay bartamihii 2022 ay kaga dhinteen 30 neef oo ari iyo lo’ ah oo ugu danbeeyay.
Cayrtowgaas ayaa ku qasbay in ay tuulada yimaadaan. kaalmo ay ka heleen ehelkood ayay ku dhisteen guri cariish ah, iayadoo iskuulka deegaanka ka bilowday shaqo cunto karin ah oo maalinkii ay ka heli jirtay $1.6.
Waxay tilmaamtay in aysan lacagtaasi ugu filnayn cunto hal waqti ah, balse ay dabka saran jireen wixii yar ee ay u goyso. Aamina ayaa sheegtay in ganacsigaan uu ka saaray nolol adag oo ay qoyskeedu ku jiraan saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Raado Maxamed Ibraahim oo ah gudoomiyaha haweenka ka faa’iidaystay fursadahaan ayaa sheegtay in la soo xulay dadkii xaaladaha ugu liita ku jiray, kuwaas oo hadda dhaqaale ahaan is badalay.
Waxay tilmaamtay in ay sameeyeen xog aruurin la xiriirta qoysaska dabku ka damsan yahay ee tuulada degan si looga faa’iideeyo fursadaan maalgalinta ah ee soo baxday.
Raado ayaa xustay in ay samaysteen nidaam ay isku raacsan yihiin oo dhaqaale ay ku aruursadaan, qofkii ganacsigiisu dhib la kulmo lagu taagulaynayo.
“Bishii laba mar ayaan fariisanaa qofka magaciisaa la qorayaa, lacagta uu dhigtay ayaa la qorayaa, taarikhda waa la qorayaa, waa la diiwaaan galinayaa waxii la aruuriyo. Haddii gabadh wax u soo baahato waa la siinaa, haddii uu boqol u yaallay sadex boqol ayay qaadan kartaa.”
Dadka abaaraha iyo fatahaada ku hanti beelay oo soo maciin biday tuulooyinka iyo xeryaha barakaca inta badan kuma dhiiradaan in ay la yimaadaan qorshe ay kaga bixi karaan nolosha adag, sababtoo ah in aysan garab istaag dhaqaale heli karin badankoodu.