Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hargaysa: Gabar naafo ah fursad shaqo ka heshay iskuul ay ka qalin-jabisay

Jibril Osman by Jibril Osman
January 20, 2025
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargaysa: Gabar naafo ah fursad shaqo ka heshay iskuul ay ka qalin-jabisay

Yaasiin Ibraahim Cali oo fadhida xaafiiska ay ku shaqayso, kaas qaabilsan diiwaan-galinta arday/ Cabdicasiis Caydiid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Yaasmiin Ibraahim Cali oo ah 27 jir lugaha naafo ka ah ayaa isku filnaansho dhaqaale gaartay, markii ay ku shaqo bilowday xirfada Kumbuyuurta bartamihii 2024. Shaqadaan waxaa u sahlay in ay kaalinta koobaad ka gashay in ka badan 1,200 oo arday oo isku meel ay wax ku barnayeen kaligeedna ay qabtay baahiyaha garka ah.

Waxay hadda qaybta diiwaangalinta ardayda u qaabilsan tahay machadka Iqra ee Hargaysa oo horay ay uga baratay xirfadaan. Shaqadaan oo ah middii ugu horaysay ee ay qabato ayay sheegtay in ay u horseeday isbedal ay ku naaloonayso.

Haweenayda oo ka soo jeeda qoys danyar ah ayaa xustay in lacag $130 ah oo bille ay uga qaadato ay u suuragalisay in ay dhaqaale ahaan u taageerto hooyadeed oo waayeel ah. Waxay sidoo kale u noqotay dhiiragalin iyo in ay ku deberato baahiyaheeda.

 “Marka aan wax u baahdo cid ma weydiisanayee anigaa gacantayda ku haysta. Tan kale ee ay igu soo kordhisay waxa weeyaan bulshada in aan sii dhex gali karo oo aan la shaqaysan karo, shaqooyinkaygana aan intaas ka sii badin karo.”

Yaasmiin ayaa xustay in machadka ay ka qalin-jabisay bishii labaad ee sannadkii hore afar bil kadibna uu maamulku u gartay fursadaan shaqo. Waxay sheegtay in isla xilligaas ay amaah ku soo qaadatay gaari ay ku socoto oo lacagtiisu ahayd $1,500. Waxay kula heshiisay ganacsadaha in ay iska yar yarayso lacagtaas oo ay hadda iska bixisay $500 oo ka mid ah.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in dad badan aysan aaminayn in ay shaqayn karto si la mid ah kuwa lixaadka leh. Waxay xustay in dadka naafada ah ay shaqo walba qaban karaan sidoo kale ay wax baran karaan.

Yaasmiin ayaa xustay in markii ay ku guulaystay dedaalkeeda ay billowday olole lagu dhiiragalinaya dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo intooda badan aan dhan shaqo iyo waxbaraho midna uga dhex muuqan bulshada kale.

“Waxa jira dad badan oo naafo ah oo maskaxda ku haya waxba ma qabsan kartid. Markaa barnaamijkaasi wuxuu tilmaamayaa in uu qofka naafada ahi dadaali karo. Qaybtiisii koowaad Hargaysa ayaan ku qabtay, qaybtiisii labaadna Gabiley.”

Yaasmiin ayaa xustay in markii hore ay joogitaanka magaalada la qabsan waysay. Waxay tilmaamtay in ay isu arkaysay qof aan dadka la mid ahayn oo aan waxba qabsan karin, maadaama aysan woodin in ay guriga ka baxdo xilliyada loo baahdo in meel la geeyo ayay tilmaamtay in loo kirayn jiray gaari.

Waxay xustay in muddo ka dib ay qoyskeedu u iibiyaan gawaarida dadka naafada ah, taas oo ku dhalisay hami ah in ay wax barato si ay bulshada u dhex gasho ugana baxdo nolosha kalinimada ah ee guriga dhexdiisa. Waxay bilowday xirfadaha Kombuyutarka, cillaanka, tolida dharka, naqshdayntiisa, samaynta muuqaalada iyo luuqada Ingiriiska.

Yaasmiin ayaa sheegtay in sanadkaan cusub ay qorshaynayso in ay bilowda aqoonta IT si aqoonteeda Kombuyuutarka ay u hormariso. Waxay sidoo kale doonaysaa in ay iska dhisto waxbarashada aas-aasigaa ah kadibna ay bilowdo jaamacadda heerka koobaad.

Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in ay nolosha ka leedahay rajooyin ay hiigsanayso. Yaasmiin waxay ku faraxsan tahay in halgankeedu uu gaarsiiyay heer ay tusaale u noqoto dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

“Hankaygu intaan kaliya kuma koobna. Anigu waxaan jecelahay in aan noqdo qofkii ugu horaysay ee ganacsade noqda. Waxaan doonayaa wixii aan is irahdo dalkaaga waad ku soo kordhin kartaa in la igu barbar istaago.”

Yaasmiin ayaa sheegtay in ay jeclaan lahayd in dadka la mid ka ah ay yeeshaan goobo loo soo shaqo tago iyo fursado shaqo abuur ah oo ay maamulaan sida dadka kale. Waxay qortay oo ay doonaysaa in ay dhawaan soo bandhigto buug ay kaga hadlayso waayaheeda nolosha iyo halgankii ay u soo martay heerka ay maanta joogto.

Goobaha waxbarashada iyo shaqada oo intooda badan aysan si fudud ku tagi Karin, xilliga roobka oo aysan u sahlaynay ku socodka wadooyinka, mararka qaar oo ay u waydaa meel ay dhigato gaariga cariiriga jira dartiis ayay xustay in ay keenta in ay shaqada iyo waxbarashada ka daahdo maalmaha qaar, balse aysan marna isku dhiibin caqabadaas.

Goobta shaqad iyo halka ay wax ka barato oo labaduba dabaqyo ah ayay tilmaamtay in ay gurguurad ku korto dabaqa labaad ilaa saddexaad ah, taas oo sababta in ay dareento daal badan iyo jir xanuun joogto ah, maaddaama ay gacmaha adeegsanayso.

Yaasmiin ayaa xustay in iyadoo saddex sano jir ah uu haleelay cudur dabayl loogu sheegay. Qoyskeeda oo degganaa miyig deegaanka Sabo-wanaag ee duleedka Hargaysa ayaysan u suuragalin in ay deg deg ku geeyaan dhaqtar, taas oo sababtay naafonimadeeda.

Dhowr sano kadib ayaa loo geeyay wadaad qoysku u arkayeen in uu dabiibi karo. Dhakhaatiir Ruush ah oo muddo badan ka dib la kulantay ayaa u sheegay in lugaheedu ay rajo leeyihiin, balse looga baahan yahay qarash ka badan 10 kun oo dollar oo iyada iyo qoyskeeduba aysan awoodin.

Waxa ugu weyn ee hadda ay kafikirtaa waa sidii ay ku heli lahayd dhakhtar dibbadeed, maaddaama aysan wali ka rajo dhigin lugaheeda oo ay aaminsan tahay in haddii ay tagto wadamada hormarsan ay wax ka qaban karaan.

Yaasmiin yaraanteedii fursad uma helin waxbarasho, maaddaama ay qoys reer guuraa ah ka soo jeeday. Waxay sheegtay in markii ay soo wayntay oo waalidkeedu ay awoodi waayeen qaadisteeda, iyaduna ay ku dhibtootay nolosha adag ee miyiga la go’ansaday in magaalada la geeyo sanadkii 2005 si ay ula noolaato xubno kale oo ehelkeeda ah.

Previous Post

Garowe: Qoysas ku jiray xero barakac oo lagu taageeray guryo dhisan iyo adeegyada bulshada

Next Post

Hal-abuur ganacsi oo ka caawiyay haweenka Goobwayn soo kabasho nololeed

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Hal-abuur ganacsi oo ka caawiyay haweenka Goobwayn soo kabasho nololeed

Hal-abuur ganacsi oo ka caawiyay haweenka Goobwayn soo kabasho nololeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-APR-2026

IDAACADDA 29-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo