(ERGO) – Kun qoys oo ah dad soo barakacay ayaa la siiyay guryo dhisan oo ay degaan si ay uga baxaan hoy xumo ay ku wajahayeen xeryo lagu barakacay oo ku yaalla magaalada Garowe. Qoys kasta waxaa la siiyay qol dhagax ah oo leh musqul, kuna fadhiya dhul cabirkiisu yahay 169 mitir oo isku weer ah.
Dadkan ayaa ah danyar ay saameeyeen abaaro, fatahaado, colaado iyo musiibooyin kale oo burburiyay ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen. Meymuun Cabdi Cabdulaahi ayaa ka mid ah dadka ka faa’ideystay.
Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in dhaqaale darradu ku riixday inay ku noolaadaan aqal cooshad ah oo aan ka xajin karin roobka iyo qoraxda. Hoy xumada ayay ku tilmaantay caqabadda ugu weyn ee haysatay qoyskeeda oo ka kooban iyada, saygeeda iyo 5 carruur ah.
“Xilliga roobka warwar ayaan qabi jiray. Illeen daadka iyo dhibicda guriga uma adkeysan karo. Hadda roobka waan ku faraxnaa oo marka uu da’ayo guri aan ka galno ayaan haysanaa.”
Meymuun oo 36 jir ah ayaa xustay in saddex jeer laga saaray xerada jillab oo ay degganeyd, markii ay awoodi weyday bixinta $5 oo ah kiro uu bishii ka qaadi jiray qof deegaan ah oo leh dhulka.
Hoy xumada waxaa u dheeraa adeegyada biyaha iyo caafimaadka oo helitaan koodu ku adkaa. 20 liitar ee biyaha ah ayay sheegtay in laga siin jiray lacag toban cent ah, balse intaasba hadda bilaash ayay u yihiin.
“Waxaa xerada ku yaalla saldhig Boolis oo la geeyo dadka is dagaala. Iskuulkii ayaa diyaarsan oo isagana aan sugeynaa inta macallimiinta laga keenayo. Aad bay meeshan noogu fiican tahay nolol ahaan.”
Meymuun ayaa magaalada Garowe timid sanadkii 2018, markaas oo abaar ay uga la’deen boqol ari ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga gobolka Nugaal. Waxay sheegtay in mar haddii laga taageeray biyaha, caafimaadka iyo hoyga, waxa kaliya ee hadda hor yaalla ay tahay raadinta wixii ya cuni lahaayeen.
Waxay leedahay ganacsi yar. Sidoo kale waxay ku shaqeysataa harqaan lagu caawiyay oo u yaalla guriga, kaas oo maalinkii ay ka hesho $5 illaa $7. Waa xirfad lagu baray xeradii laga soo raray.
“Harqaan ayaan toshaa, shaah waan gataa, caano waan gataa. Aniga ayaa isku tashaday, sidii hore waan ka fiicnahay, sababtoo ah qofka hadduu hoy helo waxaa u fudud inuu qabsado inta kale ee nolosha ka dhiman. Markii hore niyad jab ayaan ku noolaa oo maba shaqeysan karinba, “ayay tiri Meymuun.”
Barnaamijkan oo magaciisu yahay dib u dajinta Hoodaale waxaa maal galiyay bangiga adduunka, fulintiisana waxaa iska kaashaday dowladda hoose ee Garowe, hay’adaha IOM iyo NRC.
Sahro Maxamed Aadan oo ka mid ah dadka la caawiyay ayaa xustay inay tahay, markii ugu horeysay oo hanti ma guurto ah ay ku yeelato magaalada Garowe oo ay barakac ku aheyd muddo 20 sano ah.
Waxay sheegtay in culeyska ugu weyn ee haystay uu ahaa hoyga oo ahaa cooshad jilicsan oo aan ku filneyn qoyska iyo bixinta lacag shan Doollar ah oo bil kasta laga qaadi jiray muddada ay degganeyd kaamka laga soo raray ee Marko.
“Kirada markaan waayo waxaa leyga fuqsan jiray albaabka guriga, markaas ayay dantu nagu qasbeysay inaan iska seexano isagoo aan albaab laheyn. Dhibtaas hadda waan ka raysanay.”
Sahro ayaa tilmaantay in nolosha barakacu aheyd mid adag, balse duruufaha iyo dhaqaale darradu sababeen in waqti dheer ay ku jirto. Xaaladaas ayay xustay in carruurteeda oo wiil 13 jir ah ugu weyn yahay ay waxbarasho la’aan ka dhigtay, balse rajadeeda hadda waa mid wanaagsan oo waxa ay sugeysaa inta la howl galinayo iskuul hoose iyo dhexe ah oo wax barashadiisu bilaasha tahay oo looga dhisay halka la dajiyay.
Qoyska ayay xustay inay helaan cunto filan. Waxaa reerka u shaqo taga iyada oo waddada ku gadda cunto bisil iyo seygeeda oo dhagaxa dhismaha oo aan joogta aheyn ka hela $5 illaa $10, maalinkii.
“Nolosheena way fiicantahay. Aabbaha ayaa marmar wax na siiyo. Anigana burkaan ayaan gataa. Dukaan ayaan burka ka soo deynsadaa, markii aan gado ayaan lacagta siiyaa, sidoo kalana waxaan ka soo qaataa raashiinka aan cunno. Aniga waxaan gadaa mash-mash, bajiiyo, sanbuus iyo bur saliid ayaan waddooyinka ku wareejiyaa.”
Sahro oo ah hooyada toddobo carruur ah ayaa sanadkii 2005, waxay ka soo barakacday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose. Noloshoodu waxay ku tiirsaneyd tacabka beer ay leeyihiin.
Sahra kama quusan inay mar un ku noqoto halkii ay ku soo barbaartay oo ay ka maqan tahay in ka badan kala bar cimrigeeda, balse xasilooni la’aanta ka jirta gobolkan caanka ku ah wax soo saarka beeraha waa midaan wali xal loo helin.
Qoysaska la caawiyay ayaa laga soo xulay toban xero oo ku yaalla magaalada Garowe. Waxaa mudnaanta la siiyay kuwa nugul, sida ay tilmaantay Deeqo Maxamed oo ka sheekeynaysa sida guriga ay ku heshay.
“Qoysaska ciyaalka badan haysta ee danyarta ah ayaa diiradda la saarayay, marka aniga sidaas ayaa nalagu soo xushay. Meesha aan daganeyn malaheyn caafimaad, biyo iyo musqulo, meel nolol adag nagu haysay ayay aheyd, balse hadda dhibtaas waan ka baxnay.”
Deeqo ayaa xustay inay tahay markii ugu horeysay oo ay hesho guri ku filan oo ay leedahay iyo adeegyada caafimaadka iyo biyaha oo bilaash ah.
Qoyska ayay sheegtay in culeyska ku haray uu yahay cunno yari ay wajahayaan tan bishii July, markaas oo ay ka istaagay kaalmo $80 ah oo bil walba ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP.
“Wax rasmi ah oo aan ku tashano ma jiraan. Waxaan ku tashanno waa waxaan ka shaxaadno qof asaageenna ah. odayga iyo anigu ma shaqeyno. Waagii hore kaarar gargaar ah ayaan heli jirnay, balse hadda jiq weeye.”
Deeqo oo ah hooyada lix carruur ah ayaa Garowe soo maciin biday sanadkii 2017, markii ay abaar uga la’deen 150 ari ah oo noloshoodu ku tiirsaneyd.
Xog-hayaha dowladda hoose ee magaalada Garowe Maxamuud Cali Xasan ayaa tilmaamay in ujeedada laga lahaa barnaamijkan oo la daah furay bishii December ay aheyd in la deegaameeyo qoysaskan.
Wuxuu sheegay in tani ay ka caawineyso inay ka soo kabtaan dhaqaale xumada, ayna la qabsadaan nolosha magaalada.