Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Carruur shuban biyood iyo cudurro kale ugu geeriyooday xerayaha lagu barakacay

Jibril Osman by Jibril Osman
January 16, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Hawo Salah oo cudurka uu ka dilay wiil ayaa ka walwalsan xaaladda carruurta kale/Rijal Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan iyo toban carruur ah oo ka yar da’da toban sano ayaa cudurka shuban-biyoodka ugu geeriyooday labadii bil ee la soo dhaafay xeryaha Horseed iyo Danyar oo ku yaalla degmooyinka Garasbaaley iyo Kaxda Sida ay Ergo u xaqiijiyeen ururka caafimaadka ee Somali Health Awareness.

Xaawo Saalax Axmed oo ah hooyada toddobo carruur ah, 12 December waxa ka geeriyooday wiil saddex sano jir ah, markii uu wajahay muddo toddobaad ah fuuq-bax. Waxay gaysay farmashi aan ka fogayn xerada, markii xaaladdiisu sii adkaatay.

Baaritaan kaddib waxaa loo sheegay in wiilkeeda uu qabo cudurka shuban-biyoodka, ayna u baahan tahay daawo joogto $10 oo ay u awoodi weysay, taas oo keentay in daryeel la’aan uu u geeriyoodo wiilkeeda.

Haweeneydaan waxay tilmaantay in dhaqaale xumada haysata qoyskeeda iyo qadarka oo qornaa ay u sababeyneyso geerida wiilkeeda.

“Wuu iga geeriyooday, maaddama aan isbitaal geyn waayay oo aan awoodi waayay kharash la’aanta igu dhacday awgeed.”

Qoyska Xaawo oo ah danyar aan weli la qabsan nolosha xerada iyo magaalada ayaa ku tiirsan cunno bisil oo hal waqti ah oo aan ku filnayn. Waxaa ku caawiya dad deris la ah.

Nolol xumada iyo cudurada ka jira xerada waxaa u dheer inay haysato hoy xumo. Waxa ay degan yihiin guri ka sameysan maryo iyo qoryo la isku xir-xiray. Mar waliba waxaa ka burburiya dabeysha, taas oo keenta in hadba dib loo dhiso.

“Waxaan nahay dad iska rafaadsan oo xataa aan heli karin bush. Biyaha xeradaan waa ciriiri. Haddii aad hesho hal jirigaan maalinkii waxaad tahay qof nasiib leh, wax daryeel ah ma heysano meeshaan.”

Xaawo Saalax waxay ka soo bakaracay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha hoose bishii June ee 2024, markii ay saameysay colaad u dhaxeysay dowladda iyo Al-Shabaab. Waxay ku tiirsanaayeen beer hal hiktar. Waxay ku beeran jireen noocyada kala duwan ee khudaarta.

Colaadaha iyo masiibooyinka kale ee Rabbaaniga ah ayaa qoysas badan oo isku filnaa u horseeda barakac.

Xeryaha Danyar iyo Horseed waxaa ku nool dad kor u dhaafaya 900 oo qoys oo dhowaangal ah, kuwaas oo colaad, fatahaad iyo abaar ku waayay duunyadii ay dhaqanayeen.

Daryeel xumida iyo adeegyada yarida ka jirta xeryaha waxay dad badan oo ka mid ah kuwo soo barakacay ay u geeriyoodeen dayac dhanka caafimaadka ah. Qoysaskan maahan kuwa  awooda lacagaha looga baahan yahay si ay u helaan adeeg caafimaad.

Markab Maxamed Cabdi oo ah oo hooyada sagaal carruur ah waxaa 5 December ee sanadkii hore xerada Danyar uga geeriyooday wiil 8 jir ah, markii uu ku soo booday xanuun degdeg ah oo aysan aqoonsan waxa uu yahay.

Waxay tilmaantay in xerada aysan ka jirin goob caafimaad oo dadka la geeyo dadka. Lix maalin ayuu ka xanuunsanayay wiilkeeda oo ay isha ka dayeysay, inaysan haysanin dhaqaale ay ku daaweyso ayaa u horseeday duruuftaan.

“Meeshaan gargaar iyo daawo midna ma taallo way iska fuurayaan ilmaha, kadibna way dhimanayaan meeshaan daryeel ma yaallo.”

Markab Maxamed waxaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka xanuunsanaya labo wiil 4-5 jir ah, kuwaas oo ay ku aragtay calaamado ka mid ah kuwii uu u dhintay wiilkeedii.  Waxay ka welwelsan tahay sida ay noqon doonto xaaladdooda.

Waxay xustay in imaatinkeeda ay la kowsatay xaalado adag oo daryeel iyo nolol xumo ah oo isu biirsaday tan iyo markii ay xeradaan soo degtay.

“Isbitaal ma gayn waxaan u waayay lacag. Waxaan geyay farmashi kaniiniyaal ayay soo siiyeen, waxna uma tarin. Caafimaad ma jiro xerada, MCH nooma dhawaa hadda laba isbuuc ayay xanuunsan yihiin meel aan geeyo ma heysto.”

Qoyska haweenaydan wuxuu ku tiirsan yahay cunno bisil oo ay ku helaan xerada. Waxay ka soo barakaceen deegaanka Basra oo Shabeellaha Hoose ka tirsan. Waxay ahaayeen xoolo-dhaqato ay saameysay abaar iyo colaad. Waxay duqeymaha diyaaradaha iyo dagaalada ku waayeen lixdan neef oo ari iyo lo’ isugu jira.

Dr Cabdifitaax Cumar  oo hormuud u ah koox dhaqaatiir oo ku mideysan urur caafimaad oo lagu magacaabo Somali Health Awareness ayaa 24 bishii December kormeer ku tagay xeryaha ayaa sheegay in cudurkaan uu ka dhashay nadaafad-darro ka dhex jirta xeryaha, kuwaas oo aan lahayn biyo nadiif ah iyo musqulo.

Wuxuu sheegay inay la wadaageen dadka talooyin caafimaad oo la xiriira sida ay u la tacaali karaan bukaannada, maaddama aysan iyaga siinin daawooyin iyo gargaar kale oo caafimaad.

“Markii aan booqanay xeryaha waxaan ku soo aragnay xaalad quus ah oo bini’aadannimo. Aniga indhahayga waxaan ku arkay 17 kiis oo shuban biyood ah culus ah oo gaaray xaalad nafaqo xumo ah. Annaga ka caafimaad ahaan markii aan si fiican u sii eegnayna waxaa muuqata in faafitaanka uu cudurka sameynayo uu yahay mid xad ka bax ah. Sababtoo ah cudurka shuban-biyoodka waa mid inta badan si dhaqso leh ku faafa.”

Dr Cabdifitaax Cumar wuxuu sheegay in labada xero ee ay tagayeen dadka ku nool aysan haysanin adeegyada aas-aasiga u ah nolosha. Sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyay heerka nadaafadda oo ah mid aad u liita, kuwaas oo u baahan wacyigelin iyo wax ka qabasho wadajir ah.

Qoysaska barakaca ku ah xeryaha ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho waxaa wejiyadooda ka muuqda dhibaatooyin nafsi iyo kuwa jireed oo ay ka dhaxleen colaadaha iyo musiibooyinka saameyay ilahooda nolosha, kuwaas oo rafaad badan ku reebay maskaxdooda.

Previous Post

Galdogob: Beeraley faa’iido dhaqaale ka helay dalag ay si casri ah u beerteen

Next Post

Garowe: Qoysas ku jiray xero barakac oo lagu taageeray guryo dhisan iyo adeegyada bulshada

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post
blank

Garowe: Qoysas ku jiray xero barakac oo lagu taageeray guryo dhisan iyo adeegyada bulshada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-FEB-2026

IDAACADDA 07-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo