Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galdogob: Beeraley faa’iido dhaqaale ka helay dalag ay si casri ah u beerteen

Jibril Osman by Jibril Osman
January 15, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Beeraley ku howlan goosashada dalag u baxay si ay u suuq-geeyaan/SDC

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Farxaan Xaaji Yuusuf wuxuu markii ugu horraysay iib-gaynayaa dalag iskugu jira khudaar iyo raashin oo  uga soo go’ay beer hal hektar ah oo looga sameeyay deegaanaka Dudun ee gobolka Mudug. Arrintaas ayaa ka saacidday in ay nolol-xumo ka soo kabtaan qoyskiisa 17 qof ah.

Wuxuu nasiib u yeeshay in uu ka mid noqday 35 qoys oo iskugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay oo ay qalabka beeraha iyo abuur ku caawisay hay’adda Salaam bishii Julaay ee sanadkii hore. Ninkan oo abaarihii dalka soo maray ay ka laayeen tiro ari ah oo uu dhaqanayay ayay il dhaqaale u noqotay beertan.

Wax-soo-saarkiisa oo uu u iib-geeyo magaalooyinka Galdogob, Bursaalax iyo Gaalkacyo ayuu sheegay in uu ka helay lacag gaaraysa $200 muddo saddex todobaad ah oo uu shaqaynayay. Wuxuu xusay in dhaqaalahaas ay si buuxda ugu filnaadeen qoyskiisa.

“Beertu wax weyn bay igu soo kordhisay waa marka kowaad deegaankii iyo dadkii bay anfacday anna wax wanaagsan bay ii noqotoo carruurtiina. Waa ku masaaruftaa iyo reerahii wixii aniga igu taxaluqay. Waxaa ka mid ah raashinkii la soo gadanaayo sida, caanahii, hilibkii, bariiskii, burkii, iyo sonkortii. Beertiina dib ayaan qeyb ugu celshay.”

Faarax ayaa xusay in hay’adda ay siisay tababar socday 21 maalin oo lagu barayay qaabka casriga ah ee wax lagu beeran karo. waxaa sidoo kale la siiyay abuurka iyo qalab ka lagu falo beeraha. Wuxuu intaas ku daray in isaga uu dedaal fiican sii geliyay taageerada uu helay taas oo ugu danbayn uu ka mira dhaliyay.

Bilihii Agoosto iyo Sebteembar ayuu sheegay inuu hagaajiyay dhulka uu ku beertay raashinka iyo khudaar u badan yaanyo, barbanooni, canbe, saytuun, batiiqa iyo basal.

Dhanka kale faarax wuxuu hadda ku dhiiraday in uu iska gudo dayn gaaraysa $550 oo uu bakhaarro raashin kaga qaatay 2 sano ee la soo dhaafay. Wuxuu hadda dhiibay $100 ka mid ah. Inta kale ayuu qorshaynayaa in uu iska dhameeyo inta uu dalaggaan guranayo.

Faarax ayaa sheegay in sidoo kale uu beerta daaq ugu helay 10 neef oo ari ah oo abaarta kaga bad baadday. Rajadiisa ayaa ah inuu sii joogteeyo shaqadan tacbashada ah oo uu u arko mid dad iyo duunyaba manfac u leh.

“Beerta iyo xoolahu labbaduba faa’iido weyn bay leeyihiin. Cawsaan dhinac ugu  beero oo ay cunaan iyo galayda oo marka miraha ka jarto ay sabuulkeeda xoolahu ii cunayaan. Waxaan ka helayaa marka caano iyo cayil iyo arigiiyoo iibsamaya.”

Faarax wuxuu sheegay in markii uu billaabay tacbashada beertan uu qoyskiisa ka soo kabtay nolol-xumo ay wajahayeen tan iyo sanadkii 2018, xilligaas oo ay soo billowdeen abaaraha mariyay xoolihiisii.

Ninkan wuxuu sheegay in shan sano oo xaalihiisa ay abaaruhu saamaynayeen uu qoyskiisa ku tiirsanaa caawinaad aan joogto ahayn oo ay ka heli jireen dad ay qaraabo yihiin oo ku nool magaalada Gaalkacyo iyo daymo.

Beeraleyda ka faa’iidaystay caawintan ayaa ka siman soo kabsashada dhaqaale. Jaamac Axmed Jaamac oo beer afar iyo toban hektar ah ku leeyahay duleedka magaalada Galdogob. Ninkan ayaa sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay ay qoyskiisu ku tiirsan yihiin wax-soosaarka beertiisa.

Dalagga u saaran beerta oo ah digir, qare, liin, yaanyo, barbanooni iyo kuwa kale ayuu xusay in 2 mar ee uu suuqa geeyay uu ka faa’iiday lacag  u dhaxaysa $130 ilaa 170. Kobaca dhaqaale ee beertiisa samaysay waxay meesha ka saartay walaac uu ka qabay afar ka mid ah carruurtiisa oo horay uu u bixin waysana qarashka ku baxaya.

“Ciyaalkayga qaar baa dugsi sare dhigta. Qaar ayaa dugsi quraano dhigta ama meelo xifdinta qur’aanka ah marka Ilaahay ayaa mahad iska leh kolay hadda waxaan isleeyahay waxaa iga baxa waa $160, markii laga reebo imtixaanaadka iyo buugaagtooda.”

Jaamac wuxuu sheegay in beertiisa ka hor caawintaan uu quus ka joogay tacbashadeeda. Waxaa ka qasaaray dalag uu abuuray afar xilli roobaad oo xiriir ah. Waxaa isku raacay isaga oo aan aqoon fiican u lahayn qaabka dalagga loogu beero gobolka oo carro adayg iyo kulayn ah iyo agab la’aan.

“Markii hore waxaa isku dayi jirnay inaan ku waraabino in biyaha dhulka la raaciyo. Laakiin waxaan aragnay in nidaamka beerashada casriga, kana biyo dhaqaale yar yahay kana dhib yar yahay oo dalagu ciida kaa guurayn. waxaan kaga faa’iidaysanay oo markii hore carqalad naga haysay biyahaas dhulka lagu furaayo oo dhibaato badan aan kala kulmaynay xanuunadii aysan hadda gedahu isqaadsiinayey.”

Wax-soo-saarka beeralaydaan waxaa sidoo kale ka faa’iidaystay dadka ka ganacsatada khudaarta ee ku nool gobolka. Sayid Nuur Jaamac oo dukaan uu ku iibiyo khudaarta ku leh magaalada Galdogob wuxuu xusay in uu si joogto ah u degsado dalagga raggan.

Wuxuu tilmaamay in uu ku doortay in uu ka qiima jaban yahay khudaarta laga keeno Hiiraan oo uu horay u gadan jiray. Wuxuu xusay in uu ka baaqsaday qasaaro uu kala kulmi jiray khudaarta oo dhex ku halaabi jirtay inta la soo wado.

Muddo bil ah oo uu degsanayo ayuu sheegay in uu dukaankiiisa ka dareemay koboc muuqda. Sidoo kale waxaa kordhay macaamiishiisa oo uu xusay in ay ka heleen khudaartan oo ka fiican midda la keeno ee rarka soo gasha.

“Macaamiisha way la dhacsan yahiin  markii hore waxay qaadan jireen kiilo hadda waxay qaataan labo ama sadddex yaanyo kayd gasha waaye oo waa cayriin muday oolaysaa, lakiin hadday bisishahay waxba ku tari mayso marka waxa aan la siisan karin waa cuseyb keeda masha allahu ah.  

Sayid wuxuu sheegay in hadda uu ku dhiira geliyo beeralayda in ay kor dhiyaan beerahooda si ay u siyaadiyaan delaggooda

Muxsin Mowliid oo ka mid ah hawlwadeenada hay’adda Salaam u qaabilsan barnaamijkan lagu caawiyay qoysaskan ayaa sheegay in u jeedka beerahan loo sameeyay uu ahaa in dadka ay helaan il dhaqaale oo ay kaga soo kabsadaan saamaynta gaartay.

Wuxuu xusay in inta aysan fulin barnaamijkan ay qiimayn ku sameeyeen deegaanka iyaga oo soo qoray dadka ay caawiyeen. Waxay ku soo xuleen sida ay u kala liitaan marka laga eego saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen xoolahooda iyo beerahooda.

Previous Post

Doolow: Haween nolol xumo haysay kaga dabaashay ganacsiyo ay ka furteen xero barakac

Next Post

Muqdisho: Carruur shuban biyood iyo cudurro kale ugu geeriyooday xerayaha lagu barakacay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
blank

Muqdisho: Carruur shuban biyood iyo cudurro kale ugu geeriyooday xerayaha lagu barakacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo