(ERGO) – Boqol iyo labaatan doolar oo ay ku heshay dayn ayaa ka caawiyay Xamda Sheekh Xasan in ay ka hirgalisay xerada barakaca Qurdubay ee dagamada Doolow miis ay ku iibisin raashinka iyo kudaarta, kaas oo xal u noqday cunno xumadii haysay qoyskeeda oo 6 ah.
Fursaddan ganacsi waxay kaga dabaasheen gargaar raashin oo ka istaagay iyo shaqo la’aan soo wajahday aabbaha qoyskan oo muruq-maal ah. Waxay sheegtay Xamda in ay si maalinle ah uga hesho lacag ka badan $5.
Waxay subaxa hore u kallahdaa beeraha ku yaalla Doolow, halkaas oo ay ka soo iibsato khudaar qiimeedu ka jaban yahay, taas oo faa’iido ay ka hesho marka ay dib u iibiso. Dhaqaalaha ka soo gala ayaa soo kabasho u noqday, markii sanadkii hore ay maciin bidday dawarsi.
Hay’adda World vision ayaa ka goostay dabayaaqadii sanadkii 2023 qoyska ay ka mid yihiin ee ku la noo xerada gargaar raashin ah oo bille ay u heli jireen, taas oo ugu danayn ku qasabtay Xamada in ay la timaado fursad il-dhaqaale u noqotay.
“Ilmaha cuntadooda waxaan raadiyaa miiskaas. Waxaa iga soo galaysa maanta oo kale waxaa iga soo galaysa cashada ama quraacda oo isla socda.”
Saddex bil oo ganacsigu u shaqaynayo waxay ku guuleystay in ay iska bixiso lacagtii daynta ahayd ee ay ku billowday miiskeeda, sidoo kalana ay ku biirto koox haween ay ku midoobay ayuuto. Waxay ka kooban yihiin toban qof, kuwaas oo xerada barakaca kula nool.
Xamda iyo haweenkan waxay ka mid yihiin 63 dumar ah oo fursado ganacsi oo kala duwan ka hirgaliyay xerada, markii ay ku adkaatay nolol xumada. Dumarkan ganacsiyada leh ayaa hal goob oo ka mid ah xerada dhigta misaska. Arrintan oo u suurto galisay in ay helaan macamiil ka iibsada.
Xamda waxay ahayd guri-joog ka hor inta aysan sameysan miiskeeda ganacsi. Waxay sheegtay in ay ku riixday, markii ay aragtay haween isku kaashaday yagleelidda ganacsiyadan. Waxay u tagtay milkiilaha dukaan ay macaamiil lahayd xilligii uu shaqayn jiray ninkeeda oo dhagaxle ahaa.
Waxay xustay in dadaalkeeda miro dhalay uu yahay casharkii ay ka baratay duruufta nolosha oo gaarsiisay halkii ugu hoosaysay dhinaca cunnada iyo arrad-tirka qoyskeeda.
“Wax la qaado maleh oo shaqo maleh. Wax hay’addo ah oo wax ku siinaya malahan. Ilmihii biil iyo baati ayay kaa rabaan, sidaas darteed baa igu kaliftay in aan dayn soo qaato oo miss yar meel kaga samayto, beerahana ka soo qaato khudaar, sidaas darteed baa keentay in aan dayn galo oo meel aan wax dhigto oo aan ka raadiyo ilmaha biilkooda.”
Qoyska haweenaydan labadii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku jiray xerada barakaca Qurdubay, halkaas oo ay ku bireen sanadkii 2022. Waxay ka soo barakaceen tuulada Bangood oo ka tirsan gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Barakacooda waxaa sababay abaar ka dishay 240 ari ah 28 geel ah oo ay dhaqan jireen. Billowgii nolosha xerada sayga Xamda ayaa maarayn jiray nolosha qoyska. Wuxuu ka shaqaynayay dhagax-jabinta, balse bilihii u danbeeyay shaqadaas way ka istaagtay sida ay sheegtay.
“Wax shaqo ah oo hayo malahan ninka. Meel laga shaqeeyo malahan, camalna malahan. Magaaladu magaalo kala socoto maahan. Magaalo dhaqaale ku socdo qofku wax ka heli karo maahan. Wuxuu iska fadhiyaa carruurta dhexdooda ayuu iska joogaa.”
Haweenka ku filnaaday nolosha qoysaskooda ayaa kala duway ganacsiyada ay ka dhex hirgaliyeen xerada si faa’iido ay uga helaan. Waxay u badan yihiin howsha kawaanidda xoolaha, iibinta khudaarta, bagaashaka iyo macmacaanka.
Ruqiyo Ismaaciil Wardheere oo 43 sano jir ah waxay si joogta ah subax walba u kawaantaa hal ari ah oo hilibkiisa ay ka ganacsato. Waxay ku billowday ganacsigan in kiilooyin hilib ah ay suuqa ka soo gato, balse hadda waxay ku naaloonaysaa isku filnaan.
Waxay soo billowday bishii July ee sanadkii hore, markii lacag ay aruursatay ay ku sameystay miiska ay ku ganacsato. Waxay sheegtay in qoyskeeda ay uga hesho cunno ku filan.
“Ilmaha dabkooda waxaan ku shito ayaan helay. Shaqadan kahor noloshu ciriiri ayay ku jirtay. Ilmaha dabkooda habeenna waa la shidayay oo qofkii daris ah oo wax igu dhaamo ayaan ka helaynay, habeenna waa la iska seexanayay.”
Waxay sheegtay in miiskeeda ganacsi uu u soo saaro maalintii $10 oo faa’iido ah. Waxay u qaybisa labo. Qayb kamid ah waxay ku masruuftaa carruurteeda oo sagaal ah, halka inta kale ay ku gasho ayuuto ay rajaynayso marka ay qaadato ay ay ku hormariso ganacsigeeda.
“Ilmaha hadda waan caawiyaa. Dabka waan u shidaa. Intaas ayaan nolol maalmeedka ka raadsannaa. Hay’adaha samafalka waxaan ka codsanayaa in ay na caawiyaan. Kistaas yarta ee aan ilmaha noloshooda uga raadsaneyno in ay kor noogu qaadaan oo noo kobciyaan.”
Waxaa jira haween kale oo door biday in ganacsigooda ay u weeciyay hareeraha waddooyinka Doolow si ay u helaan macaamiil ka badan kuwii ay ku haysteen xerada. Waxaa ka mid ah Luuley Ibraahim Aadan oo hooyo u ah sagaal carruur ah.
Waxay ku iibisaa waddo mashquulkeedu badan yahay oo ku taalla Doolow kiilooyin raashin ah iyo khudaar noocyo kala duwan leh. Ganacsigan oo meesha ka saaray walaacii ka haystay dhaqaale xumada ayay sheegtay in ay ku hesho dhaqaale daboollay baahida qoyska.
Intaas waxay ku dartay in ay wajahayso culaysa boos xumo oo ku haysa halka ay ku ganacsato oo ah waddo ay adagtay in ay ka hesho dhul ay si joogto miiskeeda u dhigto.
“Raggii waa ay joogaan meel ay ka shaqeynayaana malahan. Noloshiiba dumarki ayay noqotay. Kiiladii habeenki dabka la saaranayo haweenki ayaa keenayo. Waxaan u baahanahay in meel naloo dhiso, hool naloo dhiso.”
Inkastoo ay ku jirto xaalad hubanti la’aanta oo ah halkii ay ku ganacsan lahayd, hadana waxay ka heshaa maalin kasta ganacsigeeda boos la’aanta ah $7 ilaa $8 oo faa’iido ah. Lacagtaas ayay sheegtay in ay u beeqaamiso cunnada saddexda waqti, waxbarashada dugsiga qur’aanka iyo qeyb ay ku bixiso ayuuto ay kula jirto haween kale.
Luuley oo ganacsigan furatay bishii Febraayo ee 2024 waxay kamid tahay haweenkii ugu horreeyay ee billaabay tillaabadan u horseeday in ay haween badan ku soo biiraan suuqyada si ay xal ugu helaan nolol xumo ay qoysaskooda waqtiyo badan dhaxda kaga jireen.
Dadaallada ay wadaan haweenka ku nool xerada Qurdubay ayaa qoysas badan ka badbaadisay hubanti la’aan cunno oo muddo dheer ay ku soo jireen. Iskaashigooda ayaa ka caawiyay in ay hormariyaan hal abuurkooda ganacsi iyo dakliga soo gal.