Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bari oo 5 sano kaddib goostay dalagga timirta oo ay faa’iido dhaqaale ka heleen

Jibril Osman by Jibril Osman
January 8, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraleyda Bari oo 5 sano kaddib goostay dalagga timirta oo ay faa’iido dhaqaale ka heleen

Maxamed Raage Cali oo goostay dalagga timirta waa ninka u soo horreeya raggan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Raage Cali oo ah aabbaha 14 carruur ah ayaa tan iyo bishii September ee sanandkaan awood u yeeshay in qoyskiisa uu u helo cunno ku filan, markii uu shan sano, kaddib faa’iido dhaqaale ka helay timir uga soo go’day beertiisa.

Wuxuu ka mid yahay in ka badan 300 oo beeralay ah oo ku nool deeganada Karin iyo Laag oo hoos taga magaalada Boosaaso ee gobolkaa Bari oo markii ugu horreeyay iib-geeyay dalag u badan timir.

Waxaa u suuragaliyay tababar iyo soolaro ay ceelasha biyaha waraabka uga soo saartaan oo ay heleen bishii November ee sanadkii 2023. Arrintaas ayaa ka saacidday in ka soo kabsadaan qasaaro ay beerahooda kala kulmi jireen.

Maxamed wuxuu xusay in bilihii October iyo November ee sannadkaan uu wax-soosaarka beertiisa u iib-geeyay magaaladooyinka Boosaaso, Garowe iyo Qardho.

Wuxu ka helay $1,200 oo faa’iido ah marka uu ka jaray qarashaadka iyo deymaha uu iska bixiyay, taas oo meesha ka saartay hubanti la’aan nololeed oo  qoskiisa ay horay ay ugu sugnaayeen.

“Waxaan ka helnay nacfi cunno. Waa wax aan noloshayda ku mareeyo oo waxyaabo badan aan uga raystay. Mararka qaar dayn ayaan ku tiirsanayn. Wixii aan dadka kale uga baahnaa ayaan kaga kaaftoomay. Boos weyn ayay ii gashay wax badan ayayna iga caawisay.”

Maxamed ayaa sheegay in iskudaygii ugu horeeyay oo aan guulaysan uu bilaabay 10 sano ka hor, markaas oo Hay’adda ICRC ay beeraleyda deegaanka ku wareejisay in ka badan 40 kun oo geedaha timirta ah.

Cimilada deegaanka oo kulul iyo in aysan aqoon badan u lahayn hab beerashada timirta ayaa sababtay in ay awoodi waayeen in ay ka mira dhaliyaan dedaalkooda tabaca. Wuxuu tilmaamay in markii ay suuqyada soo gashay uu arkay in timirtu miraha kale ka faa’iido badan tahay ayna ka helayaan dakhli aysan waligood horay uga helin beerahooda.

Beeralayda gobolka Bari oo inta badan caqabad kala kulma roob yaraanta iyo kulaylka ayaa sheegay in ay ka faa’iidaysteen timirtaan oo ka mid ah dalagyada u adkaysan kara abaaraha iyo isbedellada kale ee cimiladu ay keento.

Timirtu waa geed-mirood xidada la baxa oo haddii xididku biyaha hoos u gaaro aysan abaartu waxba u dhibayn xilli walba, balse marka hore u baahan biyo badan sida ay inoo sheegeen beeraleyda muddo badan tacbanayay.

Dadka sanadkan nacfiga fiican ka helay wax soo saarka timirta waxaa ka mid ah Cabdirisaaq Muuse Jaamac oo beer 6 hiktar ah ku leh deeganka Laag oo hoos taga magaalada Boosaaso. Wuxuu sheegay in 250 geed timireed oo u beernaa uu gurashadooda soo bilaabay bishii sagaalaad ee sanadkaan.

Ninkan ayaa sheegay in tani u sahashay in uu si wanaagsan u maareeyo nolosha qoyskiisa oo 13 ah. Timirta uu goosanayay saddexdii bil ee la soo dhaafay ayuu xusay in uu ka helay lacag gaaraysa $3,000.

Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in uu ka nastay welwel joogto ahaa oo uu ka qabi jiray maaraynta nolosha qoyskiisa, kuwaas oo aysan jirin meel kale oo wax dhaqaale ah uu ka soo gali jiray.

Wuxuu tilmaamay in magaalooyin kala duwan oo wadanka ah iyo meelo Soomaaliya ka baxsan uu ka helay dalabka dalagga timirta.

“Itoobiya waa laga soo dalbadaa ilaa Muqdisho, Garowe, Boosaaso, Qardho, Dhahar. Waa timir dhadhan wanaagsan iyo tayo leh, dadkuna uu aad u isticmaalaan. Dadkii beertay oo ka miradhaliyay aad bay u anfacday. Wax soo saar fiicanna waa leedahay dadkuna waa isticmaalayaan.”

Wuxuu tilmaamay in sanadkii 2015 khuburo ka socota hay’adda ICRC ay ugu yimaadeen deegaanka, kuwaas oo ka sameeyay baaritaan lagu ogaanayay dhulka iyo sida uu ugu haboon yahay in timirta lagu beero. Cabdirisaaq ayaa xusay in dakhligilii ka ka soo galay $1,500 oo ka mid ah uu ku iibsaday dhul fidsan oo bisha koobaad ee sanadka soo socoda uu u qorsheeyay in uu ku abuurto dalagyo kala duwan.

“Waxa aan u baahanahay waa maalgalin si dhulkas aan biyaha gaynay u beerano.”

Cabdirisaaq ayaa sheegay in 2,000 oo kg oo timir ah ay u gadantay ilaa hadda. Wuxuu xusay in arintaasi u suuragalisay in uu iska bixiyo $900 oo looga yeeshay cuntada qoyska, waxbarashada afar carruurtiisa ah iyo qarashii uu beerta galiyay oo lagu lahaa 7 bil.

Ninkan oo markii hore xoolo dhaqato ahaa ayaa beeralay u xuub-siibtay sanadkii 2008, markaas oo abaaro iyo cuduro isbiirsaday ay ka dhameeyeen tiro ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd.

Hay’adda ICRC oo bishii hore warbixin soo saartay ayaa sheegtay in timirtu ay kaalin mug leh ka qaadatay wax soosaarka beeralayda gobolka bari iyo adkaysiga dalaga. Wuxay xustay in tijaabadii ugu horaysay ee ay ku bixiyeen 42,000 oo geed timireed ah lagu guulaystay In ka badan 70%.

Axmed Cabdulqaadir Saciid oo ah madaxa xafiiska ICRC ee Garowe ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in mashruucaan uu noqday mid mira dhalay oo horseeday beddel nololeed oo ay dareemayaan beeralayda oo awal ku dhibaatoon jirtay dalagyada u nugul biyo la’aanta, cudurada iyo kulaylka.

“Ujeeddada koobaad waxay ahayd in dadka beeralayda ah ay helaan dakhli ku filan, isla markaasna u adkaysan kara xaaladaha kale ee jira. Timirtu waxay ahayd waxyaabaha aan ka fekeraynay inuu yahay geed u adkaysan kara cimilada nuucaas, dakhli fiicanna u soo saari kara beeralayda.”

Ka dib sanado badan oo ay la halgamayeen cimilada kulul iyo qasaare soo lalaabta beeralayda ku nool deegaanada Karin, Laag iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa dareemaya soo kabasho iyo koror dhaqaale oo timirta ay ka heleen.

Previous Post

Baydhabo: Nolol xumo ka dhalatay suuq la’aan ku dhacday ragga burjikooyinka sameeya

Next Post

Doolow: Haween nolol xumo haysay kaga dabaashay ganacsiyo ay ka furteen xero barakac

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Doolow: Haween nolol xumo haysay kaga dabaashay ganacsiyo ay ka furteen xero barakac

Doolow: Haween nolol xumo haysay kaga dabaashay ganacsiyo ay ka furteen xero barakac

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo