Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Afdheer: Xoolo dhaqato billaabay in ay iska iibiyaan xoolahooda si ay uga baxaan biyo yarida

Jibril Osman by Jibril Osman
October 9, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Haween dallaal ka ah suuqa xoolaha Luuq oo ku filanaaday nolosha iyo waxbarashada carruurtooda

Xoolo-dhaqato oo gacanta ku hayso neef ari oo ay dallaaleyso/ Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka ku nool deegaanka Bohol-caruus ee gobolka Afdheer ayaa qarka u saaran in xoolo la’aan ay noqdeen. Arintan waxaa sabab u ah iyagoo maalin kasta gada xoolaha si ay ugu badashaan biyo. Qoysaskan oo tiradoodu tahay 500 ayaa hadda iibsada biyo ay keenaan booyado. Fuustadii waxaa laga siiyaa $30.

Xareed ay ka cabayeen barkad aheyd isha kaliya ee biyo ee tuuladu leedahay ayaa biyihii ka dhammaadeen. Axmed Xasan Maxamed oo dadka deegaanka ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo bartamihii bishii June ay xaaladdan wajahayaan. Wuxuu tilmaamay in biyaha oo qaali ah darteed aysan awoodin in ay iibsadaan in ku filan.

“Baahida oonka ah aad ayay u taagan tahay. Deegaankan Bohol-caruus booyad ayaa mar mar biyo ku shubto taas oo qoyskiiba uusan awoodin. Anigoo kale hadda ari ayaan lee yahay oo kolba neefbaan gadaa oo biyihii ay ku gadaa.”

Axmed oo 37 jir ah ayaa sheegay in fuustada biyaha ah ay ka qaalisan tahay neefka ariga ah oo qiimahiisu yahay $17. Siddeed ari ah ayuu xusay inuu iibiyay, balse taasi kama saarin biyo yarida. Xaaladan ayuu tilmaamay inay ku dhalisay inuu u hayaamo tuulada Guraajo oo leh ceel gacmeed, taas oo u jirta 13 km.

Saddexdii bishan ayay dib uga soo noqdeen markii biyaha oo yaraaday awgeed ay isku qilaafeen dadka deegaanka iyo kuwa ku soo barakacay. Wuxuu sheegay in dantu ku qasabtay in niyad jab ay ku soo noqdaan si aysan amni darro dhibaato u geysata uga soo gaarin is qabqabsiga biyaha.

“Baahida waxaan kaga bixin laheyn xoolahan yarka in aan ku la cararo meel biyo leh, taasoo ah wabiga oo kale haddaan tagi lahaa. Mahaysto wax sahay ah oo dadka ku rarto, marka maba awoodi karo oo baahidii ayaa naga tan badisay.”

Axmed ayaa xusay in ari 12 ah ay xoolihiisa ka hareen, ayna yihiin kuwo jilicsan oo uu ka baqayo inay u adkeysan waayaan biyo yarida iyo jiilaalka ay wajahayaan. Walaaca uu qabo ayaa ah in reerku ceyr noqdo oo uu waayo xoolo uu dhaqdo. Taas ayuu xusay inay uga sii dareyso xaaladooda.

Tan iyo markii arintan ay timid ayuu tilmaamay inaysan helin raashiin ku filan, dabkana ay shitaan hal waqti oo kali ah. Iibinta biyaha ayuu sheegay inay u keentay xoolo yari iyo cunno xumo.

“Wax karintiiba gaabis bay gashay. Saddexda waqti ee qoyska loo karinayay labo waqti inaan waxba la karin ayay mareysaa hadda. Reerka cambuulo ayaa loo kariyaa haddii la helo.”

Qoyska Axmed oo ku tiirsan dhaqashada xoolaha waxaa horraantii sanadkan iyo kii hore dhammaadkiisa abaar uga dhintay 97 neef oo ari ah. Qoysaskan waxaa ku adag inay u hayamaan deegaano kale dhaqaale darro iyo xoolo yari awgeed.

Cabdullahi Maxamuud Cabdi oo dhaqda 15 ari ah ayaa xusay inuusan haysan kala doorasho oo ay dantu ku qasabtay inuu joogo halkan. Wuxuu tilmaamay in xooluhu yihiin kuwo jilicsan oo xilligan oo kuleyl ah aan loola guuri karin masaafo dheer.

Wuxuu sheegay in xooluhu aysan xilliga joogin qiime fiican. Walaaca uu qabo ayaa ah inta yar ee u hartay inay harraad uga dhammaadaan ama uu biyo ku badasho, taas oo reerka ka dhigeysa mid faro maran.

Cabdullahi ayaa xusay in tan iyo bishii August uu gaday shan neef kadibna uu reerka biyo ugu iibiyay lacagta uu ka helay oo ah $125.

Cabdullaahi oo ah 40 jir ayaa sheegay in biyo yarida ay u dheertahay cunno yari. Wuxuu xusay inay ku adag tahay dabka in hal waqti ay shitaan. Waxaa cunto u ah qamadi aan iidaan laheyn. Waxaa u sabab ah dhaqaalaha oo ku filnaan waayay iibka biyaha iyo raashiinka sida uu tilmaamay.

“Wixii yaraa ee noo soo haray hadda suuqa wax lacag ah kama joogaan. Saacadan wixii ka dambeeya meel aan u cararo ma garanayo. Waxaan gacan ku hayana ma jirto ma garatay? Waa xaalad aad iyo aad u adag haddii uusan Ilaahay na soo gaarin, isaga unbaan sugeynaa.”

Cabdullahi oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in reerkiisu ay ku tiirsan yihiin xoolaha ka sii dhammaanaya oo kaliya. Wuxuu tilmaamay in roobkii guga ee la soo dhaafay uusan si fiican uga da’in deegaanka, taasina ay keentay in biyo badan aysan galin barkadda il biyoodka u ah oo qaadda kun fuustu.

Marka ay buux santo ayuu sheegay inay ku filnaan jirtay oo ay uga gudbi jireen xilliyada adag. Abaaro is xig xigay oo soo maray saddex sano ka hor ayuu sheegay inuu ku waayay 160 neef oo ari ah iyo geel 35 ah.

Waa arin joogto noqotay sanadadii la soo dhaafay in xoolo dhaqatadu wajahaan nolol adag xilliyada jiilaalka iyo abaarta. Cabdi Mahad Xasan oo bartay cilmiga deegaanka ayaa sheegay in reer guuraagu aysan sameyn diyaar garow iyo qorshe ay ku keydsadaan calaf iyo biyo xilliyada adag ay ku badbaad sadaan xoolaha.

Cabdi oo ka soo jeeda tuulada Boholcaruus ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xaaladda maanta ka taagan aysan ka jiri laheyn haddii la qodi lahaa ceel biyood riig ah. Xalka ayuu sheegay inuu ku jiro dowladda iyo shacabka oo iska kaa shada qodista ceelal dhaadheer oo aan gurin.

“Dadka deegaanka jooga waxay isku dayeen in ceelal ay qotaan, balse meesha ayaa adeeg ah. Biyaha inta lagu tagi karo waxay noqotay soddon mitir ama ka sii badan meshaasna ma qodi karo dad muruq maalaya. Qasbiyan waxaa ah dowladdu inay keento riig.  Sidaas unbaa biyo loogu heli karaa mooyeene wax muruq ah waxaan umaleyn inaan biyo lagu heli Kari.”

Qoysas badan ayay dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen markii ay waayeen daaq iyo biyo ku filan. Isbedelka cimilada oo keenay roob yari ayaa saameyn toos ah ku yeeshay xoolo dhaqatada Soomaaliyeed oo aan ka sii baaraan dagin.

Previous Post

Dhadhabaab: Labo kun oo qaxooti ah oo cunno xumo iyo hoy la’aan ay isku darsameen

Next Post

Hargeysa: Kumanaan qoys oo ka baxay hoy xumo haysay markii loo sameeyay dib-u-dajin

Related Posts

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 28, 2026
Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Hargeysa: Kumanaan qoys oo ka baxay hoy xumo haysay markii loo sameeyay dib-u-dajin

Hargeysa: Kumanaan qoys oo ka baxay hoy xumo haysay markii loo sameeyay dib-u-dajin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-APR-2026

IDAACADDA 28-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo