Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhabaab: Labo kun oo qaxooti ah oo cunno xumo iyo hoy la’aan ay isku darsameen

Jibril Osman by Jibril Osman
October 6, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhabaab: Labo kun oo qaxooti ah oo cunno xumo iyo hoy la’aan ay isku darsameen

Khadijo Jaamac Yussuf oo hor fadhisa guri yar oo daash ah oo ay ku nooshahay/Bashir Gaaxnuug/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdi Cabdow Axmed oo ah 73 sano jir naafo ah ayaa ka mid ah dadka dayaca iyo daryeel xumada ay ku haysato xaafadda N5 oo xerada qoxootiga Xagardheer ka tirsan. Waxaa ugu wacan inuusan lahayn dad xigto la ah oo waqti ku bixiya ka warqabka xaaladdiisa.

Gargaarka kooban oo ay siiyaan dadka ku la nool xerada iyo kaalmo gaarsiisan iyo kiilooyin raashin ah oo uu ka helo hay’adaha samafalka ee Dhadhaab ka howlgala ayaa ah waxa ugu badan oo nolol ahaan uu ku tiirsan yahay. Wuxuu sheegay inuusan joogto u heli Karin cunno ku filan saddexda waqti.

“Ma igu filno. Saddex kiilo baan helaa. Waa wax aan saddex beri aan dabka ku shidanayo. Waxay ii tareyso malahan. Waan ka baahanahay maalin walba.“

Xaaskiisii, shan carruur ah oo uu aabbe u ahaa iyo walaalkiis ayaa ku dhintay dagaalkii sokooye ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in madfac ku dhacay 1997 guri ay degganaayeen oo ku yaalay magaalada Muqdisho ay sababtay geerida ku timid qoyskiisa.

Wuxuu xusay inay jiraan dhibaatooyin kale oo ku haysta xerada, taas oo ay ka mid tahay hoy la’aan muddo dheer ku haysata xerada uu ku nool yahay.

Cabdi si kuleylka qoraxda ee xeryaha ka jirta uga badbaado wuxuu gabbaad ka dhigtaa xarun carruurta wax lagu baro oo ay leedahay hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children oo aan ka fogayn halka uu deggan yahay.

“Caqabadda dhabta ah ee i haysata waxaa weeye waa baahidaas guri la’aanta ah oo gogol la’aanta ah. Wax kale kuma seexdo mana hayo.“

Cabdi wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inay haysato xaalado caafimaad darro, maaddama weli jirkiisa ay ka muuqdaan dhaawicii addimadiisa kala dhantaalay ee naafo-nimada u horseeday sidookalena uu la nool yahay cudurka macaanka.

Wuxuu sheegay marka uu daawo u baahdo inuusan ka iibsan karin isbitaallada, maaddama uusan awoodin lacagta daawooyinka, taasina ay ku qabasto inuu weydiisto dadka iyo xarumaha caafimaadka.

“War daawo isiiya  walaallayaalow baan ku dhahaayo way i siiyaan. Tuugsi weeyeba hadde waxaan ku noolahay sidaydaba waa tuugsi.“

Dadka da’da ah ee qoxootiga ku ah xerada Xagardheer waxy ka siman yihiin dhibaatooyinka nolosha. Inkastoo ay sii kala duruuf adag yihiin.

Khadiija Jamac Yusuf oo sidoo kale  ka mid ah dadka lixaadka la’ ee ku nool xerada Xagardheer waxaa ku adeg inay hesho cunno ku filan.

Khadiija oo aan haysan wax carruur ah waxay sheegtay inay tahay cidla ciirsi kali ku ah nolosha adeg ee xerada ka jirta.

Waxay xustay inaysan nolosheeda ku filnayn gargaarka hay’adaha ay siiyaan, maadddama la dhimay inta badan kaalmadii lacagta iyo raashiinka ee lagu taageeri jiray dadka haysta kaarka qoxootiga.

“Afar boqol baa laga dhigay. Afar boqol maxay tahay. Qof bini’aadan ahi ma ku noolaan karaa bishii? Meel kale oo dhaqaallo iga soo galo ma jirto oo aan intaa ahayn.“

Waxay tilmaantay inay xaalad dhib badan mudatay bishii hore, markii uu ka cilladoobay gaariga ay ku socdaan dadka naafada ah, balse hadda waxay ku socotaa gaari cusub oo loo iibiyay 24 bishii August, kaas oo shan iyo toban kun  oo lacagta Kenya ah ugu soo gadeen dhallinyaro is xilqaantay oo xerada deggan.

Haweeneydaan oo 70 jir ah waxay sheegtay inay ku tiirsan tahay cunno bisil oo labo waqti ah oo ay ku caawiso gabadh dariskeeda ah.

“Waxay isiineysaa saddexdeyda xabo canjeelo ah. Habeenkiina digir iyo bariiskaas bey casho iigu keeneysaa oo ilmaha u karsato. Iyaduba waa qof dhibaateysan oo faqiira.“

Haweeneydaan oo naafo ka ah labada lug waxay waxyeello ka soo gaartay qarax uu ku dhintay wiil ay dhashay xilli ay ku socdaalayeen waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye sannadkii 1993.

Haweenaydaan oo tan iyo 2006 ku nool xerada Xagardheer. Waxay ka soo qaxday magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, si ay u hesho nolol wanaagsan oo ay ka rajeyneysay xeryaha Dadaab.

In ka badan shan kun oo isugu jira dad da’a ah oo naafo ah iyo kuwa lixaadka u dhameystiran yahay ayaa dhibaatooyinkaas nolosha ah ku wajahaya xerada Dadaab oo Xagardheer ay ka mid tahay.

 

Previous Post

Boorama: Gabar da’yar oo ka caawisa qoyskeeda cunnada iyo waxbarashada markii ay ku shaqo billowday Mooto-bajaaj

Next Post

Afdheer: Xoolo dhaqato billaabay in ay iska iibiyaan xoolahooda si ay uga baxaan biyo yarida

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Haween dallaal ka ah suuqa xoolaha Luuq oo ku filanaaday nolosha iyo waxbarashada carruurtooda

Afdheer: Xoolo dhaqato billaabay in ay iska iibiyaan xoolahooda si ay uga baxaan biyo yarida

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo