Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Boorama: Gabar da’yar oo ka caawisa qoyskeeda cunnada iyo waxbarashada markii ay ku shaqo billowday Mooto-bajaaj

Radio Ergo by Radio Ergo
October 2, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Boorama: Gabar da’yar oo ka caawisa qoyskeeda cunnada iyo waxbarashada markii ay ku shaqo billowday Mooto-bajaaj

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Najax Maxamed Cige oo 17 sano jir ah ayaa ku filnaatay nolosha qoyska ay ka dhalatay oo danyar ah. Waxay uga shaqaysataa magaalada Boorama mooto-bajaaj lacagta ay ku iibsatay qayb ka mid ah lagu leeyahay.

Dhaqaalaha ay ka hesho ayay ku dabbartaa cunno saddex waqti ay helaan qoyskeeda. Waxaa kale oo ay waxbarashada ka bixisaa saddex ka mid ah walaaleheed, kuwaas oo dhigta iskuul hoose iyo dhexe oo ku yaalla Boorama.

Labaatan doolar oo maalin walba ay joogto uga hesho shaqadeeda ayay saddex u qaybisay. Si ay iskugu dheeli-tirto baahida qoyska, teeda iyo daynta looga leeyahay mootada.

“$10 waxaan u dhigaa bajaajta, $3 arrad-tirkayga $7 soo hartayna xaafadda. Shaqada waxaan galaa toddobada ama siddeedda (subaxnimo) galabtiina waan ka baxaa. Hooyaday ayaa noo shaqayn jirtay, kaddib siday noogu shaqayn jirtay hooyaday way xanuunsadatay. Iminka anigaa xaafadda u soo baxay. Inta iga yar yar wax habarto ayaan is iri adna u shaqee. Dadaalkooda ayaan ku jiraa weli.”

Waxay tilmaamtay Najax in shaqadan ay billowday bishii tobnaad ee sanadkii hore, markii hooyadeed uu ku dhacay xanuun ka asiibay madaxa iyo indhaha, kaas oo wali aan la garan noociisa.

Hooyadeed waxay ka shaqaynaysay sayladda Boorma. Waxay ka ahayd dalaal xoolaha suuqa la keeno kala wareejisa, halkaas oo ay ka soo dhicinaysay nolol-maalmeedka carruurteeda.

Xanuunka dhul dhigay wuxuu qoyskeeda biday dhaqaale  xumo. Najax waxay u adkaysan waysay xaaladda adag ee soo wajahday. Si ay daboosho baahidooda ayay sheegtay in ay baratay ku shaqaynta mooto bajaajta.

Muddo labo bil ah ayay darawal ka ahayd ka hor inta aysan iibsan mootadeeda. Waxay sharraxaysaa sida ay ugu suurto gashay heliddeeda.

“Lacagtaas waxay ku timid, markii la ii arkay gabar shaqaynaysa in aan ahay ayaa dad asxaab aan nahay idhiiri galiyayeen oo iyiraahdeen ;bajaaj ayaan kuu iibinaynaa; Horta waxaan ku billaabay darawalnimo. Bajaaj kale ayaan soo wadi jiray, kaddib in yar oo lacag ah ayaan ka dhigtay. Intii ayay dadkii kale wax iigu dareen shirkad ayaana la iiga soo amaahday (bajaajta).”

Daynta looga lahaa mootada oo ayd $3,000 waxay bixisay $2,200 oo ka mid ah. Najax inkastoo shaqadeeda ay si habsami leh u socoto haddana waxbarasho la’aan ayay wajahaysaa.

Iskuulka waxay uga hartay fasalka lixaad. Waxay sheegtay in ay waqti u waysay, maaddama ay shaqayso maalintii oo dhan.

Hase, ahaatee waxay naawilaysaa in ay dib ugu laabto waxbarashada marka ay iska bixiso daynta looga leeyahay oo dhan.

Hibo Axmed Cali oo ah hooyada Najax ayaa Radio Ergo u sheegtay in duruufta haysay qoyskeeda ay ku riixday gabadheeda shaqada mooto wadista oo haweenku ku yar yihiin, taasi wax wayn u tartay qoyskeeda oo ka baxay cunno xumadii haysay.

“Markii hore way ila xumayd maalmihii hore ee ay baranaysay xitaa way la rogmatay lugta ayay wax ka noqotay (ka dhaawacantay). Waan ka naxay waana ka joojiyay. Haddana Waan ka kariwaayay haddana markii ay nagu filnaatay iminka alxamdulillaah waan iskaga faraxsanahay. Gabar iyo wiil midkii Ilaahey kugu kabo uun baa lagu raayaa, carruurta iskuulka waa laga soo saaray kuwa ka yaryar (Najax). Gurigaan ayaa ku wada xaroonay. Iminka wixiiba way kuwada celisay waxbarashada.”

Hibo qoyskeedu wuxuu ka kooban yahay toddobo qof. Saddex ayaa ka wayn Najax. Labo waa wiilal. Mid ka mid ah ayaa ku jira xabsi ku yaalla Boorama muddo sanad ah, markii loo xiray fal-xatooyo ah. Halka kuwa kale ay shaqo la’aan yihiin.

Haweenaydan ayaa muddo ku dhow shan sano la halgamaysay korinta carruurteeda, markii aabbahood uu dhintay billowgii sanadkii 2019.

Hibo waxay sheegtay in aysan wali xal u helin xanuunka haya, maaddama aysan haysan dhaqaale ku filan oo ay isbitaal ku tagto, Hase yeeshee gabadheeda ayay rajaynaysaa in ay ka caawiso.

Najax waxay ka la kulantaa shaqada mooto wadista caqabado kaga yimaada bajaajleyda iyo dadka magaalada Boorama. Waxay xustay in dhaqan xun u arkaan haweenay ku shaqaynaysa mooto-bajaaj. Haddaba sidee ayay u wajahdaa caqabaddaas.

“Waxaan iraahdaa qof kasta wuxuu u soo jeedo, wuxuu qabanayo iyo hammigiisa la gama celiyo. Laakiin qofka haddii la liido oo la yiraahdo waxaas maqaban kartid kolley niyadda ayuu iska dilayaa. Anigu waxaan leeyahay hablaha inta shaqo haysa iyo inta kalaba waxaad qabsan kartiinba waa in aad qabsataan.”

Waxay sheegtay in ay tahay haweenayda kaliya ee Mooto-bajaaj ku dhex wadda magaalada Boorama, taas oo dadka qaar cajabisay kuwana si qaldan ay u qaateen.

Abwaan Ibrahim Muumin Nuur wuxuu ka mid yahay dadka la dhacsan firfircoonada Najax iyo shaqdeeda mooto kaxaynta. Wuxuu sheegtay in ay tusaale u tahay haweenka shaqo xumadu hayso oo ku da’yan kara.

Wuxuu sheegay in uu raaco mootadeeda marka uu jidka ku la kulmo isla markaana uu siiyo talooyin ku saabsan sida ay uga dhabayn karto hammigeeda.

“Halkaas aad iminka ka abbaartay nolosha ka sii wado. Waxaad noqon doontaa berri ka maalin gabar nolosha kaafisa oo Bajaaj ka gudubta oo gawaari yeelata. Sidii gabar la oran jiray (Labo) oo reer Boorama ah. Gawaarida ayay sonkorta saari jirtay. Labo markaan arkay anigu 17 jir bay ahayd. Gabadhii waxay yeelatay gawaaridii waawaynayd ee Naytiinka la oran jiray. Iyadaa wadan jirtay gawaaridaasi.”

Kumanaan dhallinyaro ah oo ku nool magaalooyinka Soomaaliya ayaa fursad shaqo abuur ka helay gaadiidka Bajaajta oo ka caawisay in ay nolol-maalmeedka u helaan qoysaskooda. Inkastoo dadka ku shaqaysta ay ku yar yihiin haweenku. Dhalinyarada qaar ayaa dayn ku qaata gaadiidkan, kaddibna dib iskaga guda.

Previous Post

Puntland: Kalluumaysatada gobolada Sanaag iyo Bari oo labadii bil ee u danbeeyay aan badda ka jillaaban cabsi soo wajahday darteed

Next Post

Dhadhabaab: Labo kun oo qaxooti ah oo cunno xumo iyo hoy la’aan ay isku darsameen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhadhabaab: Labo kun oo qaxooti ah oo cunno xumo iyo hoy la’aan ay isku darsameen

Dhadhabaab: Labo kun oo qaxooti ah oo cunno xumo iyo hoy la’aan ay isku darsameen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo