Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Puntland: Kalluumaysatada gobolada Sanaag iyo Bari oo labadii bil ee u danbeeyay aan badda ka jillaaban cabsi soo wajahday darteed

Radio Ergo by Radio Ergo
September 29, 2023
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland: Kalluumaysatada gobolada Sanaag iyo Bari oo labadii bil ee u danbeeyay aan badda ka jillaaban cabsi soo wajahday darteed

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – kumanaan qof oo ka kaluumaysanayay gobolada Sanaag iyo Bari ayaa wajahaya shaqo la’aan saamaysay nolosha qoysaskooda, markii maraakiib si sharci darro ah u kalluumaysanaya ay u diideen in ay badda ka jillaabtaan.

Waxay bannaan joog ka yihiin shaqadooda tan iyo bishii August ee sanadkan, markaas oo bad furan la galay. Intaas waxaa u dheer in ay ka burburiyeen qalabkii ay badda ku galayeen.

Maxamed Maxamuud Maxamed wuxuu maarayn la’yahay nolosha qoyskiisa tan iyo markii uu shaqada joojiyay. Waxaa ku adkaatay in hal waqti uu u helo waxay cunaan carruurtiisa oo sagaal ah. Ninkan oo aan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqaysto ayaa sheegay in uu noqday guri-joog. Wuxuu ku tiirsanaa lacag uu si joogta uga helayay kalluumeysiga

“Dadka deegaanku wax kale kuma noola wuxuu nagu riday dhaqaale burbur oo kalluunkii aan kala soo bixi jirnay waa la jariifay waana xaalufay deegaankiina waa ka guuray.”

Maxamed wuxuu hadda uu ku qasbanaaday in uu ku maareeyo qoyskiisa dayn uu ka soo qaaday ganacsato deggan degmada Caluula ee gobolka Bari oo uu ku nool yahay. Waxaa lagu leeyahay lacag dhan $450 oo uu qaatay tan iyo intii baddu xirneed. Wuxuu ka walaacsan yahay sida uu ku gudi doono qarashkaas.

Wuxuu isbuucii heli jiray $30 ama wax ka badan. Wuxuu la qabsan la yahay xaaladdaan ku soo korodhay.

“Waxaa ku go’aya kiradii iyo shidaalkii iyo saxiimada. Waxaas dhibaato ah oo aad u daran buu nagu hayaa oo dhaqaale burbur ah. Awood aan iskaga qabanana ma lihin dawladduna waxba kama qaban.”

Maxamed oo muddo 12 sano ah ka shaqaysanayay badda ayaa 15 August iskaga baxay markii ay maraakiibtan qalab tireen. Waxa uu sheegay in uu ku waayay xilli habeen ah 15 Jilbo, iyo Ilyar ah iyo 20 shamaaggood oo ay ku jillaabanayeen isaga iyo labo nin oo la shaqaynaysay.

Kalluumaysatada ay qalab-la’aantu ku dhacday ma aha kuwo awooda in ay qalab kale iibsadaan duruufaha dhaqaale ee ku gadaaman dartood, sida uu xusay Maxamed oo aan hayn qorshe kale oo uu ku helo il-dhaqaale. Wuxuu tilmaamay in qalabka uu badda ku waayeen isaga iyo saaxiibadiis uu joogo lacag gaaraysa $1,900 taas oo aysan heli karin haddii ay dib u soo iibsan lahaayeen.

Maxmuud Saalax Cismaan oo ku nool degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag ayaa ka mid ah kalluumeysatada ay maraakiibtu shaqo-la’aanta ku ridday. Waa aabbaha qoys toban qof ah wuxuu sheegay in markii sii horaba uusan lahayn doon, balse uu ku jillaaban jiray shamaago iyo qalabkooda uu ku iibsaday $1,500, taas oo jariifku ka gacan marsheen.

Si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa oo kaligiis ku tiirsan wuxuu mararka qaar isku dayaa in uu badda la galo doon iyo shamaag uu ka qaato dad kiraysta isaga oo u sheega u uu siin doono qarashka kirada markii uu soo jilaabto, balse wuxuu rasasayn kala kulmaa maraakiibta.

“Mararka qaar badda ayaan aadaa waana soo waayaa marka qoyska dhaqaalo ahaan way usaamaysay haddii kalluunkii aan waayo adeegii guriga waxbaa iska dhimaya oo maalintaas waxaa laga yaabaa in xaafadda waxba laga karin waayo kalluunkii aan Quudanaynay oo xoolaha noo ahaa anaga.”

Qoyskiisa ayuu sheegay in markan ay ku tiirsan yihiin raashin walaashiis oo  deggen Boosaaso  ay u soo dhiivtay shantii bishan. Raashinka oo iskugu jira bur, bariis iyo sonkor min 10 kiilo ah waxay karsadaan hal mar oo ah habeenkii. Lacag keyd ah oo meel u taallay ma jirin maaddaama dhaqaalaha uu ka helo jillaabashada badda aysan soo dhaafi jirin raashinka qoyska.

Maxamed wuxuu sheegay in xilligan uu rajo beel ka yahay nacfigii badda maadaama maraakiibta shisheeye u diideen xitaa in uu badda gudaha u galo.

Wuxuu tilmaamay in intaas ay u dheer tahay in jariifku ay dabanayaan badda qaar kalluunka ka mid ah oo ay mamnuuc tahay in la kalluumaysto. Ninkan oo ah 65 jir labaatan sano ku soo shaqaynayay kalluumaysiga wuxuu sheegay in arrintaas ay keeni karto xaaluf ku yimaada jiritaanka kalluunka.

“Hoos-u-dhac kalluun ayaa jira saddexdii sano ee la soo dhaafay taas oo aan is leenahay waxaa sababa u ah jariifka oo wax yeeleeyaay dhulkii kalluunku uu ku dhali jiray oo uu baabi’iyay dhulkii deegaanka u ahaa. Mararka qaar waxaa dhacda in dhulkii uu isagu rarto oo badahooda ay ku beertaan.”

Guddoomiyaha degmada Laas-qoray Cabdikariin Yuusuf Jaamac ayaa sheegay in maamulkiisu ay ku dedaalaan in ay wax ka qabtaan jariifka iyaga oo kaashanaya wasaaradda kalluumaysiga Puntland, balse aysan awood u lahayn in ay dhamaan xakameeyaan jariifka.

Wuxuu xusay in ay qorshaynayaan sidii guud ahaan loo joojin lahaa maraakiibtaas sharrci-darra ku soo gala badda Soomaaliya.

“Sidii looga hortagi lahaa iyo diyaar garow ayaan wadnaa. Jariifka baaqyo badan ayaan u jeedinay haddana waan u jeedinaynaa in dadka Soomaaliyeed iyo deegaanada reer Puntland ay nabad galiyaan ayaan ku qargalinaynaa.”

Dhanka kale wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in aanay weli xisaabin khasaaraha maaliyadeed ee ka soo gaaray dadkan jariifka, balse kalluumaysatada ku nool Bari iyo Sanaag ee arrintaan saamaysay ay gaarayaan inta la hubo toban kun oo qof.

Wuxuu sheegay in maraakiibtan ay ku soo dhex dhuuntaan kuwo ay Puntland siisay sharciyo ay badda uga kalluumaysan karaan balse aysan dadka wax yeelayn. Taas oo uu sheegay in wasaarada kalluumaysiga ay ka dalbadeen in ay samayso hanaan lagu kalo saaro.

 

Previous Post

Kismaayo: Qoysas la nool cudurka HIV AIDS oo wajahaya cunno yari iyo waxbarasho la’aan

Next Post

Boorama: Gabar da’yar oo ka caawisa qoyskeeda cunnada iyo waxbarashada markii ay ku shaqo billowday Mooto-bajaaj

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Boorama: Gabar da’yar oo ka caawisa qoyskeeda cunnada iyo waxbarashada markii ay ku shaqo billowday Mooto-bajaaj

Boorama: Gabar da’yar oo ka caawisa qoyskeeda cunnada iyo waxbarashada markii ay ku shaqo billowday Mooto-bajaaj

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo