Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kismaayo: Qoysas la nool cudurka HIV AIDS oo wajahaya cunno yari iyo waxbarasho la’aan

Jibril Osman by Jibril Osman
September 25, 2023
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Qoysas la nool cudurka HIV AIDS oo wajahaya cunno yari iyo waxbarasho la’aan

Faadumo oo hor fadhida gurigeeda ku yaala xerada qalax/Cabdicasiis Caydiid Yamani/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ayaan oo magaceeda saxda ah aan qarinay ayaa ku qasbanaatay inay ku biirto xero barakac oo ku taalla magaalada Kismaayo. Waa xaalad ka dhalatay markii uu meesha ka baxay gargaar raashiin ah oo ay ka heli jirtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP.

Taakuladaas waxaa ku tiirsanaa toddobaatan iyo afar qoys oo ah dad la nool cudurka HIV AIDS. Qoysaskan oo qaarkood yihiin danyar ku nool xeryaha barakaca ee magaalada Kismaayo ayaa maareyn la’ noloshooda.

Ayaan ayaa xustay inay ku adag tahay in maalinkii hal waqti dabka ay shitaan. Xaaladdan ayay sheegtay inay wajahayaan tan iyo bishii June, markaas oo uu istaagay kaar ay bil kasta ku qaadan jirtay 75kg oo ah raashiin iskugu jira bur, bariis, sonkor iyo saddex liiter oo saliid ah.

“Waxa aan soo helo waxba nooma taraan oo baahideena ma dabooli karaan. Laakiin hal waqti ayaan wax ku karsanaa.Markii hore raashiin nagu filan ayaa xaafadda noo yiilay. Hadda wixii way naga go’een waxna ma haysto. Waagii hore sadddex waqti ayaan wax karsan jirnay. Laakiin hadda hal waqti ayaa ciriiri nagu ah.”

Ayaan ayaa hadda nolosha qoyska ka maareysa shaqo xoogsi ah oo ah dhismaha guryaha. Howshan oo aan joogto aheyn ayay tilmaantay in maalinka ay qabato ay ka hesho dhaqaale gaaraya $5 oo ay sheegtay inuusan dabooli karin baahida reerka.

Haweeneydan oo 48 jir ah ayaa sheegtay in shaqadan ay hesho ugu badnaan saddex jeer toddobaadkii. Waxay xustay in xilligan oo baddu kacsantahay ay yaraadaan shaqooyinka dhismaha, maadaama doonyaha iyo maraakiibta alaabta dibadda ka keena ay hoos u dhigaan safarada.

Nolol xumo iyo cunno yari ayay sheegtay inay ka dhaxleen markii ay isku biirsadeen labo xaalad oo ah inuu meesha ka baxo gargaarkii ay heli jireen iyo inay hoos u dhacdo shaqadan hadda helitaankeedu yaryahay.

Waxay tilmaantay in dadka ay ka qariso in cudurka ay la nooshahay. Sababta ayaa ah iyadoo ka baqeysa inay la kulanto takoor saameyn ku yeesha shaqadeeda.

Ayaan ayaa xustay in qoyskeedu barakac noqday ay ugu darsantahay in waxbarashada ka hareen bishii May afar carruur ah oo ay dhashay. Waa arin la xiriirta dhaqaale yari ka dhalatay markii ay yaraatay shaqada xoogsiga ah oo ay ka dabari jirtay.

Waxay dhiganayeen fasalada hoose iyo dhexe iskuul la yiraahdo Ganaane oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

Waxa ay tilmaantay in ay awoodi weyday bixinta lacagta oo bishii wadarteedu tahay $60. Waxay xustay in carruurteeda oo arkaya in kuwa dhigooda ah waxbaranayaan ay guriga u fadhiyaan. Arintan oo xalkeedu ku adag yahay ayay sheegtay inay ku hayso walaac iyo fikir joogto ah.

Ayaan oo ah hooyada lix carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in bishii July ay ku biirtay xero barakac oo la yiraahdo Badar oo ku taalla magaalada Kismaayo.

Waxay sheegtay inay ku qasbanaadeen halkan markii ay bixin weyday kirada guri ay degganaayeen.  Hadda waxaa hoy u ah aqal cooshad ah oo adkeysi badan aan laheyn.

“Guriga $20 ayaan bixin jiray bishii. Marka waan awoodi waayay, wuxuuna ahaa labo qol oo jiingad ah. Meeshan aan deganahay waa bilaash dhulka iyo aqalka aan daganahay. Laakiin markuu roob da’o waxba nagama celin karo.”

Ayaan ayaa ogaatay in cudurka HIV AIDS ay qabto sanadkii 2020, markaas oo u dhintay ninkeeda. Carruurteeda oo kan ugu weyn uu yahay wiil 14 jir ah ma qabaan cudurka sida lagu ogaadaay baaritaan caafimaad oo ay mareen.

Qoysaskan ayaa gargaarka ka helayay hay’adda WFP muddo labo sano ah. Sida uu sheegay guddoomiye ay lee yihiin waxaa lagu xusay inay yihiin dad nugul oo aan heli kari dhaqaale ay ku maareeyaan noloshooda.

Xaliimo oo magaceeda saxda ah aan qarinay si aysan dhibaato uga soo gaarin baahinteena ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in markii taageerada ay helayeen ay dabka shidan jireen saddex waqti, balse hadda ay ku adagtahay in maalinkii hal waqti ay shitaan.

Xaaladan oo ay ku jiraan labo bil iyo labaatan casho ayay xustay inay ku hayso walaac, maadaama aysan garaneyn xilliga ay ka bixi doonaan.

“Noloshu way nagu adagtahay. Waad garan kartaa qof aan waxba haysan oo meel uu aadayo aysan jirin.”

Xaliimo ayaa sheegtay in howsha dhismaha oo ay ka shaqeyneysay saddex sano ay joojisay markii uu adkaaday helitaan keedu.

Muddo bil ah waxay qabataa shaqo dhardhaqis iyo nadaafadda guryaha ah, balse howshan oo ku cusub awgeed waxay sheegtay in toddobaadkii ugu badnaan ay saddex mar hesho. Dhaqaalaha ka soo gala oo u dhexeeya $2 illaa $4 waa kan kaliya ee uu ku tiirsan yahay qoyska oo ay kaligeed u shaqeyso.

Xaliimo ayaa tilmaantay in hay’adda WFP ay ka heli jirtay kaar ay ku jirto $60 oo ay ku badalan jirtay raashiin 75kg ah. Xiliigaas ayay xustay in shaqada xoogsiga ah ay ka dabari jirtay iidaanka iyo waxbarashada carruurta.

Dhaqaalaha yar ee soo gala waxay hadda ku dabartaa cuntada oo kaliya. Danta ayay sheegtay inay ku qasabtay in waxbarashada ay ka saarto bishii June afar ka mid ah lix carruur ah oo wax uga baranayay iskuul hoose iyo dhexe oo la yiraahdo Axmed Binu Xambal.

Haweeneydan oo 50 jir ah ayaa xustay in ay awoodi weyday bixinta lacagta laga rabo bishii oo ah $40. Waxaa hadda wax u barta wiil iyo gabar maamulka iskuulku u ogolaaday in bilaash ay ku dhigtaan.

“Ilmaha waxbarasho ma haystaan oo guriga ayay ii tuuran yihiin. Waxbarasho waxaan u geyn waayay wax la’aan oo raashiinkoodii ayaaba inaan u helo ay igu adag tahay. Aniga kaligey ayay igu tiirsan yihiin oo aabo malahan waa agoon.”

Xaliimo oo ah hooyada toddobo carruur ah waxay deggan tahay xero barakac oo la yiraahdo Mariino. Cudurka HIV AIDS waxay la noo shahay muddo shan sano ah. Ninkeeda ayaa u dhintay sanadkii sanadkii 2021, balse carruurteedu way ka bad qabaan.

Muddada cudurkan ay qabto ayay tilmaantay inay la kulantay takoor sababay inay ka guurto guryo ay deganeyd. Waxay sheegtay in dadka oo aan badi fahan saneyn qaabka leysku qaadsiiyo cudurka ay iska fogeynayaan marka ay ogaadaan inay qabto.

Sababta ka dambeysay inay istaagto taageerada ay heli jireen qoysaskan ayaa la xiriirta dhaqaale yari. Sidaas waxaa sheegay Cali Daa’uud Cabdi oo ah guddoomiyaha dadka la nool HIV AIDS ee magaalada Kismaayo.

Wuxuu intaas ku daray in dadkan ay wajahayaan xaalad adag oo aysan maaro u hayn, haddii aysan helin taageero deg deg ahna ay noloshoodu ka sii dari karto. Wuxuu taliyay in loo abuuro fursado ay uga maarmaan in gargaar ay ku tiirsanaadaan.

“Waxaa fiican in xirfado la baro si uu noloshiisa u maareeyo qof kasta. Dadkan qaarkood hoy ma haystaan, waxaa jira kuwo laga soo faquuqay guryahoodii oo laga soo saaray oo hadda hoy haysan, anigu guri uma hayo oo waxba uma qaban karo.”

Dadka qaba cudurka HIV AIDS ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa tiradoodu tahay 80 qof. Waloow guddoomiyuhu sheegay inay jiraan kuwo aan is diiwaan galin oo tiradooda aan laheyn.

Previous Post

Boosaaso: Carruur ka soo jeeda qoysas soo barakacay oo waxbarashada uga haray dhaqaale xumo

Next Post

Puntland: Kalluumaysatada gobolada Sanaag iyo Bari oo labadii bil ee u danbeeyay aan badda ka jillaaban cabsi soo wajahday darteed

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Puntland: Kalluumaysatada gobolada Sanaag iyo Bari oo labadii bil ee u danbeeyay aan badda ka jillaaban cabsi soo wajahday darteed

Puntland: Kalluumaysatada gobolada Sanaag iyo Bari oo labadii bil ee u danbeeyay aan badda ka jillaaban cabsi soo wajahday darteed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo