(ERGO) – Cibaado Liibaan Guuleed waxay ku faraxsan tahay inay heshay dhul ay leedahay mulkiyadiisa. Lix boqol iyo konton qoys oo reer keedu ka mid yahay ayaa dowladda hoose ee magaalada Hargeysa ku caawisay 25 July dhul ay degaan oo ku yaalla xaafadda Iidaan.
Qoysaskan oo 12 sano ku noolaa xerada Naasa Hablood B ee duleedka bari ee magaalada ayaa markii ugu horeysay noqday dad deegaan ah. Cibaado ayaa sheegtay in dhulka la siiyay oo ah 12 mitir oo isku wareeg ah ay ka dhisatay qol jiingad ah, aqal Soomaali iyo suuli. $150 oo ay ku caawisay walaasheed oo Hargeysa ku nool ayay ku dhisatay.
Waxay tilmaantay inay ka baxday hoy xumo iyo musqul la’aan ku haysatay xerada laga soo raray oo aqal xooshad ah uu uga dhisnaa.
“Hadda hanti baan helay oo xornimaan ku noolahay. Markii hore wadnahaan farta ku hayay oo noloshu wey adkeyd. Wax yaryarbaa naga dhiman maahane wixii muhiimka ahaa ee waa weynaa waan helnay. Qalbiga iyo niyadda ayaan ka dagay.”
Cibaado ayaa xustay in dhulka laga soo raray ay la haayeen dad deegaan ah. Sida ay sheegtay uma ay ogoleyn inay ka sameystaan musqulo iyo aqal aan cooshad aheyn.
Halkaas oo aan laheyn biyo, waxbarasho iyo xarun caafimaad ayay xustay in dadka lahaa ay saddexdii sano ee la soo dhaafay u sheegayeen in dhulka ay u baahan yihiin oo ay ka guuraan ama qasab uga saari doonaan.
Taas ayay xustay in walwal joogta ah ay ku haysay maadaama aysan haysan meel ay degaan, sidoo kalana aanay awoodin in guri ay kireystaan.
“Tolow xageed qaban iyo goorma ayaa lagu rari doonaa ayaan ka warwari jiray markaan daganaa xerada. Imikana waan ka reysanay. Xerada marar dhowr ah dab ayaa nagu qabsaday. Hurdo fiican maba aanaan seexan jirin.”
Cibaado oo ah hooyada toban carruur ah ayaa tilmaantay in dowladdu u sameyneysay biyo dhaamin kumeel gaar ah bilihii July iyo August, balse bishan ay ka joojisay. Waxay xustay in biyuhu aysan ka fogeyn, balse fuustadii ay ku iibsadaan $1.5.
Nolosha qoyska ayaa ah mid ku tiirsan shaqo xoogsi ah oo uu qabto odaygeeda oo dajiya rarka gaadiidka. $4 illaa $6 ayuu ka helaa maalinka uu qabto. labo waqti ayay dabka shitaan siday xustay.
“Imika wax naga maqan ma jiraan. Mustaqbal fog ayaan ka fakareynaa oo ah horumar iyo inaan guryo dhisano. Markii nala soo dajiyay qof walboo shaqeyso ayaa la yiri. Annaguna waan shaqeysaneynaa.”
Cibaado ayaa aheyd xoolo dhaqato ku nool miyiga deegaanka Dabagoriyaale ee Koonfurta Hargeysa. Waxay halkaas ku dhaqaneysay ari 80 neef ah, balse sanadkii 2011 ayuu ka la’day markii abaar jirtay awgeed uu waayay daaq iyo biyo ku filan. Isla sanadkaas ayay soo degtay xerada Naasa Hablood B.
Qoysaskan ayaa ku soo guuray gaadiid ay leedahay dowladda hoose, maadaama ay ku adkeyd inay kireystaan kuwa gaarka loo lee yahay.
Milgo Maxamed Maxamuud oo dadka la deegaameeyay ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay ka reysteen noloshii hore oo ay ku tilmaantay xabsi dantu ku qasbeysay oo aan laheyn isku haleyn.
“Nolosheenii hore iyo tan imika farqi weynbaa u dhexeeya. Tii hore waxay aheyd mid adag oo aanba aheyn nolol aduunyo. Warwar ayaa nafta naga jaray oo carruurta ayaan u baqi jiray markay banaanka u baxayaan.”
Milgo ayaa tilmaantay in xilliga habeenkii ay aad ugu baqi jirtay saddex gabar oo ay dhashay, maadaama musqulo la’aantu ku qasbeysay in bannaan ka fog hoyga oo cooshad ahaa uu qofku aado.
Xaaladaas ayay sheegtay inay ka baxeen oo ay hadda isticmaalaan musqulo wadareed aan ka fogeyn oo dowladdu u dhistay.
Milgo ayaa xustay in duruufta dhaqaale ee ay ku jirtay awgeed aysan aamin saneyn in Hargeysa ay ku yeelan doonto guri iyo dhul ay leedahay. Waxaa hoy u ah jiingad labo qol ah oo ay uga baxday $450.
Waxay tilmaantay in xerada oo dadkeedu isku raran ahaayeen dhowr mar uu dab qabsaday. Sanadadii 2019 iyo 2020 ayay xustay in labo jeer hoyga iyo agabkii gurigaba uu ka baabi’iyay.
“Anagoo hurudna oo habeen ay tahay ayaa dab na qabsaday. Hanti waxaan laheynay way naga gubatay. Anagoo bilaa dhar ah ayaan ka cararnay, musiibo taas nooga darneyd mey jirin. Waxaan xasuusteyda ka go’eyn labo dumar ah oo meesha hilibkooda laga soo aruuriyay iyagoo bislaaday. Meeshaas xaalad kastoo adag way nagu soo martay.”
Milgo ayaa xustay in dhanka cuntada iyo biyahaba aysan dhib ku qabin. Odaygeeda oo ah fuundi dhisme ayay sheegtay in nolosha reerka uu ku maareeyo dhaqaalaha maalinkii ka soo gala oo ah $15. Waxay sheegtay inaysan joogto aheyn howshan. Labadii bilood ee la soo dhaafay ayay tilmaantay inuu shaqo helay 17 jeer oo kaliya.
Waxaa iskuul ay leedahay dowladdu oo hoose iyo dhexe ah u dhigta shan carruur ah, kuwaas oo bishii laga qaado lacag isku darkeedu yahay $13.
Milgo oo ah hooyada siddeed carruur ah ayaa qoyskeedu uu ka soo barakacay deegaanka Abdaal oo 90 km Hargeysa u jira. 10 geel ah iyo 70 ari ah oo ay dhaqanayeen ayay sheegtay in abaar ay uga la’deen sanadkii 2011.
Waloow dadkan aan loo dhisin xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo u gaar ah, hadane xaafadda la dajiyay ayay ka helayaan iskuul hoose, dhexe iyo sare ah oo dowladdu ay leedahay iyo xarun caafimaad oo bilaash ah (MCH).
Qoysaskan ayaa dhulka laga soo raray waxaa dajiyay dowladda hoose, kadib ogolaasho ay ka heshay dadka lahaa oo ogolaaday in xilli kooban ay ku noolaadaan, balse waqtiga oo dheeraaday darteed ayaa keenay in mulkiilayaashu marar badan codsadeen in laga raro. Sidaas waxaa sheegay agaasimaha waaxda Maareynta Musiibooyinka dowlada hoose ee magaalada Hargeysa Cali Maxamed Nuur.
Wuxuu xusay inay go’aan sadeen raritaanka qoysaskan markii ay u heleen dhul ku haboon oo magaalada dhexdeeda ah.
“Dowladda hoose adeeg ayay ka shaqeysaa. Shaqadeeda waxaa soo hoos galaya dadka dhibaateysan inay u shaqeyso. Dadku waxay iskugu jiraan kuwo magaalada gudaheeda ka barakacay iyo kuwo miyi ka yimid oo abaar ay saameysay. Dadkan waan ka badalnay magacii hore ee barakaca ahaa, imika waa deegaan oo dhul ayay lee yihiin. Waxay helayaan xuquuq kasta oo dadka magaalada ay helayaan.”
Sanado badan ayay ku qaadaataa in nolosha barakaca ay ka baxaan dadka soo maciin bida magoolooyinka marka ay dhaafaan waxay noloshoodu ku tiirsaneyd. Badi ma helaan dib u dajin iyo dhaqaale ay ku billaabaan nolol cusub. Ma aha dad awooda inay kireystaan guryaha oo qiimahoodu u dhexeeyo $40 illaa $100 qolkii.










