Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Garowe: Xirfadda harqaanka oo qoysas deggan xero lagu barakacay ka caawisay helidda cunnada

Radio Ergo by Radio Ergo
October 16, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Garowe: Xirfadda harqaanka oo qoysas deggan xero lagu barakacay ka caawisay helidda cunnada

Fadumo,20, busy at her sewing machine in her small shop in Buurta IDP camp/Hoodo Isse/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Maxamed waxay biilka maalinlaha ee qoyskeeda ka soo saartaa harqaan ay ku tosho gudaha kaamka Buurta ee duuleedka magaalada Garoowe. Shaqadan oo ay billoowday bishii Maayo ee sanadkan, waxay maalinkii ka heshaa shan ilaa iyo siddeed doolaar.

Gabadhaan ayaa ka mid ah shan iyo labaatan dumar ah oo loo tababaray xirfadda harqaan tollida, si ay nolol maalmeedka uga la soo baxaan. Tababarka oo u socday lix bilood ayaa markii uu dhammaaday la siiyay makiinaddii ay wax ku toli lahayeen. Faadumo oo la nool waalidkeeda ayaa sheegtay in xirfadan ay u noqotay il-dhaqaale ay ka maareeyso qoyskooda oo ka kooban toddobo qof.

“Wax badan bay ku soo kordhisay nolosheyda iyo tan qoyskeyga. Aniga hadda waan ku filanahay maareeynta baahiyahayda iyo tan reerka. Markii hore waxaan dabka shidan jirnay labo waqti, hadii aan helno oo Ilaahay nasiiyo, hadda waxaan shidannaa saddexda waqti. Lacagta aan ka helo qeyb dib ayaan shaqada ugu celiyaa, qeybna qoyska ayaan biil ahaan u siiyaa.”

Qoyska Faadumo ayaa ku tiirsanaa raashiinka gargaar ahaanta loo siiyo dadka soo barakacay, ka hor inta aysan baran xirfaddaan. Xerada barakaca ayay xustay inay soo maciin bideen markii ay abaar ka laysay labo tiro oo ari ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga Nugaal sanadkii 2017. Waxay tilmaantay inay dhisteen oo ay ku noolyihiin guri aqal cooshaad ah oo ay dhinaciisa hadda harqaanka ku tosho.

“Shaqadan ka hor cid na ma maareyn jirin, meelahaas hay’adaha iyo baan wax ka qaadan jirnay oo cid aan ku tashan jirnay oo biil aan ka sugeeynay ma lahayn. Marka aan hay’adaha wax ka weyno deyn baan soo qaadan jirnay. Haddii aan qof qaraabo ah wax ka helno iyo hadii aan helno dukaan aan wax ka sii qaadanno. Hadda marka aan xirfaddaan bartay nolosheena waan kaafiya. Deyn sidaasi u badan ma raadsanno.”

Faadumo ayaa ku haminaysa inay ganacsigeeda ballaariso. Waxay xustay inay rabto in qoyskeeda ay ka saarto xerada barakaca oo ay guri uga kirayso gudaha magaalada Garoowe, marka ay u aruurto lacag ku filan.  Dumarka xirfaddaan harqaan tolidda loo tababaray waxaa sidoo kale ka mid ah kuwa carruur leh oo aan il-dhaqaale ay ka maareeyaan haysan.

Meymuun Cabdi oo ah hooyada lix carruur ah waxay maalinkii harqaanka ka heshaa $9-11. Lacagtan ayay xustay inay ku maareeyso nolosha qoyskeeda. Shaqo abuurkan ka hor ayay sheegtay inay ahayd qof aan awoodi karin biilka maalinlaha ah.

“Noloshaydu xirfaddaan ka hor waxaan ahaa qof dadka tuugsanaya oo wax ka baryaaya qof kale. Laakin hadda bannaan ayaan istaagi karaayo oo wax ayaan qabsan kara. Nolosheyda shaqadani waxay ku soo kordhisay kalsooni iyo fir-fircooni. Waxaan fahmay inaan wax qabsan karo oo aan aniga wax beddeli karo.”

Haweeneydan ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ku dartay waxbarashada labo ka mid ah carruurteeda sanad dugsiyeedkan. Waxay xustay in bishii ay ka bixiso $22 isku darkooda. Lacagta waxbarashada carruurteeda ayay tilmaantay inay ka soo saarto harqaanka.

Meymuun ayaa sheegtay inay ka soo barakacday deegaanka Yoombeys ee gobolka Nugaal sanadkii 2017. Waxay tilmaantay in abaar ay ka laysay xoolo ay halkaa ku dhaqaneeysay. Kaamka Buurta oo ay hadda ku nooshahay ayay xustay inay soo maciin bidday.

Lacagta ay maalinkii harqaanka ka hesho ayay tilmaantay in wax badan ay ka beddeshay nolosheeda. Mararka qaar ee aysan macamiisha ku badnayn ayay sheegtay inay tosho naqshadaha kala duwan ee dharka oo ayna ka iibiso dadka xerada kula nool.

“Waxaan rabaa inaan lacagta waxbarashada meeshaan ka soo saaro, haddii ay rabaan ha qadeen laakiin waxaan ku dadalaa inaysan sidayda oo kale waxbarasho la’aan ku weeynaanin. Macallimiintu saddex qof marka aad u geysatid mid bay kuu dhaafayaan.”

 Guddoomiyaha kaamka Buurta Cabdi Cali ayaa sheegay in dadka xerada deggan ay dhammaantooda yihiin kuwa danyar ah oo abaaraha ku soo ceeyroobay. Wuxuu xusay in gabdhaha ay soo xusheen ay ahayeen kuwa ka soo jeeda qoysas tabaaleeysan oo uu dabka ka dansanaa.

Dadka ku nool xerada ayuu tilmaamay in badankooda ay yihiin kuwa ku soo ceeyrtoobay abarihii 2016-2017. Waa kan isagoo sharaxaaya qaabka lagu soo doortay dadka ay soo xusheen.

“Horta dadku waa dad danyar ah, tabaaleysan oo aan lahayn xirfad. Nolosha aasaasiga ah ma lahayn oo si ayay ka ahayd. Waxaa dhib ku ahaa helidda biyo, cunto, waxbarasho iyo caafimaad. Waxaa kale oo aan ka fiirinaynay inay ka soo bixi karaan howshan oo xirfaddaan baran karaan.”

Haweenka la tababaray ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xirfaddii ay barteen ay u noqotay mid ay ku faa’ideen. Waxay ku haminayaan inay heer ka garaan oo ay hor mariyaan shaqadooda iyo nolosha qoysaska ay ka soo jeedaan.

Hay’adda Kaalo oo ah mid maxalli ah ayaa u tababartay dumarkan xirfadda harqaan tollidda. Tababarka ayaa u socday muddo lix bilood ah. Waxaa mid walbo oo dumarka ka mid ah la siiyay harqaan dhameeystiran oo bilaash ah, markii uu tababarka u dhamaadey, si ay ugu shaqeeystaan xirfadooda.

Previous Post

Hargeysa: Kumanaan qoys oo ka baxay hoy xumo haysay markii loo sameeyay dib-u-dajin

Next Post

Baydhabo: Qoyas ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol xumo ku wajahaya saddex xero oo ay ku biireen

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
Baydhabo: Qoyas ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol xumo ku wajahaya saddex xero oo ay ku biireen

Baydhabo: Qoyas ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol xumo ku wajahaya saddex xero oo ay ku biireen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo