Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Qoyas ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol xumo ku wajahaya saddex xero oo ay ku biireen

Radio Ergo by Radio Ergo
October 17, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Qoyas ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol xumo ku wajahaya saddex xero oo ay ku biireen

Caasho iyo carruurteeda oo ka mid ah dadka soo barakacay/Abdullahi Abdirahman/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Caddey Cabdullaahi Aadan iyo carruurteeda oo sagaal ah  waxay hoy la’aan iyo cunno yari ku wajahayaan xerada barakaca Mog iyo Arow ee duleedka Baydhabo,  oo ay soo maciin bidday. Waxay soo gaartay 13 bishii Agoosto ee sanadkan.

Waxay ka mid yihiin 850 qoys oo ka soo barakacay deegaanada Goof-gaduud-buureey iyo Daynuunaay ee gobolka Baay, markii ay saameeyeen abaar iyo colaad u dhaxaysa kooxda Al-shabaab iyo dowladda oo ka dhacay deegaanadooda.

Cadday iyo carruurteeda waxay ku tiirsan yihiin raashin bisil oo ay ka soo dawarsato dadka deggan Baydhabo. Siddeed saac oo ka mid ah maalintii ayay ku qaadataa in ay hesho cunno ku filan hal waqti 24 saacba.

“Islaankii aan ku soo kor degney waxay bikeeri bikeeri ay nasiiyaanba Ayagaaba baahan ayagaaba gaajo haysaa Wax ay noo awoodaan ma lahan Ilaah ayaa aWood leh. Wax aan hayno malahan marka rafaad iyo dandaro ayaan joognaa.”

Caddey ayaa sheegtay in cunno yarida ay u raacday Hoy la’aan. Ma haystaan wax ay ka gabaadsadaan roobabka dayrta oo todobaadkaan ka da’aya magaalada Baydhabo.  Waxay habeenkii huwdaan kartoono ay xerada ka soo aruursadeen oo aan ka celayn dhibicda roobka maalinkii ayay  harsadaan geedo aan har fiican lahayn.

Qoyskan ayaa ka soo barakacay deegaanka  Goof-gaduud-buureey markii colaad darteed ay tacban waayeen beer afar hektar ah oo ay halkaas ku lahaayeen. Waxa ay safar lug ah oo qaatay saddex maalin la soo lugaysay carruurteeda iyada oo ka soo tagtay wixii ay agab haysteen maadaama aysan haysan gaadiid ay ku qaadato.

Ma helin wax soo dhawayn ah markii ay xerada soo gaartay. waxay dantu ka qasabtay in ay habeenba meeel la seexato carruurta maadaama aysan haysan xitaa dhul ay si joogto ah u deganaato. Haweenaydan ayaa sheegtay in ay ku hungowday rajadeedii ahyd in ay xerada ka heli doonto nolol dhaanta tii ku haysatay deegaankeedii.

“Aabe nooma noola awlaad ayaan watay iyagiina islaamkan ayaan iskala soo dhex galay. Habeen haddii la shido dabka maalintii laba shito. Wixii Habeenkii digsiga lagu reebo ayay subixi ku foofaan Ama ay ku baxaan.”

Caddey waxay sheegtay in dhanka kale abaarihii soo maray dalka saddexdii sano ee la soo dhaafay ay ku waysay labo tiro oo ari ah. Xoolo la’aantaas ayaa keentay in dugsi ay dhiganayeen ay ka saaraan saddex ka mid ah carruurtooda, markii ay bixin waayeen sharashka macallinka oo gaarayay $30.

Qoysaskan  oo horay ay u saameeyeen abaarihii dalka soo maray ayaa ayaa hadda ku qasbanaaday in ay soo barakacaan markii ay u raacday colaad ka dhacday deegaanadooda bishii Agoosto ee sanadkan.

Iisho Aadan Madkuus qoyskeeda oo toban qof ah markii ay xerada soo gaareen waxay dulsaar ku noqdeen qoys ay qaraabo yihiin oo horay u degganaa xerada. Waxay isla degeen aqal yar oo cooshad ka samaysan, kaasi oo ay adagtahay in ay ku wada noolaadaan. Intaas waxaa u dheer cunno xumo.

“Xeradaan Dhibaato kalama kulmin  ee cunno la’aan ayaa nahaysa. Ceelku meel naga fog ayuu ku yaallaa. meel dheer ayaan u aroornaa biyaha sidaas ayaan ku helnaa. Waxaan ku aroornaa jirgaankii laba kun labo jirgaan lix kun oo shilin laba jirgaan shan kun sidaas ayaan ku helnaa.”

Iisho si ay u maarayso nololsha reerkeeda waxay subax kasta u kallahdaa dhar dhaqis ay u aaddo gudaha xerada iyo magaalada Baydhabo. Waxay xustay in  ay soo hesho lacag u dhxaysa $3 ilaa $4 halka maalmaha qaarna ay soo laabato iyada oo faro maran. Waxay soo hesho ayay xustay in 24-kii saac ay hal mar dabka u saartaa carruurta.

Iisho ayaa ah halka qof ee uu ku tiirsan yahay reerka. Aabbaha qoyska ayay sheegtay in uu yahay nin waayeel ah oo aan awoodin in uu qabto shaqooyinka xoogsiga ah. Qoyskaan oo aan horay u aqoon nololsha barakac nimada ayaa la qabsan waayay xaaladda ka jirta xerada.

Labo carruurteeda ah ayay sheegtay in ay ka xanuunsan yihiin tan iyo 27 bishan. Magaranayso cudurka ay qabaan maadaama aysan gayn wax baaritaan ah, balse waxay uga shakisan tahay in ay qabaan mallaariyo xerada ka jirta.

Qoyska haweenaydaan ayaa ka soo barakacay deegaanka daynuunaay oo Baydhabo dhanka bari uga beegan 30 km markii ay halkaas ka dheceen dagaallo u dhexeeya shabaab iyo wadladda. Waxay halkaas ku lahaayeen beer saddex hektar ah oo ay noloshooda ka heli jireen. In kasta oo aan weli deegaanku nabad noqon haddana Iisho waxay naawilaysaa in ay mar uun ku laabato beerteedii.

“Haddii deegaankaygii sidii markii hore aan ku joognay Ilaah nooga dhigo oo roob nooga da’ooo ay meel laga shaqaysto uu deegaankeenii yeelan lahaa oo nabadna dhacdo waa sidiii aan rabnay waan laabaynaa oo waan rabnaa in aan laabanno.”

Guddoomiyaha xerada ay dadkaan ku marakaceen ee Mog iyo Aarow Aadan Caliyow Ibraahim ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka soo barakacay ay isugu jiraan kuwa colaado ka soo cararay iyo abaar ay soo barakicisay.  Wuxuu intaaas ku daray in xerada oo ay ku noolaayeen kun qoys ay ku soo biireen in ka badan siddeed boqol oo kale, taas oo adkaysay in ay qaabilaan kuwa cusub. Waxuu tilmaamay in  dadka  soo gaaray xerada ay soo dhaweeyaan balse ay ka bateen tabartooda.

Dadka ku soo barakacay halkaan oo intooda badan ay saameyn ku yeesheen dagaallada iyo abaaraha gobolka waxay ka siman yihiin duruufaha nolosha ee ku haysta xeryaha ay ku soo barakaceen.

Previous Post

Garowe: Xirfadda harqaanka oo qoysas deggan xero lagu barakacay ka caawisay helidda cunnada

Next Post

Dhadhaab: Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysas qaxooti ah

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dhadhaab: Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysas qaxooti ah

Dhadhaab: Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysas qaxooti ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo