Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Qoysas barakac ah oo ku caawiyay dad danyar ah qayb ka mid ah raashin ay ka heleen dalag ay beerteen

Radio Ergo by Radio Ergo
June 6, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada

IDP family awaiting assistance in a camp/File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Khaliif Xassan oo barakac ku ah xerada Ceel-jaale ee deegaanka Luglow ayaa faraxsanyahay in qoyskiisa ay haystaan raashin ay saddexda waqti karsadaan. Waxaa raashinka ku caawiyay nin ka mid ah dadka barakaca ah oo kula nool xerada oo ay u soo go’day dalag uu ku beertay dhul beereed uu maamulku ku caawiyay bishii Diseembar ee 2022.

Maxamed oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa sheegay in la siiyay galay 30 kiilo ah oo uu u soo shiiday qoyskiisa. Wuxuu sidoo kale xusay in lagu caawiyay khudaar isugu jirta yaanyo, bocor iyo qare. Yaanyada iyo bocorka ayuu tilmaamay inay ka dhiganayaan iidaan.

“Loor galay ah oo wax yar dhiman wuxuu ku hayn karo waad garaynaysaa. Bil ku dhowaad buu ku haynayaa. Raashin kale oo aad soo gadi lahayd ayuu ka caawinayaa. Awal hore waxaan karsan jirnay laba waqti. Intii aan hadda galayda haysanay aad baan u dhaannaa sidii hore.”

Ninkan oo ku nool xerada muddo sanad iyo bar ah ayaa sheegay inay adagtahay helidda shaqo uu ka maareeyo nolosha qoyskiisa. Dadka ku nool deegaanka Luglow ayuu sheegay inay yihiin beeraleey iska danyar ah oo aan isagaba dhaamin.

Wuxuu xusay in shaqada dhismaha oo uu nolol maalmeedka kala soo baxo ay ku yartahay deegaanka, sidoo kale na uusan u doonan karin shaqo magaalada Kismaayo oo u jirto 25 km, maaddaama ay ka fogtahay.

Maxamed ayaa tilmaamay maalinka uu shaqo helo uu guriga la yimaado saddex doolaar ugu badnaan. Lacagtan ayuu xusay inaysan qoyska ka dabooli karin dhammaan baahiyadooda. Caawinaadda la siiyay ayuu sheegay inay ahayd mid ay aad ugu baahnayaan, kuna soo aaday xilli ku habboon.

“Meesha horta shaqo ma jirto, beerahaas iyo waxyaabahaas unbaa lagu tiirsan yahay. Qoys ahaan, khudaarta ayaa ugu muhiimsanaa inta aan ka helnay. Marka aad khudaarta si bilaash ah ku soo hesho, haddii aad manta bariis aad soo deynsato ama aad shaqada lacag ka soo hesho, waxbadan ayay ku tareysaa,” ayuu yiri.

Ninkan iyo qoyskiisa waxay bishii Diseembar ee 2021-kii, ka soo barakaceen abaar ku dhufatay baadiyaha deegaanka Hoosingow ee degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose. Konton neef oo lo’ ah iyo 60 ari ah oo ay ku tiirsanayeen ayuu sheegay inay dhaafeen, sidaasi na ay keentay inay barakac noqdaan.

Maxamed wuxuu ka mid yahay 150 qoys oo barakac ah oo ku nool deegaanka Luglow, ee waqooyiga magaalada Kismaayo, kuwaasi oo caawinaad raashin ah ka helay dadka ay beeraha u soo go’een ee kula nool xerada.

Cabdicasiis Cabdi Colow wuxuu ka mid yahay dadka beerta u soo go’day. Wuxuu sheegay in dalagga u soo go’ay ay ka koobanyihiin lix kiish oo galay ah, saddex kiish oo digir ah iyo 500 oo xabbo oo qare ah iyo 10 kiilo oo yaanyo ah.

Ninkan oo ah aabbaha 10 carruur ah ayaa xusay in galeeyda iyo digirta u soo go’day uu u kala qeybiyay qoyskiisa iyo saddex qoys oo barakacayaal ah oo deris la ah. Qoyskiisa ayuu tilmaamay inuu u dhigay saddex kiish oo galay ah iyo saddex digir ah. Khudaarta u soo go’day ayuu tilmaamay inuu iibkeeda ka helay $510.

“Kismaayo adigu qarahaan qayb gaynay, qaybna barakaca ku dhex gadanay. Qaar laba dollar iyo bar, qaarna hal doolar iyo bar baan ku gadnay. Marka noloshii si fiican ayaan isbeddel u dareennay oo dhiiro gelin ayay noo noqotay inaan beerihii ku sii soconno oo aan sii berranno. Halkan markan imaannay dad aan waxbo gacan ku haynin oo gacan bani’aadan eegaaya ayaan ahayn,” ayuu yiri.

Ninkan ayaa sheegay in uusan manta ka walwalsanayn in uu qoyskiisa raashin la’aan noqdo, inkastoo ay soo martay maalmo adkaa. Wuxuu xusay in dhaqaalaha uu ka helay khudaarta ay u fududeeyso inuu ka bixiyo shan ka mid ah carruurtiisa dugsi qur’aan oo isku darkooda bishii laga qaado $30. Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuu iska bixiyay dayn $100 ah oo uu carruurta raashin ugu soo qaaday intii ay beerta u soo go’in.

Wuxuu sheegay in sababta uu raashinka ugu caawiyay qoyska la deggan ay tahay inuu dareemaayo xaaladda wax la’aaneed ee ay ku suganyihiin, sidaa awgeedna ay u cuntami weeyday inuu dalagii u soo go’ay uu keligiisa ka macaasho.

Qoyska Cabdicasiis waxay xerada Ceeljaale imaadeen bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafey. Waxay ka soo barakaceen deegaanka Harboole oo ka tirsan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo uu ku lahaa beer, sidoo kale na ku dhaqanaayay xoolo.

“Beerihiina roob la’aan baa dhacday. Xoolihiina cudurbaa galay – konton neef oo lo’ ah ayaan lahaa lo’dii, lix neef ayaa ka soo hadhay. Lixdii dad ayaan ku daray oo aan idhi ii haaya. Aniga ciyaalkii ayaan nolol la soo doontay, sababtaasi ayaa i keentay barakaca,” ayuu yiri.

Wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Jubbaland oo taageero dhaqaale ka heleeyso hay’adda GIZ ee dalka Jarmalka, ayaa bishii Diseembar ee 2022-kii siisay boqol qoys oo abaaraha ku soo ceeyrtoobay oo aan il-dhaqaale lahayn dhul beereed ku yaala deegaanka Qaam Qaam.

Qoysaskan oo mid walbo oo ka mid ah la siiyay hal hektar oo ay beertaan, ayaa laga taageeray geed-qaadista beeraha, agabkii ay ku fallan lahayeen oo isugu jira gadh-weyn, badeel, yaanbo iyo fargeeto ay qashinka isaga guraan. Waxaa sidoo kale laga caawiyay abuurka iyo saddex matoor oo webiga biyo uga keena. Dalagyadii ugu horreeyay ee ay beerteen bishii Janaayo ee sanadkan ayaa u soo go’ay 28-kii Abriil.

Axmed Nuur Bile oo wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland u qaabilsan mashruucan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in saddex shuruud ay dadka ka fiirinayeen. Wuxuu xusay in shuruuda kowaad ay ahayd in qofka uu barakac yahay, halka midda labaad ay ahayd in beerista wax ka fahansanyahay, halka midda ugu dambeeysa ay ahayd inuu yahay qoys ballaaran oo aan haysan il-dhaqaale.

Previous Post

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo ka cabanaya musqulo xumo ay u wehliso nadaafad darro

Next Post

Bakool: Qoysas colaad iyo abaar ka barakacay oo wajahaya xaalad nolol xumo oo ku haysata tuulada Dhuurey oo ay maciin bideen

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Bakool: Qoysas colaad iyo abaar ka barakacay oo wajahaya xaalad nolol xumo oo ku haysata tuulada Dhuurey oo ay maciin bideen

Bakool: Qoysas colaad iyo abaar ka barakacay oo wajahaya xaalad nolol xumo oo ku haysata tuulada Dhuurey oo ay maciin bideen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo