Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bakool: Qoysas colaad iyo abaar ka barakacay oo wajahaya xaalad nolol xumo oo ku haysata tuulada Dhuurey oo ay maciin bideen

Radio Ergo by Radio Ergo
June 7, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Bakool: Qoysas colaad iyo abaar ka barakacay oo wajahaya xaalad nolol xumo oo ku haysata tuulada Dhuurey oo ay maciin bideen

Nuuriye Ismaaciil oo ka mid ah qoysas ay soo barakiciyeen colaado iyo abaaro/Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan boqol oo qoys oo bartamihii bishan May ku barakacay deegaanka Dhuurey oo ka tirsan degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa wajahaya xaalad cunno xumo iyo hoy la’aan. Dadkaan waxay dulsaar ku yihiin qoysas ku nool magaalada Dhuurey oo ku quudiya raashin ay iska soo aruuriyaan, kaas oo aan dabooli karin culeyska haysa haysta.

Waxay ka soo carareen abaar iyo go’odoon isku biirsaday, maadama ay ku noolaayeen tuulooyin ka tirsan gobolka Bakool oo ay maamulaan kooxda Al-Shabaab. Guuraay Adan waxay kamid tahay qoysaskii ugu horreeyay ee ku soo barakacay deegaanka Dhuurey, si ay nolol wanaagsan u helaan iyada iyo qoyskeeda.

Haweyneydaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in carruurteeda ay u awoodi la’dahay inay u hesho cunno ku filan oo ay siiso, xaaladda ay ku sugan yihiin darted.

“Wixii aan reer Dhuurey ka helno ayaa ku nool nahay. Gargaar ayaan u baahanahay, hay’adda ayaan uga baahanahay.”

Guuraay waa hooyada toban carruur ah oo la qabsan la’ duruufaha is biirsaday ee xerada ka jira tan iyo markii ay timid halkaan.

Waxa ay sheegtay in markii daymo badan looga yeeshay dukaan cuntada bisil lagu iibiyo oo gaaraysa $650 ay go’aansatay in ay joojiso, maadaama ay ku adkaatay bixinta lacagtaas. Iyada iyo qoyskeeda waxaa yimaadeen xeradaan, taas oo rejo ay ka qabaan inay gargaar ka helaan hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka.

Dhibaatooyinka ay wajahayaan qoyska Guuray kaliya ma ahan cunno xumada ka jirta xerada. Intaas waxaa u sii dheer hoy la’aan ku haysta xayndaabka ay soo dugaashadeen ee deegaankaan.

“Cidda gogol ma’ haysato. Digsi ma haysato. Caagadihii wax ku cabi la haayeen ma haystaan xittaa. Wax ay haystaan maleh.”

Markii abaarta gobolka ku dhufatay afartii sanno ee ugu dambeysay ay uga le’deen labo boqol oo neef oo ari ah iyo boqol lo’ ah ayay sheegtay inay noqdeen dad faro maran oo waxba gacanta aysan ugu jirin.

Wixii markaa ka dambeeyay waxaa ay noqdeen dibadyaal dawarsada dadka dariska kula ah deegaanka, si ay u badbaadiyaan nolosha carruurtooda oo aan baahida u adkaysan Karin.

Ugu dambeyn safar socod oo bilaa gaadiid ah ayay ku yimaadeen xerada loo asteeyay dadka soo barakacay ee deegaanka Dhuureey.

Qoyska Guuraay oo xoolo-dhaqato ahaa ayaa ka soo barakacay siddeedii bisha May ee sannadkaan tuulada Dhanaawe oo ka tirsan degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool oo xeradan u jirta fogaan dhan 32 km.

Haweyneydaan iyo qoysaska kale ee la midka ah waxay ka soo barakaceen tuulooyinka Dhanaawe, Qoox, Dhiigley iyo Buurdhuxunle. Oo ka kala tirsan degmooyinka Rabdhuure iyo Waajid ee gobolka Bakool.

Dadkaan soo barakacay ee yimid xerada ayaa iskugu jira carruur iyo haween nugul oo aan u adkeysan karin gaajada iyo harraadka ka jira deegaannadooda, waxayna taasi ka doorbideen inay magaalada yimaadaan si ay ula qabsadaan jawiga barakaca.

Marka laga yimaado cunno yarida hoy la’aanta ayaa ah caqabad kale oo meesha ka jirta. Qoysaska qaar ayaa ku hoyda geedaha hoostooda maadama ay halkan yimaadeen iyaga oo gacmo maran.

Nuuriye ismaciil Xasan ayaa ka mid qoysaska wajahaya hoy la’aanta. Tan iyo siddeedi bishan waxay iyada iyo carruurteeda seexdaan geed hoostiis, kaas oo xitaa aysan ku haysan wax gogol ah.

Waxay xustay inay halkaan yimaadeen iyaga oo waxba meel ku ogayn. Sidookalena ay ku dhib qabaan helitaanka hoy hagaagsan.

“Geedaha ayaan seexanaa. Gogol ma haysanno. Maradeena ayaan ku seexannaa. Nolol kuma haysanno. Hadda intii aan halkan ku soo barakacnay wax muslimka aan soo gaarnay na siiyay mooyee wax kale ma cunno.”

Haweyneydaan waa hooyada sagaal carruur oo agoon ah oo ay kali ku tahay barbaarintooda sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay.

Dadkaan ku soo barakacay deegaanka Dhuurey waxa ay kali ah ee ay ka heli karaan nabadgalyo iyo biyo joogto ah, maadaama halkaan laga heli karo ceelal biyoodyo aan gurin xittaa xiliyada oomanaha ah.

Nuuriye waxaa ay sheegtay in abaar iyo go’odoon ka jirtay deegaannada ay ka yimaadeen darted ay ku qasabtay iyada iyo carruurteeda inay ku soo dhiiradaan imaatanka xeradaan, si ay u helaan nolol dhaanta tii ay ka soo baxsadeen.

Haweyneydaan waxay Raadiyow Ergo ugu warbixisay sida ay abaarta ka jirtay gobolka Bakool u saameysay noloshooda.

“Geeli waa naga dhamaaday. Arigi waa naga dhamaaday. Abaarta ayaa nagu dhacday, beerna nooma bixin. Ciyaalka biyo iyo wixii qashin ee la arko ayay iska cunayeen nolol xumadaa ayaa nagu dhacday.”

Nuuriye oo 45 jir ah waxay ka soo barakacday siddeedii bisha May tuulada Buurdhuxunle ee gobolka Bakool, markii uu ka baxay saddex todobaad ka hor neefkii ugu dambeeyay ee ugu soo haray labo boqol iyo kontan neef oo ari ah,oo ay ku tiirsanaayeen noloshooda sanadihii dambe.

Xasan Cabdi guddoomiyaha deegaanka Dhuurey oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in qoysaska barakaca ah ay maalin kasto ay sii kordhayso tiradooda, ka maamul ahaana ay awoodoodu tahay inay u sameeyaan dib u dajin oo kaliya.

Hay’adaha samafalka ee ka howlgalo maamulka koonfur-galbeed ayuuna ka dalbaday inay gargaar degdeg la soo gaaraan qoysaskan ay ku adeg tahay xaaladda.

“Baahida ugu weyn ee meeshan ka jirto waa cunto la’aan iyo guri la’aan. Wax hoy oo la wato maleh. Waa dad meel deganaa oo ka soo tagay hoygoodi iyo weelashoodi iyo alaabtoodi ka soo barakacay. Waxa ka soo barakiciyay waa baahi darted.”

Xassan ayaa xusyay in tan iyo bilowgii sannadkaan  qoysas xoolo-dhaqato iyo beeraley isugu jira ay ku soo barakaceen deegaanka uu isaga masuulka yahay ee Dhuurey oo degmada Rabdhuure oo hoos-taga.

Wuxuu sheegay in intooda badan ay yihiin dad xoolihii ay abaarta ka dhammeysay iyo qaar tacabkoodii uu u istaagay roob la’aan ka jirtay tuulooyinka ay ku noolaayeen.

Dhowritaankooda ugu dhow waa dhawaaq ka yimaada hay’adaha gargaarka oo taakulo naf badbaadin ah la soo gaara noloshooda.

Previous Post

Kismaayo: Qoysas barakac ah oo ku caawiyay dad danyar ah qayb ka mid ah raashin ay ka heleen dalag ay beerteen

Next Post

Nugaal: Beeraleyda Burtinle oo wajahaya dhaqaale xumo ka dhalatay dalag ay ku maal gashadeen lacag dayn ah oo daad uu baabi’iyay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Jowhar: Qoysas ay go’doomisay fatahaadda oo ka walwalsan inay biyaha guryaha ugu soo galaan

Nugaal: Beeraleyda Burtinle oo wajahaya dhaqaale xumo ka dhalatay dalag ay ku maal gashadeen lacag dayn ah oo daad uu baabi’iyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo