(ERGO) – Afar boqol iyo labaatan qoys oo deggan xerada Dan-wadaag oo 7 km u jirta dagmada Dhoobley ayaa wajahaya musqulo la’aan ay u wehliso nadaafad xumo, markii biyo ku soo rogmaday ay dumiyeen suuliyaal ay isticmaalayeen.
Qoyska Xabiibo Cabdi Axmed oo ka kooban 7 carruur ah iyo aabbahood oo ka mid ah qoysaskaas waxay dantu bidday in ay ku xaajo gutaan maalintii xerada bannaankeeda. Waxaa se culays uu ka haystaa xilliga habeenkii cabsi amni darteed.
Xerada ay ku nool yihiin waxaa ku dhow garoonka diyaaradaha Dhoobley oo si wayn loo ilaaliyo. Arrintan ayaa ka hor istaagtay in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan.
“Habeenkii hadde duurka waa laga cabsani. Meel garoonka agtiisa ah ayaan daganahay. Askarta ayaa wareegaysa habeen walba. Markaa haddaan kor u fogaan lahayn waan ka cabsanaynaa askartaas. Midda kale tooshka ma la iftiimin karo.Way kugu soo baxayaan. Maxaad tooshka u iftiiminaysaa? Maxaad raadinaysay? ayaa lagu dhihin. Marka rafaadkaas ayaa nagu haysta.”
Suuliga ka dumay oo biyuhu ay dulmareen ayay sheegtay in ay isticmaalayeen muddo ka badan labo sano. Waxaa u dhisay billowgii sanadkii 2020 qoyska Xabiibo iyo kuwa xerada kula nool hay’adda NRC.
Waxay sheegtay in isbaddel uu ku yimid nadaafadda xerada tan iyo markii uu da’ay roobka baabi’iyay musqulaha. Waxay xustay in ay dareemayaan ur badan oo ka imaanaya saxarada meel walba taalla iyo haraadiga biyaha roobka oo midab-doorsoomay.
Qoyska xabiibo ayaa gurigooda bannaan joog ka ahaa muddo ka badan 10 maalin, markii ay u adkaysan waayeen biyaha roobka oo bannaanka u soo saaray wasakhdii ku jirtay suuliga dumay. Inkastoo ay dib ugu laabteen, markii inta badan biyuhu ay gureen.
Waxay sheegtay in aysan lahayn awood dhaqaale oo dib ay ugu dhisto musqusha isla markaana ay iskaga qaaddo haraadiga biyaha wasakhaysan. Suuliga dumay waxaa la isticmaalayay qoysas kale oo xerada ku soo biiray sanadkii hore, kuwaas oo hadda kala siman dhibaatada muqul la’aanta.
“Musqusha way duntay. Boosaneerkii oo dhan gudaha ayuu ku dhex dhacay. Tuubadii dheerayd iyo waxii oo dhan way ku tageen. Roobabkii waa waynaa uunba dumiyey. Aniga gurigayga ayey ku dhex-taallay, balse shan qoys baan ku isticmaalaynay.”
Waxay ka walaacsan tahay in carruurteeda ay xanuunno ka dhaxlaan hawo xumada iyo fayadhowr la’aanta sii kordhaysa ee ka jirta xerada ay barakaca ku yihiin. Xaaladdan waxaa u dheer Xabiibo shaqo la’aan soo food saartay.
Biyaha ka dhashay roobka oo gooyay waddada xariirisa kaamka ay dagantahay iyo Dhoobley ayaa caqabad ku noqotay shaqo nadaafad oo ay ka qaban jirtay hoteel ku yaalla magaaladaas.
Inkasto waddada ay dib u furan tahay haddana Xabiibo fursad uma helin in ay sii waddo shaqada. Muddo toddobaad ah oo aysan tagin hoteelka waxaa lagu war galiyay in laga maarmay.
Waxaa meesha ka baxay lacag dhan $4 oo si maalinle ah ay u heli jirtay, taas oo ay qoyskeeda ugu iibin jirtay cunno labo waqti ay dabka saartaan maalintii.
“Meesha qasho kuma hayno. Wadaadkayga shaqo mahayo aniguna mahayo. Carruurtayda wax hadda meel gaaray oo ii soo shaqaynaya malahan. Midda ugu wayn 12 sano ayay jirtaa. Wax aan ka shaqaynaba malahan. Wiilka (saygeeda) magaalada ayuu kolla aad aadaa kolna wuu cidda ayuu iska joogaa.”
Raashin dayn ah oo ay ka hesho haweenay bakhaar ku leh Dhoobley ayay ku tiirsan yihiin carruurteeda. Waxay karsadaan subaxa hore maalintii.
Sanadkii 2017 ayay qoyskeeda kala soo barakacday miyiga Baladxaawo oo abaar ku dhufatay ay ka dishay 50 lo’ ah iyo 80 ari ah.
Si lamid ah Xabiibo dadka nolol xumada iyo musqul la’aanta ay iskugu darsameen waxaa ka mid ah Axmed-carab Cali oo aabbe u ah 6 carruur ah.
Wuxuu maaro u la’yahay ciriiriga ka jira gurigiisa, markii haraadiga biyaha wasakhaysan ay dhinac walba ka fariisteen. Wuxuu sheegay in xitaa ay ku adagtahay qoyskiisa helidda meel ay cunnada ku karsadaan.
Wuxuu sheegay in musqul la’aanta ay u horseedday xorriyad la’aan. Maalintii ayuu xusay in ay aadaan meel ka fog xerada si ay u soo xaajo gutaan habeenkiina duruuftu ku qasabto in hareeraha guriga fariistaan.
“Waxay naga duntay maalintii uu da’ayay roobkii ugu danbeeyay. Boosaneerka iyo meeshii lagu fariisanayay ayayna ka duntay. Meel fog oo qiyaasti 1 km barkiis loo socdo ayaan aadnaa annaga oo ah dadka waawayn ciyaalkana meelahan bay fariistaan. Marka qarash aan ku dhisano waan waynay.”
Ninkan ayaa ku shaqaysta gaari-dameer uu xaabada ama qoryahay ku soo guro. Wuxuu sheegay in saddexdii maalinba mar laga gato qoryaha. Lacagta uu ka helo ayuu raashin labo waqti ay dabka saartaan ugu iibiyaa qoyskiisa.
“Lacag 200,000 SH SOM ayaan ka helaa. Ilmaha biilkooda ayaan ku celceliyaa marna lama gadanayo oo waa la iska soo celin. Dabka uun buu noo shidaa. Mar sonkor baan ugu soo gadaa marna raashinka kale. Saddexda waqti dab lama shido. Waa labo waqti haddii la helo.”
Wuxuu sheegay in uusan hayn qorsho uu dib ugu dhiso mushqusha gurigiisa oo muhiim u ah qoyskiisa. Lacagta uu ka helo Kareetada uu ku xammaasho ayuu xusay in aysan soo dhaafin qutul-yoomka.
Xerada uu dagan yahay ee Dan-wadaag ayuu ku biiray sanadkii 2016. Waxaa ka mid yahay dadkii ka soo barakacay Baadiyaha degmada Afmadow ee gobolka Gedo. Waxaa dhaafay 150 neef oo ariya iyo 20 lo’ah oo abaaro is xigxigay ay ka dileen.
Agaasimaha Waaxda Fayadhowrka ee wasaaradda Cafimaadka Jubbaland Dr. Maxamed Muxumed Xiiray oo Raadiyow Ergo la hadlay ayaa kula taliyay qoysas ka cabanaya nadaafad darrada ay biyuhu sababaeen in ay sameeyaan taxaddar caafimaad inta xal looga helayo.
Wuxuu sheegay in Dhoobley ay ka mid tahay meelaha u nugul in uu ka dillaaco xanuunka shuban biyoodka, maaddama haraadiga xoolaha baqtiyay iyo dumidda msuqluhu ay ku badan yihiin, kuwaas oo sabababa xanuunnada faafa.
“Waa mamnuuc in meel banaan lagu saxaroodo. Dhibaatooyinka daacuunka iyo cudurada faafana meelaha ay ka kacaan meelahaas weeye. Ruuxa xitaa god-yar waa qodan karaa oo saxarada iyo waxiisa uu ku asturo. God yar qodo. Geedo saar kor kana maryo ayaad kaga xiraysaa. Nadaafada in aad ku dadaasho weeye. Tan kale ee aad qaban karto waxaa weeye gurigaaga dhexdiisa in aad ku dadaasho. In Gacmaha la iska dhaqo had iyo jeer. Biyaha la cabaayo acwaterp lagu daro.”
Wuxuu sheegay in Jubbaland ay waddo qorshe dib lagu dhisayo musqulihii ka dumay dadka ku jira xerada lagu barakacay. Wuxuu xusay in lagama maarmaan ay tahay arrinta si khatar caafimaad oo imaan karta looga hortago. Inkastoo uusan xusin waqtiga ay billayaan dib u haajinta musqulaha.










