Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Burco: Shaqo xumo soo wajahday dadka sameeya haamaha ay reer guuraagu isticmaalaan

Radio Ergo by Radio Ergo
June 2, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Jaamac Faarax oo fadhiya xaruntiisa oo qarka u saaran inay xiranto/Sidiiq Yuusuf/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nuur Cumar Xasan waxaa ku adag maareynta nolosha qoyskiisa oo deggan magaalada Burco. Wuxuu xal u waayay inay helaan cunno ku filan, bixinta waxbarashada carruurtiisa iyo kirada gurigiisa.

Arrinta ayaa timid, markii meesha ay ka baxday shaqo uu ku tiirsanaa 12 sano oo aheyd sameynta haamaha birta nooca silfarka ama qalinka ah ee xoolo dhaqatadu ay biyaha ku shubtaan.

Nuur ayaa sheegay in xirfadaas uu ku shaqeysan jiray ay ka istaagtay bishii Juun ee sanadkii hore, markaas oo ay xirantay xarun uu ka shaqeyn jiray oo ay saameysay suuq xumo ka dhalatay xoolo dhaqatadii wax ka iibsan jiray oo yaraaday awgeed.

Wuxuu xusay in hadda uu qabto shaqo aan joogto aheyn oo bishiiba dhowr maalin uu si dirqi ah ku helo, taas oo ah in dusha uu ku xamaalo alaabta laga dajiyo baabuurta. Marka uu shaqeeyo ayuu tilmaamay inuu ka helo dhaqaale u dhexeeya $3.5 illa $5.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in waxa soo gala aysan dabooli karin baahida qoyskiisa, taas oo ku riixday inay wajahaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah oo cunno yaridu ay ka mid tahay.

“Markii hore waxay karsan jireen reerku saddexda waqti. Laakiin hadda marmar bey saddexdii labo mar waayayaan, Markii farsamadii aan aqaanay is taagtay waxay noqotay inaan iska noqdo xamaal u dhexeeya mar uu wex helo iyo mar uu waayo.”

Nuur oo 45 jir ah ayaa xusay inuu waayay shaqo tan u dhaanta oo baahida reerka uga filnaata. Dhaqaale xumida darteed wuxuu sheegay in siddeedii bil ee la soo dhaafay afar jeer laga saaray guryo uu degganaa, bixinta kirada oo ku adkaatay darteed.

Guriga hadda uu ku nool yahay oo bishii laga qaado $70 ayuu tilmaamay in dadka leh ay ku leeyihii $80. Walwalka uu qabo ayaase ah inuusan gacanta ku hayn kirada bishii dhamaatay ee May.

Duruufaha nololeed ee soo wajahay darteed waxa uu sheegay in waxbarashada uu ka saaray afar carruur ah, markii uu awoodi waayay bixinta lacagta iskuulka oo guud ahaan bishii aheyd $50.

“Kan ugu sareeya fasalka toddobaad ayuu marayay. Kuwa ugu hooseeyana waxay marayeen koobaad illaa labaad. Duruuftii markii adkaatay baan ka saaray dhammaantood iskuulkii.”

Nuur oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in shaqadiisii hore aheyd mid uu ka heli jiray bishii dhaqaale ku filan oo gaaraya $250 illaa $300.

Howsha uu qaban jiray ayaa aheyd tumidda iyo farsameynta haamaha toban liiter qaada iyo kuwa labaatan qaada. Goobta uu ka shaqeynayay ma aheyn warshad ee farsama yaqaanada ayaa gacantooda wax ku soo saari jiray.

Nuur ayaa tilmaamay in tani aheyd xirfadda kaliya ee uu yaqiinay. Sida uu sheegay iskuul uma galin ee shaqada ayuu ku bartay.

Magaalada Burco waxaa saddexdii sano ee la soo dhaafay suuq xumo darteed u xirmay toddobo xarun oo haamaha lagu farsameeyo, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Jaamac Faarax Nuur oo xusay in magaalada ay ka sii shaqeynayaan saddex mehradood oo kaliya oo ay ku jirto mid isagu lee yahay.

Wuxuu u sababeeyay abaaraha soo noqnoqday oo xoolo dhaqatada u keenay dhaqaale xumo ku riixday inay gadan waayaan haamahan oo tiiba ay joogto qiime u dhexeeya $15 illaa $25.

Wuxuu intaas ku daray in xoolo dhaqatadu ay ka door bideen caagadaha labaatan qaadka ah oo ka fudud miisaan ahaan, kana raqiisan haanta birta ah ee ay soo saaraan.

Xaaladda waxaa sii murjiyay dagaalka Laascaanood oo tan iyo markii uu billowday ay hakad galeen reer miyi badan oo uga imaan jiray gobolka Sool.

“Markay dadkii xoolihii ka baxeen oo ay iska yaraadeen ayay haamihii hoos u dhac ku yimid. Hadda oo u dambeysayna colaadahaa Laascaanood ayaa ka sii qeyb qaadatay oo isku socodkii dadkii halkaas ka imanayay ayaa istaagay.”

Jaamac oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa tilmaamay in xaruntiisa ay ka howl gali jireen lix farsamo yaqaan, balse hadda ay ka shaqeeyaan isaga iyo hal qof oo kaliya. Xilligii shaqadu fiicneyd ayuu sheegay in bishii uu ka heli jiray afar laab dhaqaalaha hadda ka soo gala oo ah $250 illaa $300 ugu badnaan.

Goobtiisa ganacsi oo 15 sano shaqeyneysa ayuu xusay in wax soo saarkeedu uu joogo halkii ugu hooseeysay abid isla markaana ay ku dhowdahay inay u xiranto.

Faarax Saleebaan Cumar oo ah xoolo dhaqato waxa uu ka mid yahay reer miyiga joojiyay isticmaalka haamaha birta ah.

Wuxuu sheegay in dantu bidday, markii 2017 abaar ay ka dishay labo awr oo reerka uu biyaha ugu dhaamin jiray. Dameer qaraabadu ku caawisay oo awrtii u badalay ayuu xusay inay ku adkaatay qaadista haamaha birta ah oo culus.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa uu biyaha ku shubtaa caagadaha labaatan qaadka ah oo kiiba qiimahiisu yahay $2. Inkastoo uu tilmaamay inay lee yihiin cillado uusan ku arki jirin haamihii hore.

“Wuxuu kaga qasaare badan yahay biyihii waa kululaanayaan oo haantii ma kulu laaneynin. Xagga nadaafadda lafteeda haamahaa nadaafad wacnaa oo isagu daxalbuu markiiba sameynayaa qoraxdaa haddii la yar dhigo, wuxuu sameynayaa biyihii ayaa midabkii is badalayaa.”

Jaamac ayaa ku dhaqanaya 50 ari ah deegaanka Ina-afmadoobe oo magaalada Burco u jira 65 km. Inkastoo noloshu hadda ay caadi u tahay roobab u da’ay awgeed haddana wuxuu tilmaamay in abaaro is dabo joog ah oo soo maray afartii sano ee la soo dhaafay ay ka dileen 90 neef.

Previous Post

Galmudug: Reer guuraa xoolahooda ay suuq yeesheen markii laga daaweeyay xanuunno ragaadiyay nacfigooda

Next Post

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo ka cabanaya musqulo xumo ay u wehliso nadaafad darro

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo ka cabanaya musqulo xumo ay u wehliso nadaafad darro

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo ka cabanaya musqulo xumo ay u wehliso nadaafad darro

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo