(ERGO) – Axmed Jaamac Dhoodi iyo sagaalkiisa carruurta ah waxay ku wareegeen qol yar oo ka sameysan alwaax iyo jiingad 17-kii bishan Jannaayo. Waxay ku jiraan 149 qoys oo dib-u-dejin ku helay duleedka dagmada Badhan ee gobolka Sanaag, kaddib muddo sanad ah oo ay ku jireen xaalad barakac ah.
Qoysaska dib-u-dejinta helay ayaa ka soo barakacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Puntland oo wali ka taagan deegaankooda oo ah Markad iyo tuulooyinka ku teedsan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.
Axmed wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inuu ka dagay culeyska kirada guri labo qol ah oo ay magaalada ka deggenaayeen siddeeddii bil ee u dambeysay maaddaama uu xerada ka waayay meel uu aqal ka dhisto. Kirada guriga ayaa ahayd $30 bishii. Lacagta kirada ayuu ka bixin jiray $100 oo uu biil ahaan ugu soo diro u wiil uu abti u yahay oo dibadda ku maqan.
Colaadda barakaca galisay qoyskiisa waxay meesha ka saartay waxbarashada afar carruurtiisa ah oo dhiganayay fasallada lixaad, toddobaad iyo siddeedaad ee dugsiga hoose iyo dhexe ee deegaanka Markad.
“Waxbarashadii baa iyada noogu daran. Dad waxbarta oo dadka haddeer kacaanka ah baanu wadannay. Dadkii suuqii haddaad ku sii daysid waa magaalo wayn, way dib-jirayaan,” ayuu yiri.
Hay’adda Daanish-ka ah ee shaqeysa arrimaha qaxootiga (DRC) oo dib-u-dejinta u sameysay qoysaskan ayaa sidoo kale ugu deeqday maacuunta cunnada iyo caagadaha biyaha lagu shubto.
Axmed wuxuu xusay in caagadaha oo uu u wayn yahay 20 liitar qaad ah ay biyaha dhabarka uga soo arooraan isaga iyo carruurtiisa dagmada Badhan oo u jirta 5 km. Deegaankan cusub ayaa wali laga hirgalin il-biyood ay qoysaska biyaha ka dhaansadaan iyo musqulo.
“Qofku habeenkii bannaankiisaas buu iska aadayaa, laakiin maalintii qofka taraag [socdaal] bay ku noqonaysaa. Qofka waayeelka ahna maba socon karo,” ayuu yiri.
Ahmed wuxuu barakaca ka hor deegaanka Markad ku tacban jiray beer hektar iyo bar ah oo uu sanadkiiba labo jeer ka goosan jiray dalagyo iyo khudaar. Marka ay da’aan roobab wanaagsan wuxuu sheegay in sanadkii uu ka heli jiray dalagyada u soo go’a lacag ka badan $1,500, marka uu ka reebo raashiin uu qoyskiisa meel u dhigi jiray si ay u karsadaan xilliga ay beerta baxayso.
Xaawo Cali Faarax oo 60 ari ah ku dhaqanaysay tuulada Markad, sidoo kalena ka ganacsan jirtay hilibka xoolaha ayaa sheegatay in ay timid Badhan iyadoo ka faro-maran xoolaheedii. Tan iyo billowgii sanadkii hore waxay dulsaar ku ahaayeen iyada iyo qoyskeeda oo toddobo qof ah, qoys qaraabo ay yihiin oo ku caawiyay hal qol.
Waxay ku faraxsan tahay in hoygeeda cusub oo jiingad ah ay u soo wareegtay horraantii toddobaadkan.
“Islaamku cunntadii ay heli lahaayen bay iga karsan waayeen oo hadde dad halkaas u soo hoganaya oo aanay awood badan u hayn. Dhib baan ku qabay, ikhtiyaar baan helay, meel aan leeyahay baan seexday,” ayay tiri Xaawo oo hadda qoyskeeda dabka u shidda labo jeer maalintii.
Waxaa u soo shaqeeya dhaqaalaha ay cunnada ay karsadaan ku iibsadaan labo wiil oo ugu wayn carruurteeda, kuwaas oo ka shaqeysta dhagax-jibinta.
Sanad kaddib Xaawo rajo kama qabto in ay dib u hesho xoolo dagaalka uga lumay. Hay’adda u dhistay hoyga iyo maamulka Badhan ayay ka codsatay in ay u abuuraan fursado shaqo oo ay ku kabi karto nolosheeda.
Dowladda hoose ee Badhan oo dib-u-dajinta qoysaskan ku lahayd kaalinta diyaarinta dhulka iyo soo xulista dadka ayaa siisay sabar-loogooyinka dhulka ay dageen.
Axmed Maxamed Timir oo ah guddoomiyaha Badhan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in maamulkiisu uu ka shaqaynayo, in saddexda bil ee soo socota ay ka hirgaliyaan deegaanka cusub, adeegyada biyaha iyo waxbarashada, taasi oo ay la kaashan doonaan hay’adaha samafalka.










