Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

75 jir loo deyriyay, loona takooro inuu la nool yahay HIV/AIDS darteed

Radio Ergo by Radio Ergo
January 23, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Khaliif Faarax oo 10 sano la noolaa cudurka HIV/AIDS wuxuu bulshada kala kulmaa takoor/Naciima Saalax/Ergo

26
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Khaliif Faarax Shuuriye oo tobankii sano ee la soo dhaafay la noolaa cudurka HIV/AIDS wuxuu wajahayaa duruufo-nolooleed oo ay ugu horreeyaan hoy-la’aan, daryeel iyo dhaqaale-la’aan. Ninkan oo ay ehelkiisa iyo asxaabtiisa ku takooreen cudurka ayay hadda ku adag tahay inuu dabbaro nolol-maalmeedkiisa.

“Waxaan rabaa in aan noolaado, haddaan helayo wax i kaalmeeya waan sii noolaan karaa. Markaan xanuunsado cid iga war haysa ma jirto. Mararka qaar, afar bari anigoo gudaha jiifa marka aan bannaanka u soo baxo, ayay i ogaadaan derisku inaan jiranahay,” ayuu yiri Khaliif oo ah 75 jir aan heysan cid daryeesha.

Wuxuu hadda deggen yahay buush uu u dhisay qoys uu deris la yahay, kaasi oo ku ag yaalla meel ay xoolaha ku xareystaan.

“Waxaa i haysta hoy-xumo; midkan buush waaye, dhaxanta iyo roobka midna igama celinayo habeenkii dhaxantaan seexdaa, haddii uu roob yimaadana waa igu da’aa. Biyo iiguma jiraan, xoog aan ku soo qaato ma haysto. Wiil iima shaqeeyo, walaal wax i siinaya ma haysto, dadkayga wax ay iga og yihiiin malaha. Haddii aan cunsuriyad jirinna noloshan kuma noolaadeen,” ayuu yiri.

Buushka uu deggan yahay ayuu xusay inuu u yaallo hal salli oo gabar ay ku sadaqaysatay, labo labaatanle iyo labo digsi oo keliya.

Wuxuu hadda ku nool yahay cunnooyin aan joogto ahayn oo uu ka helo qoysas deriskiisa ah. Cunnooyinkan uu helo oo aad isaga yar ayuu sheegay in aysan ka caawineyn awoodda daawooyinka uu qaato.

“Qofkii maanta dhuunta ii qooya ayaa walaalkey ah. Wixii la i siiyo un baan kheyreysanayaa. Gabar deriskayga ah wixii ay karsato un baan la cunaa, haddii ay weydana waan la waayaa,” ayuu yiri.

Gabar uu dhalay oo 19 sano jir ah ayuu xusay inay u ahayd wehel caawisa. Waxaa ka guursaday nin danyar ah oo deggen magaalada Gaalkacyo hal sano ka hor sida uu noo sheegay. Ninka uu soddogga u yahay oo sabool ah ayaan awoodin inuu lacag u soo dhiibo.

Khaliif ayaa sheegay in walaashiis ka weyn ay ku wargelisay in aysan awoodin in ay u wadato gurigeeda, maaddaama ay ka cabsi qabto inay ka qaaddo cudurka. Labo wiil oo uu dhalay ayuu sheegay inay sidoo kale ka kala tageen.

“Aniga hadda wax nool oo ii jooga waa labo wiil oo askar ah. Wiilasha mid ka mid ah anigoo ku jira isbitaal ayuu iga tagay, dibna iiguma soo laaban, aniga na ma raadsan. Qof adigoo ay faleembo kugu socoto kaa tagay noloshiisa wax aad ka sii raadsataba ma jirto,” ayuu yiri.

Khaliif waxaa sidoo kale ku adag helista biyaha maaddaama uusan awoodin 2,000 oo shilin Soomaali ah oo uu ku gato labaatanlaha. Qoysaska la deggen ayaa ku caawiya tobanle biyo ah marka uu biyo-la’aan yahay, inkastoo uu sheegay in uusan si joogto ah uga helin. Biyaha uu helo ayuu xusay inay ugu filan yihiin keliya cabitaan. Ma helo biyo uu ku qubeysto ama uu dharka ku dhaqdo.

Khaliif waxaa labo sano ka hor ka fariistay ganacsi yar oo uu suuqa Bakaaraha ku lahaa oo ku iibin jiray dalagyada dalka ka soo baxa sida galleyda iyo digirta, taasi oo uu nolol-maalmeedkiisa ku dabbari jiray.

Hase yeeshee, takoor uu kala kulmay dadka suuqa jooga ayaa ku khasbay inuu ganacsiga iska xiro.  Ganacsatada kale ee suuqa ka shaqeysta ayuu sheegay inay ka codsadeen in uu kala fogaado cudurkan, maaddaama ay suurtagal u arkayeen inay ka qaadi karaan ciriiriga suuqa ka jira awgiis.

Wuxuu xusay in haddii uu heli lahaa dhaqaale, uu ku furan lahaa dukaan si uu noloshiisa ugu maareeyo.

Xaaskiisa oo ka xanuunsaneyd dhimirka ayuu sheegay geeriyootay 2010-kii, kaddib markii ay xanuunsatay. Wuxuu u maleynayaa in HIV/AIDS ay u dhimatay. Waxaa isaga cudurka laga helay 2012-kii, xilligaas oo uu baaritaan u aaday isbitaal, kaddib markii uu isku arkay caafimaad-darro.

Daawooyinka uu qaato ayuu tilmaamay in si bilaash ah uu uga soo qaato hay’adda Laanqeyrta-Cas. Mararka qaar oo uu hay’adda ka waayo ayuu sheegay inuu sugo inta ay ka keenayaan, maaddaama uusan awoodin inuu farmashiyada ka soo iibsado.

Previous Post

Xoolo-dhaqato ku heshiiyay in ay dib u qotaan ceel colaad lagu aasay 30 sano ka hor

Next Post

Qoysas dagaallo ay soo barakiciyeen oo aqallo looga dhisay bannaanka Badhan

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 11, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Next Post
Houses in Somalia

Qoysas dagaallo ay soo barakiciyeen oo aqallo looga dhisay bannaanka Badhan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-AUG-2026

IDAACADDA 19-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-AUG-2026
August 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-AUG-2026
August 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo