(ERGO) – Xoolo-dhaqato biyo-yari wajahayay oo ku nool deegaanka Kaalmoole oo hoostaga degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ayaa hadda ka faa’ideysanaya biyo bilaash ah oo ay ka helayaan ceel-biyood isku tashi lagu qoday oo deegaanka laga hirgeliyay 25-kii bishii Diseembar. Ceelkan ayaa ah kan keliya ee deegaanka ku yaalla.
Soddon sano ka hor ayaa ceelka lagu aasay colaad dhex martay xoolo-dhaqatada hadda wadaagaya oo xilligaas ay dirirtu kala qeybisay, balse hadda isugu yimid naq ka dhashay roob deegaanka ka da’ay horraantii bishii Diseembar.
Xoolo-dhaqatada ayaa ku heshiiyay in laga gudbo colaaddii hore, ayna ka wada shaqeeyaan sidii lagu heli lahaa ceel-biyood ay dadku bilaash uga wada faa’ideystaan. Ceelkan oo ay si lacag la’aan ah ku qodday Wadaagsin oo ah shirkad maxalli ah waxaa maalin kasta ka caba in ka badan labo boqol oo qoys, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.
Cabdi-Saciid Cali oo ah guddoomiyaha guddi laga soo xulay xoolo-dhaqatada labada dhinac ee ku nool deegaanka, ayaa sheegay in guddigoodu uu muhiimadda saaray sidii loo sixi lahaa qaladaadkii horay u dhacay, ayna dadku u heli lahaayeen biyo wada deeqi kara.
Dadka deegaanka ku nool ayuu sheegay inay bixiyeen lacago kooban oo lagu dayactiray afka ceelka iyo xoolo loo qalayay shaqaalihii qodista ka shaqeynayay.
“Dadkii baan isugu yeernay waxgaradkiisii iyo odoyaashiisii, kulamaan u qabannay. Waxaanu ku wacyigalinnay inay nabad ku wada daaqaan. Arrintaas way hirgashay,” ayuu yiri.
Cabdi-Saciid ayaa intaas ku daray in ceelkan uu biyo badan yahay oo aan walwal laga qabin in xoolo-dhaqatada uu ku filnaan waayo. Dadka ceelka ka dhaansada ayaa biyaha ku soo jiito wadaamo.
Qoyska Barre Cabdi oo horraantii Diseember abaar uga soo barakacay gobolka Wardheer ee Dowlad-deegaanka Soomaalida wuxuu ka mid yahay qoysaska ka faa’ideysanaya biyaha bilaashka ah.
Wuxuu sheegay in ka hor ceelkan uu ka walaacsanaa biyo-yarida jirtay oo ku kalliftay in 25 cisho oo keliya uu deegaanka joogay inuu iska iibiyo sagaal ari ah, si uu biyo ugu helo qoyskiisa iyo 91 ari ah oo uu dhaqanayo. Biyaha waxaa u keeni jiray booyado ka soo dhaaminayay ceelka ugu dhow oo u jira qiyas ahaan 80 km ah. Fuustada biyaha ah ayaa looga iibin jiray $6 ilaa $7.
Barre Cabdi oo ah aabbaha saddex carruur ah ayaa tilmaamay in walwalkii biyaha uu meesha ka baxay oo uu helo biyo lacag la’aan ah oo ku filan. Hase yeeshee wuxuu sheegay in naqii ay u soo guureen uu gabaabsi yahay, kaddib markii deegaanka ay ku kulmeen xoolo badan oo abaar darteed loola soo barakacay.
Barre wuxuu qoyskiisa iyo xoolaha uu dhaqdo ku soo raray gaari xamuul ah oo uu ku soo kireystay $200. Lacagtaas ayuu ka helay 10 neef oo uu iska iibiyay. Ujeeddadiisa ayaa ahayd inuu badbaadsado xoolaha u haray, kaddib markii ay abaartu ka dishay 50 neef oo ari ah.
“Waxaan uga soo tagay meel gu’ iyo dayr midna aan lahayn oo abaar ah oo xoolaha wax badar la siiyo ma ahane wax kale aysan ku nooleyn. Sagaal saac oo habeennimo baan gaariga candha-meydlaha ah ariga saaray oo dhaqaaqay, maqribkii dambe baan ka dejiyay,” ayuu yiri.
Deegaanka Kaalmoole waxaa ku soo barakacay in ka badan labo kun oo qoys oo xoolo-dhaqato ah, kuwaas oo daaq-la’aan iyo biyo-yari uga soo guuray Dowlad-deegaanka Soomaalida, gobollada Galgaduud, Mudug iyo Nugaal.
Cabdi Khaliif Xaashi oo ka soo hayaamay miyiga deegaanka Xarfo oo hoostagta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug wuxuu sheegay in iibka biyaha uu ku adkaaday. Wuxuu biyaha la cabayay qoysas kale maaddaama xoolihiisa oo ay abaartu saameysay uu beec ku wayay. Balse, hadda wuxuu cabaa biyo aan loo xisaabin, kuwaas oo uu sheegay inaysan ahayn wax uu filayay inuu heli doono xilligan oo lagu jiro jiilaal.
Ninkan ayaa xusay in 100 neef oo uu dhaqanayay ay abaartu ka dishay afartan dabayaaqadii bishii Nofeembar.










