(ERGO) – Cabdiwaaxid Maxamed wuxuu cashar xanuun badan ka bartay abaartii 2016-17 oo uu ku wayay 350 neef oo ari ah iyo 55 neef oo geel ah. Hadda oo ay abaar mar kale ku habsatay Soomaaliya, wuxuu sheegay in xoolihiisa iyo qoyskiisaba aysan wax saameyn ah soo gaarin wali, maaddaama qeyb ka tirsan geeliisa oo uu qaabka casrika ah u dhaqdo, ay soo saaraan caano ku filan biilka reerka iyo lacag uu xoolihiisa kale ugu iibiyo calaf.
Wuxuu xusay, in fikirkan ay uga daydeen qoys kale oo ay qaraabo yihiin oo habka cusub u dhaqanayey geeliisa, ugana sheekeeyey faa’idooyinka u leeyahay.
Cabdiwaaxid wuxuu sagaal neef oo geeliisa ka tirsan ku xareystay xero ku taalo tuulada Bancadde oo 120 km dhanka waqoyi uga beegan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sanad iyo bar ka hor. Waxaa bishii geelaan uga baxdo quudintiisa, biyihiisa iyo daaweyntiisa $600.
Labo nin oo walaalihiisa ah ayaa geela ku ilaaliya xerada, waxayna subixii iyo galabkii ka maalaan lixdan koombo (45 litir) oo caano ah. Caanahan ayay ka iibiyaan macaamiil caanaha ka ganaacsato oo ku nool magaalada Laascaanood. Halkii litir ayay uga iibiyaan $1.
Dhaqaalaha ka soo baxa caanaha ayuu ku maareya nolosha qoyskiisa oo ka kooban 16 qof. Wuxuu sidoo kale calaf iyo biyo uga iibiya 120 ari ah iyo 11 geel ah oo uu sida caadiga ah u dhaqdo, maadaama uusan daaq jirin.
“Nacfiga uu leyahay geelu haddaan ogaanay, markii hore qarash moyee iyo hawl, wax kale malahayn. Markii hore geelu wax faa’iido ah oo aan ahayn qofka la joogo caano uu ka cabo iyo mar neef laga iibsado moojee, macfac kale malahayn,” ayuu yiri.
Cabdiwaaxid wuxuu soo qaadan jiray dayn xilliyada abaarta si uu xoolihiisa calaf ugu iibsado. Wuxuu 2016-17 uu dayn ahaan u qaatay 4,000 oo doolaar. Wuxuu bishii May ee 2021-ka iska bixiyay $2,000, waxaa hadda ku hartay barka kale. Lacagta uu daynta isaga bixiyay ayuu ka helay iibka caanaha geela u xareysan.
“Laba iyo tobankii maalin adhigu wuxuu cabbaa (ariga) hal-booyad oo $100 nalaga siiyo, waxaana ka bixinaa lacagta aan ka helno geela. Sidoo kale, geelayda bishii waxaa ku baxda $200. Waxaa intaa dheer waxbarashada saddex walaalahayda ah oo aan bishii ka bixiyo $150,” ayuu yiri Cabdiwaaxid.
Xoolo-dhaqato badan oo ay si weyn u saameysay abaartii 2016-17 ayaa sidoo kale sameystay maalgashiyo kala duwan si ay uga taxadaraan in mar kale xoolouhu ka dhammaadaan oo ay cayroobaan.
Qoyska Cabdullaahi Maxamed Cali oo ku nool deegaanka Maraalay oo 55 km koonfurta kaga beegan Laascaanood waxaa abaarta uga dhimatay 350 ari iyo 40 geel ah. Waxay go’aansadeen inay qeyb ka mid ah xoolihii u soo haray ay iska iibiyaan oo ay ganaacsi kale ku maalgashaan. Waxay soo iibsadeen gaariga iska rogaha, kaasi oo uu hadda darawal ka yahay Cabdullahi. Wuxuu gaariga ku soo guri jiray dhagaxa iyo cidda lagu dhiso guryaha iyo baraagaha biyaha lagu shubto. Waxaa bishii ka soo gali jirtay, lacag u dhaxaysa $200-$300.
Cabdullaahi ayaa abaarta ka dhex arkay fursad ganaacsi. Wuxuu gaarigiisa saartay booyad, taasi oo uu biyo uga soo dhaamiyo ceel ku yaala duuleedka magaalada. Wuxuu qoyskiisa oo dhaqda 150 neef oo ari iyo 15 geel ah u soo dhaamiya boyad biyo ah afartii maalinba mar. Maalmaha uusan qoyskiisa u soo dhaaminaynin, biyaha uu soo dhaamiyo ayuu ka iibiya xoolo-dhaqatada deegaanka ku nool. Wuxuu fuustadii ka iibiya $75.
“Annaga wax saameyn ah biyo la’aantu nagu ma yeelan oo gaadhigan ayaan kaga badbaadnay. Shidaalka gaadhiga waxaan ku beegnaa dadka kale ee aan biyaha u soo dhaaminno,” ayuu yiri Cabdullaahi.
Maxamuud Cali Jaamac oo sidoo kale ah xoolo-dhaqato wuxuu hadda dukaan bagaashka lagu iibiyo ku leyahay magaalada Laascaanood. Qoyskiisa ayuu dukaanka ugu furay lacag $3,750 ah oo ay ka heleen iibka 50 neef oo ari ah oo ay iibiyeen 2019-kii.
Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii uu qoyskiisa bil walbo u dirayay $120. Lacagta uu diro ayuu sheegay inay u isticmalaan biilka qoyska iyo quudinta 100 neef oo ari ah.










