(ERGO) – Boqollaal xoolo-dhaqato ah oo ka soo jeeda deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u guuray magaalo yar oo 50 km dhanka koonfur-bari ka xigta Jigjiga, iyagoo doonaya inay caawimaad biyo, cunto, hoy iyo daaq ay siistaan xoolahooda ka helaan dadka deegaankaas.
Cilmi Mooge Bade wuxuu 100 neef oo ari ah la yimid deegaanka Alle-qod oo 400 km u jirta degmada Qabri-bayax ee gobolka Faafan. Wuxuu xoolihiisa ku soo qaaday gaari uu ku soo kireystay $350 oo uu ka soo amaahday dad ehelkiisa ah oo magaalada jooga. Saddex maalin ayuu waddada ku soo jiray.
Markii uu yimid Qabri-bayax, qoys ka mid ah dadka deegaanka ayaa u dhisay aqal. Waxay sidoo kale siinayeen cunto saddex waqti ah 30-kii beri ee la soo dhaafay.
“Dadka deegaankan si fiican bay noo soo dhoweyeen. Dadku badankiis guryo ayaa loo dhisay. Xoolihii wixii noo soo harayna biyo iyo daaq ayay heleen. Dad iska reer baadiyeed, aan magaal ahayn baan u imid, guri baadiyeed baa la ii dhisay, xero ayaa la ii ooday,” ayuu yiri Cilmi oo abaarta ay uga dhimatay 200 oo ari ah.
Saddex neef oo ari ah ayuu wadar ahaan ku iibiyay lacag dhan $50, wuxuuna lacagta u diray xaaskiisa iyo lix carruur ah oo uu uga soo tagay tuulada Alle-qod oo ay ka jirto abaar daran.
Ilaa iyo 3,000 oo qoys oo ka soo hayaamay gobollada Afdheer, Shabeelle, Qorraxey iyo Jarar ayaa soo gaaray degmada Qabri-bayax. Halkaas waxaa ka da’ay Gugii iyo Deyrtii sanadkii la soo dhaafay.
Caqabadda hadda deegaanka ka taagan ayaa ah in keydadkii biyaha ay sii qallalayaan dadka badan ee deegaanka ku soo hayaamay awgeed.
Xirsi Muxumed Ismaaciil oo ah xool-dhaqato-beeraley ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inuu muddo lix maalin ah soo lugeynayay. Wuxuu la soo lugeeyay mid ka mid ah labadiisa xaas, lix carruur ah, 150 ari ah iyo 10 geel ah. Wuxuu ka soo lugeeyay baaddiyaha Bilci-buur oo 100 km u jirta Qabri-bayax. Wuxuu xusay in xaaskiisa labaad iyo lix carruur ah uu uga soo tagay miyiga.
“Tabar aan labada qoys ku soo wada raro waan waayay, qoys baan soo raray. Qoyska kale waxay la qabaan deegaankii aan ka imid oo ay abaartu saameysay oo labo sano wax roob ah aanu ka da’in,” ayuu yiri.
Xirsi waxaa abaarta uga dhintay 40 neef oo ka tirsanaa 250 neef oo ari ah oo uu ku dhaqanayay deegaankiisa. Wuxuu sheegay inuu sugi waayay inta laga dhameystirayo ceel laga qodayay deegaanka Bilci-buur, isagoo ka cabsaday in xoolihiisa ay ka dhamaadaan.
Wuxuu xaaskiisa uga soo tagay 60 neef oo ari ah, kuwaas oo ka fadhiistay. Toban neef oo kale ayaa ka dhintay markii uu soo gaaray Qabri-bayax.
Xirsi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay gargaarka ay ka heleen dadka deegaanka. Wuxuu dowladda, qurba-joogta iyo hay’adaha ka codsaday inay gargaar la soo gaaraan.
Ismaaciil Bader Cabdullaahi oo ka mid ah xoolo-dhaqatada Qabri-bayax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka ku soo hayaamay ay ku caawiyeen intii karaankooda ahayd. Ninkan ayaa walaac ka muujiyay biyaha oo ciriiri ka sii galaya.










