Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas xeradii ay deggenaayeen khasab looga barakiciyay oo geedo hoos seexda

Radio Ergo by Radio Ergo
January 19, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news

Keydka sawirada/Ergo

8
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Raxmo Mayow Cabdi iyo labadeeda carruur ah oo labo jir iyo shan jir kala ah waxay tan iyo 8 Janaayo ku hoyanayeen geed hoostii. Haweeneyda iyo carruurteeda ayaa ka tirsan 568 qoys oo si khasab ah looga soo barakiciyay xerada Rabbi Yasir oo ku taalla deegaanka Garas-baalley ee duleedka magaalada Muqdisho. Qoysaskan ayaan hadda haysan hoy, biyo, cunto iyo musqulo.

“Hadda aniga wax gacan iigu jira ma laha. Guri wax aan ku dhisto ma haysto, bannaankaas ayaan iska seexdaa, geedaha hoostooda. Wax kasta ayaan qabnaa. Tuugo way iimaanayaan haddaad bannaan joogto wax walba filo,” ayay tiri.

Dhulka ay xerada ku taallay waxaa dadka siiyay nin ganacsade ah oo sheegtay lahaanshahiisa. Balse, dad ay ninkaas isku qabsadeen dhulka ayaa ku guuleystay kiis maxkamadda yaallay, waxayna ku amreen dadkii barakaca ahaa inay uga guuraan dhulkooda.

Raxmo waxay xerada ku nooleyd labo toddobaad oo keliya intii aan laga barakicin. Waxay ka soo barakacday miyiga Diinsoor ee gobolka Bay, 22 Diseembar ee 2021-ka, kaddib markii qoyskeeda ay abaartu ka dishay 15 neef oo ari ah iyo lix lo’ ah oo ay dhaqanayeen.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in saddex ka tirsan carruurteeda ay uga soo tagtay seygeeda oo ku haray Diinsoor. Qorshaheeda ayaa ahaa inay seygeeda iyo carruurta kale ay gayso Muqdisho, marka ay hesho gargaar iyo hoy.

Raxmo waxay xustay inay 86 qoys oo kale habeenkii la seexan jirtay dugsiyada xerada ku dhex yaalla oo ka koobnaa afar hool. Waxay cunto bisil oo hal waqti ah ka heli jireen maamulka xerada.

Tan iyo intii laga barakiciyay xerada waxay nolosheeda ka soo saarataa shaqo dhar dhaqis ah oo maalinkii ay hesho ay ka soo gasho nus doollar.

Qaar ka tirsan qoysaskii muddada dheer deggenaa xerada ayaa la siiyay dhul bannaan oo si ku meel gaar ah ay ugu noolaan doonaan. Dhulkan ayaa u dhow xerada Rabbi Yasir.

Faadumo Axmed oo ah hooyada shan carruur ah, waxay xerada deggeneyd sagaal sano. Waxay booskii la siiyay ka dhisatay aqal yar oo ka sameysan maryo iyo alwaaxyo oo ay ka soo aruursatay magaalada.

Haweeneydan oo carruurteeda kaligeed korsata ayaa sheegtay in ay nolol-maalmeedka qoyskeeda uga soo saari jirtay shaqo xamaali ah oo ay ka qaban jirtay suuqa Bakaaraha. Waxay alaabta ku xamaali jirtay dambiil, waxayna maalinkii heli jirtay labo ilaa iyo saddex doollar. Tan iyo intii la barakiciyay ma aysan helin fursad ay ku soo shaqeysato maaddaama ay ku mashquushay dhisidda aqalkeeda.

Horjoogaha xerada Rabbi Yasir, Farxiya Axmed Xayle, ayaa sheegtay in dadkan sida khasabka ah loo barakiciyay ay hadda la daalaa-dhacayaan quudinta qoysaskooda, maaddaama ay meesha ku lumeen ganacsiyadii ay nolol-maalmeedkooda ka soo saaran jireen.  In ka badan 300 oo qoys ayay sheegtay in aysan haysan hoy. Qoysaska hoy-la’aanta ah ayay xustay inay seexdaan geed hoostiis.

Xerada Rabbi Yasir, waxay lahayd xarun caafimaad, madaraso iyo iskuul.

Previous Post

Qoysas abaarta uga soo barakacay xadka Itoobiya oo caawimaad ka soo raadiyay Hiiraan

Next Post

Magaalo yar oo dadkeedu ay hoy, cunno iyo biyo ku caawiyeen reer miyi u barakacay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Drought, Ethiopia

Magaalo yar oo dadkeedu ay hoy, cunno iyo biyo ku caawiyeen reer miyi u barakacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo