Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas abaarta uga soo barakacay xadka Itoobiya oo caawimaad ka soo raadiyay Hiiraan

Radio Ergo by Radio Ergo
January 17, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news

Guddi Yuusuf Cilmi oo ah hooyada 10 carruur ah oo hor fadhisa aqalkeeda/Cabdirisaaq Axmed Xuseen/Ergo

4
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo ka soo barakacay biyo-yari ka jirta deegaannadood oo ku yaalla Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa u soo gudbaya gobolka Hiiraan. Biyo-la’aanta ayaa ah mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu daran ee soo food-saaray qoysaska ku nool xerada Sareeraale oo afar kiloomitir dhanka waqooyi ka xigta magaalada Feerfeer, taasoo ku dhow xadka Itoobiya uu la wadaago Hiiraan.

Sareeraale waxaa ku yaalla hal ceel oo keliya oo aanay biyihiisu macaan ahayn.

Qoysaska awooda ee xerada deggen ayaa iibsada biyo ay booyado ka keenaan deegaan 32 km u jira Sareeraale.

Faarax Maxamed Deeq oo ah aabbaaha siddeed iyo toban carruur ah, wuxuu xerada Sareeraale ku soo biiray bishii May ee sanadkan. Ninkan ayaa ka soo barakacay tuulada Budul, kaddib markii fatahaadda webiga Shabeelle oo soo noqnoqotay ay lix mar ka khasaarisay beer afar hektar ah oo uu tacbanayay.

Wuxuu tan iyo intii uu xarada ku soo biiray la daalaa-dhacayay iibsashada biyo iyo cunto. Qoysas deriskiisa ah oo fuusto biyo ah (200 litir) iibsada ayuu maalmaha qaar la cabaa.

“Afar maalmood biyo maanan helin. Xalay ilaa saakay jalamad shaah ah wax lagu karsado ayaa la waayay. Dhinaca nolosha biyaha ah aad iyo aad ayaan ugu laciifsannahay,” ayuu yiri.

Qoyska Faarax ayaa ku nool guri buush ah oo uu ka dhistay dhul uu dejiyay maamulka magaalada Feerfeer. Wuxuu nolosha qoyskiisa ka maareeyaa shaqo dhismaha guryaha ah oo aanu si joogta ah u helin. Qoyskiisa ayuu sheegay in maalinkii oo dhan ay dabka shitaan hal waqti.

“Labo ama saddex maalin markii la joogo ayuu qof deegaanka ku leeyahay kaalay jiko ama musqul ii qod. Ruuxii waxba ma haysto oo wuu iska calaacalaa. Waxaan ku dhisaynaa $5 ama $4 anaggoo afar qof ah, waana sii kala qeybsaneysaan,” ayuu yiri.

Lix ka tirsan carruurtiisa ayaa bilaash ku dhigta dugsiga hoose/dhexe ee degmada Feerfeer Soomaaliya.

Faarax ayaa sheegay in xitaa uu awoodi waayay dharka iyo buugaagta ay carruurtiisu waxbarashada ku dhigtaan oo ilaa iyo hadda uusan u iibin qaarkood tan iyo bishii Luulyo oo iskuulka la geeyay.

Guddi Yuusuf Cilmi, oo sidoo kale ka mid ah dadka ku nool xerada Sareeraale ayaa sheegtay inay ka soo barakacday miyiga deegaanka Caanoole ee degmada Mustaxiil.

Haweeneydan oo qoyskeeda uu ka kooban yahay 10 qof ayaa sheegtay inay ku tiirsan yihiin raashin bisil oo ay marmar u keenaan dadka deegaanka. Waxay xustay inay inta badan ku seexdaan gaajo, maaddaama aysan aysan iyadu shaqeyn.

Xuseen Dhoore Maxamed, guddoomiyaha guddiga barakaca iyo dib-u-heshiisiinta Feerfeer ayaa sheegay in xaaladda qoysaskan ay xilligan tahay mid aad u liidata, maaddaama deegaanka uunan lahayn ceel-biyood iyo shaqooyin ay ka soo saaran karaan nolol-maalmeedkooda.

Wuxuu tilmaamay in 236 ka tirsan 483 qoys oo ku nool xerada ay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay u gudbeen magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan si ay biyo u helaan.

“Dadka meesha ku haray waa dadka ugu liita; waxay isugu jiraan wayeel iyo carruur awoodi waayay inay barakacaan,” ayuu yiri.

Guddoomiye Xuseen ayaa intaasi ku daray in ay u sameeyen gudi bulshada deegaanka ah oo si gaar ah ula socda xaalada qoysaskan. Guddigu wuxuu qoyaska soo barakaca u qeybiyaa raashin uu ka soo uruuriyo dadka deegaanka. Hase ahaatee, wuxuu tilmaamay in dhibaatada haysata dadkan ay u baahan tahay caawinaad wadajir ah oo aysan dadka deegaanka keliya wax ka qaban karin.

Maamulka feer-feer ayuu xusay in saddexdii bil ee ugu horreysay uu ka caawiyay raashin iyo biyo ay cabaan, laakiin wixii intaa ka dambeeyay uu awoodi waayay in uu deeqda sii wado.

 

Previous Post

Ceelal cusub oo biyo-yaridii ay uga baxeen xoolo-dhaqatada Jarar

Next Post

Qoysas xeradii ay deggenaayeen khasab looga barakiciyay oo geedo hoos seexda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news

Qoysas xeradii ay deggenaayeen khasab looga barakiciyay oo geedo hoos seexda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo