Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Ceelal cusub oo biyo-yaridii ay uga baxeen xoolo-dhaqatada Jarar

Radio Ergo by Radio Ergo
January 13, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia live news, water, Somali news

Kaydka sawirrada/Ergo

2
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar kun iyo lix boqol oo qoys oo u badan xoolo-dhaqato ayaa ka faa’iideysanaya shan ceel-biyood oo laga hirgaliyay deegaanno oomane ahaa oo ku yaalla gobolka Jarar. Biyaha ceelashan ayay dadka deegaanka iyo xoolo-dhaqatada ku cabaan lacag la’aan tan iyo billowgii bishii Nofeembar ee 2021-kii.

Bishaar Muuse Iidle wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqatada ay ku adkayd inay xoolahooda biyo u iibiyaan maalin walba. Waxaa bilihii Sebtember iyo Oktoobar ee 2021-kii, haraad uga dhintay 26 ari ah iyo 10 lo’ ah.

Ka hor inta aan ceelka laga qodin deegaankiisa Dhiintacabka oo aan il-biyood lahayn dartiis wuxuu u lugeyn jiray magaalada Ararso oo 20 km u jirta, si uu biyo ugu soo iibiyo 120 neef oo ari ah, 13 lo’ ah iyo 7 geel ah oo xoolaha uga soo haray. Rati ayuu biyaha ku soo aroori jiray, soo-socod iyo sii socodna waxay biyo aroorista ku qaadan jirtay lix saac.

Lixdanka liitar ee biyaha ah ayuu xusay in looga iibin jiray lacag dhan $1. Biyaha ayuu soo daysan jiray marka uusan haysan lacag.

Wuxuu xusay in ceel-biyoodka degaankiisa laga qoday uu ka baajiyay qoyskiisa oo 6 qof ah iyo xoolihiisa inay galaan hayaan biyo-doon ah.

“Ariga waagii hore halkii uu siddeed cisho ka qadi jiray, iminka saddex cisho markuu biyo la’ yahay ama labo cisho uusan biyo cabin buu cabaa. Lo’da lafteeda iyadu maalin qad bay u cabtaa [maalin-dhaaf]. Walaac aad u wayn buu naga riday, marka aad iyo aad baan dhanka biyaha uga fiicannahay,” ayuu yiri, Bashiir.

Deegaannada oomanaha ahaa ee ceelasha laga qoday ayaa kala ah Labile, Higlaaley, Cooboole, Bilic Buur iyo Dhiintacabka oo dhamaan ku wada yaalla gobolka Jarar. Waxay biyaha ka cabi jireen kaydadkii ay biyaha roobku gali jireen, kuwaa oo hadda qallalan.

Nuur Cismaan Galool oo bishii Agoosto ee sanadkii dhamaaday la hayaamay xoolihiisa ayaa dib ugu soo laabtay deegaankiisa. Intii uu hayaanka ku jiray. Wuxuu isku maray deegaannada Hal-jiid iyo Ubaxle. Wuxuu sheegay in uu lugeysiiyay xoolihiisa masaafo uu ku qiyaasay 160 km si uu biyo ugu helo.

Nuur intii uu socdaalka ku jiray waxaa jidka uga sii dhintay 30 ari ah.

Wuxuu tilmaamay in 10 lo’ ah iyo 20 ari ah uu dib ula soo laabtay bishii Nofeembar markii loo sheegay in deegaankiisa uu yeeshay ceel si bilaash ah biyaha looga helo.

“Baahi badan baan u qabnay, farxad badan baanu dareennay, dadka qaar baa intay biyo waayeen qadi jiray oo habeenno badan qaday. Xoolihii bal wax la siiyo daayoo, waxaa laga walaac qabay dadkuba in lafahooda waxay u cabaan ay waayaan,” ayuu yiri.

Nuur oo xal u helay ciriiriigii ka haystay dhinaca biyaha ayaa sheegay in uu xooggiisa isugu geeyay cunno u helidda qoyskiisa oo lix qof ah. Waxay ku nool yihiin miyiga dagmada Araarso ee gobolka Jarar.

Wuxuu sheegay in nolosha qoyskiisa uu hadda ku dabbaro caano uu ka liso xoolihiisa gaar ahaan lo’da oo uu suuq-geeyo. Lacagta uu ka helo oo $6 ah ayuu u qaybiyaa cunnada qoyska iyo raashinka xoolaha.

Nuur wuxuu u arkaa fursad wanaagsan in biyihii iibka ahaa ay meesha ka bexeen.

“… Inta iminka na loo soo daayay biyaha, walbahaar badan baa naga baxay,” ayuu yiri.

Cabdulqaadir Xuseen Axmed, wasiir ku-xigeenka biyaha ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bartamihii sanadkii hore ay qorsheeyeen in gobolka Jarar oo keliya ay ka hirgeliyaan siddeed ceel, laakiin ay u suurtagashay keliya shan ceel.

Wuxuu sheegay in gobolka Jarar uu ka mid yahay gobollada sida weyn ay roob-yaridu u saameysay. Dadka ku nool ayuu xusay inay galeen xaalad adag oo dhinaca biyaha ah, taasi oo ahayd sababta keentay inay ceelasha ka qodaan.

Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in saddexda bil ee ugu horreysa sanadkan cusub ee 2022-ka ay qorshaynayaan dhameystirka 11 ceel-biyood oo laga qodayo tuulooyin hoostaga gobolka Faafan.

Previous Post

Haween ay dhibaatooyin caafimaad ka haysteen ilmo-galeenka oo lacag-la’aan lagu caawiyay

Next Post

Qoysas abaarta uga soo barakacay xadka Itoobiya oo caawimaad ka soo raadiyay Hiiraan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news

Qoysas abaarta uga soo barakacay xadka Itoobiya oo caawimaad ka soo raadiyay Hiiraan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo