Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo

Ceelal cusub oo biyo-yaridii ay uga baxeen xoolo-dhaqatada Jarar

Radio Ergo by Radio Ergo
January 13, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia live news, water, Somali news

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar kun iyo lix boqol oo qoys oo u badan xoolo-dhaqato ayaa ka faa’iideysanaya shan ceel-biyood oo laga hirgaliyay deegaanno oomane ahaa oo ku yaalla gobolka Jarar. Biyaha ceelashan ayay dadka deegaanka iyo xoolo-dhaqatada ku cabaan lacag la’aan tan iyo billowgii bishii Nofeembar ee 2021-kii.

Bishaar Muuse Iidle wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqatada ay ku adkayd inay xoolahooda biyo u iibiyaan maalin walba. Waxaa bilihii Sebtember iyo Oktoobar ee 2021-kii, haraad uga dhintay 26 ari ah iyo 10 lo’ ah.

Ka hor inta aan ceelka laga qodin deegaankiisa Dhiintacabka oo aan il-biyood lahayn dartiis wuxuu u lugeyn jiray magaalada Ararso oo 20 km u jirta, si uu biyo ugu soo iibiyo 120 neef oo ari ah, 13 lo’ ah iyo 7 geel ah oo xoolaha uga soo haray. Rati ayuu biyaha ku soo aroori jiray, soo-socod iyo sii socodna waxay biyo aroorista ku qaadan jirtay lix saac.

Lixdanka liitar ee biyaha ah ayuu xusay in looga iibin jiray lacag dhan $1. Biyaha ayuu soo daysan jiray marka uusan haysan lacag.

Wuxuu xusay in ceel-biyoodka degaankiisa laga qoday uu ka baajiyay qoyskiisa oo 6 qof ah iyo xoolihiisa inay galaan hayaan biyo-doon ah.

“Ariga waagii hore halkii uu siddeed cisho ka qadi jiray, iminka saddex cisho markuu biyo la’ yahay ama labo cisho uusan biyo cabin buu cabaa. Lo’da lafteeda iyadu maalin qad bay u cabtaa [maalin-dhaaf]. Walaac aad u wayn buu naga riday, marka aad iyo aad baan dhanka biyaha uga fiicannahay,” ayuu yiri, Bashiir.

Deegaannada oomanaha ahaa ee ceelasha laga qoday ayaa kala ah Labile, Higlaaley, Cooboole, Bilic Buur iyo Dhiintacabka oo dhamaan ku wada yaalla gobolka Jarar. Waxay biyaha ka cabi jireen kaydadkii ay biyaha roobku gali jireen, kuwaa oo hadda qallalan.

Nuur Cismaan Galool oo bishii Agoosto ee sanadkii dhamaaday la hayaamay xoolihiisa ayaa dib ugu soo laabtay deegaankiisa. Intii uu hayaanka ku jiray. Wuxuu isku maray deegaannada Hal-jiid iyo Ubaxle. Wuxuu sheegay in uu lugeysiiyay xoolihiisa masaafo uu ku qiyaasay 160 km si uu biyo ugu helo.

Nuur intii uu socdaalka ku jiray waxaa jidka uga sii dhintay 30 ari ah.

Wuxuu tilmaamay in 10 lo’ ah iyo 20 ari ah uu dib ula soo laabtay bishii Nofeembar markii loo sheegay in deegaankiisa uu yeeshay ceel si bilaash ah biyaha looga helo.

“Baahi badan baan u qabnay, farxad badan baanu dareennay, dadka qaar baa intay biyo waayeen qadi jiray oo habeenno badan qaday. Xoolihii bal wax la siiyo daayoo, waxaa laga walaac qabay dadkuba in lafahooda waxay u cabaan ay waayaan,” ayuu yiri.

Nuur oo xal u helay ciriiriigii ka haystay dhinaca biyaha ayaa sheegay in uu xooggiisa isugu geeyay cunno u helidda qoyskiisa oo lix qof ah. Waxay ku nool yihiin miyiga dagmada Araarso ee gobolka Jarar.

Wuxuu sheegay in nolosha qoyskiisa uu hadda ku dabbaro caano uu ka liso xoolihiisa gaar ahaan lo’da oo uu suuq-geeyo. Lacagta uu ka helo oo $6 ah ayuu u qaybiyaa cunnada qoyska iyo raashinka xoolaha.

Nuur wuxuu u arkaa fursad wanaagsan in biyihii iibka ahaa ay meesha ka bexeen.

“… Inta iminka na loo soo daayay biyaha, walbahaar badan baa naga baxay,” ayuu yiri.

Cabdulqaadir Xuseen Axmed, wasiir ku-xigeenka biyaha ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bartamihii sanadkii hore ay qorsheeyeen in gobolka Jarar oo keliya ay ka hirgeliyaan siddeed ceel, laakiin ay u suurtagashay keliya shan ceel.

Wuxuu sheegay in gobolka Jarar uu ka mid yahay gobollada sida weyn ay roob-yaridu u saameysay. Dadka ku nool ayuu xusay inay galeen xaalad adag oo dhinaca biyaha ah, taasi oo ahayd sababta keentay inay ceelasha ka qodaan.

Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in saddexda bil ee ugu horreysa sanadkan cusub ee 2022-ka ay qorshaynayaan dhameystirka 11 ceel-biyood oo laga qodayo tuulooyin hoostaga gobolka Faafan.

Previous Post

Haween ay dhibaatooyin caafimaad ka haysteen ilmo-galeenka oo lacag-la’aan lagu caawiyay

Next Post

Qoysas abaarta uga soo barakacay xadka Itoobiya oo caawimaad ka soo raadiyay Hiiraan

Related Posts

Food delivery
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

May 13, 2022
Houses in Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Berbera: Qoysas lagu taageeray hoy iyo dhul oo ka baxaya nolosha barakacnimada

May 12, 2022
Biyo, Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Gaalkacyo: Kumannaan qoys oo biyaha ka cabaya tubbooyin loo geliyay xeryaha ay deggan yihiin

May 11, 2022
Latest Somalia news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia live news, Jowhar news, River Shabelle news
Wararkii u Danbeeyay

Webiga biyo-yareeyay oo dhalliyarada Jowhar ay uga faa’ideystaan habab ay dhaqaale ku helaan

February 23, 2022
Pastoralists in Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqatada Puntland oo ku hungoobay dhulkii ay daaqa u doonteen oo ku noqonaya deegaannadooda

February 23, 2022
Somalia live news, Somali live news, Radio
Wararkii u Danbeeyay

Rag uu xaalufka shaqo u ahaa oo fursado ka helay warshad garanwaaga u beddesha dhuxul

February 23, 2022
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news

Qoysas abaarta uga soo barakacay xadka Itoobiya oo caawimaad ka soo raadiyay Hiiraan

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
#4d8fcc

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo