(ERGO) – Hani Mahad Geelle oo ku nool degmada Bardheere ee Gobolka Gedo, waxay saddexdii sano ee u dambeysay la il-darneyd dhabar-xanuun. Waxay bishii Diseembar ee sanadkii 2021 heshay daaweyn bilaash ah oo laga fuliyay degmadaasi.
“Xanuunka dhabarkaa ka dareemayay, adigu dhabarka, lugaha iyo meel kasta way i xanuunaysay. Hadda laakiin, Alxamdulillaah waan roonahay, intaan daawada qaatay,” ayay tiri
Hani waxaa dhalmo ugu dambeysay 2018-kii, xilligaas oo ay dilantay iyadoo uur saddex bilood ah leh. Waxaa ka joogsaday wareegga dhiigga caadada, taas oo ku kalliftay inay safar dhulka ah u gasho magaalada Muqdisho bishii February ee sanadkii hore si ay caafimaad u hesho. Balse, dhaqaalaha oo ku yaraa awgeed, waxay tagtay goob caafimaad, maaddaama ay awoodi weysay inay la kulanto dhaqtar aqoon durugsan u leh xanuunkeeda. Waxay sheegtay in dhaqtarkii ay la kulantay uu u sheegay inaysan waxba qabin.
Baaritaan lagu sameeyay 17 bishii Diseembar ayaa looga soo saaray haraadiga ilmo uga dhex dhintay ilmo-galeenka, taasi oo sababtay xanuunkii hayay iyo inay dhali weyso. Waxay hadda ku rajo weyn tahay inay uur qaado, sida ay u sheegtay dhaqtaradii daaweysay.
Hani waxay ka mid ahayd 1,433 haween ah, kuwaas oo daaweyn bilaash ah ka helay dhaqaatiir ay Baardheere gaysay hay’adda maxalliga ah ee Fatxi-Gargaar.
Xamdi Axmed Cabdi oo sidoo kale ku nool degmada Bardheere, waxay xanuunsanayd muddo siddeed sano ah. Waxay ku rajo weynayd inay caafimaad u tagto magaalada Muqdisho, balse qoyskeeda oo iska danyar ah awgeed ma aysan heli karin daryeelkii ay u baahnayd.
“Waa dareemi kartaa, hooyo mar walbo oo ay uur qaaddo ilmaheedi ka dilmayaan ama ka dhimanayaan. Ninkeyga hadduu dhaqaale haysto, marba meel ayuu i geyn lahaa, laakiin wax shaqo macno leh ah oo uu meel igu geeyo muusan haysan,” ayay tiri.
Xamdi waxaa baaritaan lagu sameeyay 21-dii Diseembar lagu ogaaday in ilmo-galeenka uu caabuq ka hayay, taasina ay sababaysay inay dilanto mar walbo oo ay uur qaaddo. Waxaa lagu guuleystay in xanuunkii hayay laga daaweeyo.
“Alle ayaa noo keenay gargaar, waana ka faa’ideystay. Shaqo iyo baritaan, wax badan ayaa la ii qabtay oo dawooyin badan ayaa la ii qoray. Alxamdulillaah, hadda waan fiicanahay, dawooyinkiina waan qaataa,” ayay tiri.
Xafso Tahliil Xuseen oo ah dhaqtarad ku xeel-dheer daaweynta cudurrada haweenka ayaa sheegtay in bukaannada ay daaweeyeen ay qaarkood ka yimaadeen tuulooyin ka fog magaalada Bardheere. Gobolka Gedo ayaan lahayn dhaqtar cilmi durugsan u leh xanuunnada dumarka, taasina ay inta badan ku kallifto haweenka inay u safraan Baydhabo ama Muqdisho. Safarka dheer ayaa ah mid aysan intooda badan awoodin haweenka ku nool gobolka, maaddaama ay badankooda ka soo jeedaan qoysas sabool ah.
Maxamed Caafi, aasaasaha ururka Fatxi-Gargaar ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in howshan oo muddo 40 cisho ah ay wadeen ay fuliyeen lix dhaqaatiir ah oo labo ay ka keeneen dalka dibaddiisa. Dhaqaalaha ay Fatxi-Gargaar ku howlgasho ayuu sheegay inuu ka helo eheladiisa iyo asxaabtiisa maaddaama uu ururkan u dhisay xusuusta xaaskiisa Fatxi oo bishii labaad ee sanadkii tagay xanuunka Koofid19 u geeriyootay.
Fatxi ayaa ahayd kalkaaliso ka howlgalaysay isbitaalka degmada Garbahaarrey. (Ka akhriso warbixin uu Raadiyow Ergo ka qoray dhimashada Fatxi halkaan).