Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Haween ay dhibaatooyin caafimaad ka haysteen ilmo-galeenka oo lacag-la’aan lagu caawiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
January 11, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Medical camp, IDPs, Humanitarian news

Dhaqtar Xafso oo Hani Mahad siinaysa talooyin caafimaad/Ergo

3
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hani Mahad Geelle oo ku nool degmada Bardheere ee Gobolka Gedo, waxay saddexdii sano ee u dambeysay la il-darneyd dhabar-xanuun. Waxay bishii Diseembar ee sanadkii 2021 heshay daaweyn bilaash ah oo laga fuliyay degmadaasi.

“Xanuunka dhabarkaa ka dareemayay, adigu dhabarka, lugaha iyo meel kasta way i xanuunaysay. Hadda laakiin, Alxamdulillaah waan roonahay, intaan daawada qaatay,” ayay tiri

Hani waxaa dhalmo ugu dambeysay 2018-kii, xilligaas oo ay dilantay iyadoo uur saddex bilood ah leh. Waxaa ka joogsaday wareegga dhiigga caadada, taas oo ku kalliftay inay safar dhulka ah u gasho magaalada Muqdisho bishii February ee sanadkii hore si ay caafimaad u hesho.  Balse, dhaqaalaha oo ku yaraa awgeed, waxay tagtay goob caafimaad, maaddaama ay awoodi weysay inay la kulanto dhaqtar aqoon durugsan u leh xanuunkeeda. Waxay sheegtay in dhaqtarkii ay la kulantay uu u sheegay inaysan waxba qabin.

Baaritaan lagu sameeyay 17 bishii Diseembar ayaa looga soo saaray haraadiga ilmo uga dhex dhintay ilmo-galeenka, taasi oo sababtay xanuunkii hayay iyo inay dhali weyso. Waxay hadda ku rajo weyn tahay inay uur qaado, sida ay u sheegtay dhaqtaradii daaweysay.

Hani waxay ka mid ahayd 1,433 haween ah, kuwaas oo daaweyn bilaash ah ka helay dhaqaatiir ay Baardheere gaysay hay’adda maxalliga ah ee Fatxi-Gargaar.

Xamdi Axmed Cabdi oo sidoo kale ku nool degmada Bardheere, waxay xanuunsanayd muddo siddeed sano ah. Waxay ku rajo weynayd inay caafimaad u tagto magaalada Muqdisho, balse qoyskeeda oo iska danyar ah awgeed ma aysan heli karin daryeelkii ay u baahnayd.

“Waa dareemi kartaa, hooyo mar walbo oo ay uur qaaddo ilmaheedi ka dilmayaan ama ka dhimanayaan. Ninkeyga hadduu dhaqaale haysto, marba meel ayuu i geyn lahaa, laakiin wax shaqo macno leh ah oo uu meel igu geeyo muusan haysan,” ayay tiri.

Xamdi waxaa baaritaan lagu sameeyay 21-dii Diseembar lagu ogaaday in ilmo-galeenka uu caabuq ka hayay, taasina ay sababaysay inay dilanto mar walbo oo ay uur qaaddo. Waxaa lagu guuleystay in xanuunkii hayay laga daaweeyo.

“Alle ayaa noo keenay gargaar, waana ka faa’ideystay. Shaqo iyo baritaan, wax badan ayaa la ii qabtay oo dawooyin badan ayaa la ii qoray. Alxamdulillaah, hadda waan fiicanahay, dawooyinkiina waan qaataa,” ayay tiri.

Xafso Tahliil Xuseen oo ah dhaqtarad ku xeel-dheer daaweynta cudurrada haweenka ayaa sheegtay in bukaannada ay daaweeyeen ay qaarkood ka yimaadeen tuulooyin ka fog magaalada Bardheere. Gobolka Gedo ayaan lahayn dhaqtar cilmi durugsan u leh xanuunnada dumarka, taasina ay inta badan ku kallifto haweenka inay u safraan Baydhabo ama Muqdisho. Safarka dheer ayaa ah mid aysan intooda badan awoodin haweenka ku nool gobolka, maaddaama ay badankooda ka soo jeedaan qoysas sabool ah.

Maxamed Caafi, aasaasaha ururka Fatxi-Gargaar ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in howshan oo muddo 40 cisho ah ay wadeen ay fuliyeen lix dhaqaatiir ah oo labo ay ka keeneen dalka dibaddiisa. Dhaqaalaha ay Fatxi-Gargaar ku howlgasho ayuu sheegay inuu ka helo eheladiisa iyo asxaabtiisa maaddaama uu ururkan u dhisay xusuusta xaaskiisa Fatxi oo bishii labaad ee sanadkii tagay xanuunka Koofid19 u geeriyootay.

Fatxi ayaa ahayd kalkaaliso ka howlgalaysay isbitaalka degmada Garbahaarrey. (Ka akhriso warbixin uu Raadiyow Ergo ka qoray dhimashada Fatxi halkaan).

Previous Post

Qoysas barakaca ah oo lagu wareejiyay guryo cusub oo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho

Next Post

Ceelal cusub oo biyo-yaridii ay uga baxeen xoolo-dhaqatada Jarar

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia live news, water, Somali news

Ceelal cusub oo biyo-yaridii ay uga baxeen xoolo-dhaqatada Jarar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo