Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Nin xaaskiisa ku waayay cudurka Koroona oo billaabay olole uu ugu gurmanayo bukaannada isbitaalka De Martiino

Radio Ergo by Radio Ergo
February 25, 2021
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Nin xaaskiisa ku waayay cudurka Koroona oo billaabay olole uu ugu gurmanayo bukaannada isbitaalka De Martiino

Maxamed Caafi oo xaaskiisa oo uur leh ay u dhimatay COVID19/Yusuf Cabdi Shire/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Cabdi Caafi oo ay xaaskiisu 16-kii bishan u dhimatay cudurka Koroona iyadoo uur siddeed bil ah leh ayaa billaabay olole uu ku magacaabay Gargaara Fatxi.

Maxamed ayaa Raadio Ergo u sheegay in xaaskiisa ay isbitaalka De Martiino ugu geeriyootay daryeel la’aan iyo dayac ka jira isbitaalka oo ay gacanta ku hayso wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya.

Marxuumad Fatxi Aadan ayaa calaamadaha cudurka lagu arkay saddexdii bishan. Isbitaallo dhowr ah oo la geeyay ayaa garan waayay xanuunka marxuumadda.

“Dhowr Isbitaal oo aan geeyney ayaa ka baarin xaaskaygayxanuunka Koroona. Gabar dhaqtarad ah ayaa markii ugu dambaysay nagu tiri gabarta Ogsejiin ayay u baahan tahay ee isbitaal weyn geeya oo ka baara COVID19,” ayuu Maxamed yiri.

Maxamed ayaa intii uu isbitaalka kula jiray xaaskiisa la kulmay arrimo uu ku tilmaamay inay ka naxiyeen oo ay ka mid ahayeen in dhaqaatiirtii isbitaalka ee u xil saran daaweeynta dadka aysan haysan dharkii saxda ahaa ee loogu talagalay in lagula tacaalo bukaannada.

“Midda igu yaabka badneed waxay ahayd in dhaqatiirtii aysan haysan xitaa agabka gacmaha la gashto si la isaga ilaaliyo cudurkan. Dhaqaatiirta ayaaba qatar weyn ugu jira in uu cudurka ku dhaco,” ayuu yiri Maxamed.

Arrintan ayaa ku kaliftay inuu billaabo ololahan oo uu ugu qaramaayo bukaannada kale ee isbitaalka oo aan haysan adeegayada aasaasiga u ahaa nolashooda, sida daawooyin ku filan iyo agabka ka hortagga xanuunka.

Isbitaalka De Martiino oo ay dowladda Soomaaliya u gaar yeeshay daaweynta cudurka ayaa sida uu Maxamed sheegay u baahan caawinaad baahsan oo deg deg ah maaddaama dadka la gaynayo ay tiro badanayaan.

Wuxuu xusay in haamaha ogsejiinka ee isbitaalka yaalla ay ku yar yihiin isla markaana qaar cildaysan yihiin. Sacadaha ku xiran haamaha ayuu sheegay inay halaysan yihiin oo ay gabaabsi noqdaan maafdaama ay meelo kale ka daadinayaan Ogsijiinka taasi oo sabab u ah in haan loogu talagalay inay hayso bukaanka sacad ama labo aysan mararka qaar nus sacadood hayn karin.

“Mararka qaar waxaa laga yaabaa in Ogsejiinka bukaannada gaarayo inuu noqdo mid tankiisa ka badan, waxayna qatar galinaysaa noloshooda.”

Ogsejiinka helitaankiisa ayaa waqti dheer ku qaatay Maxamed, isagoo markii dambe ka helay isbitaal ku yaalla magaalada kaasi oo u ogolaaday Keliya inay ka iibiyaan saddex haamood maaddaama uu iyagaba ku yaraa.

Musqulaha isbitaalka ayaan qabin saabuunta gacmaha lagu dhaqan lahaa si loogu feejignaado safmarka Koroona. Waxay Maxamed sheegay inuu ka naxay markii uu ogaaday in isbitaalka uu haysan daawada gacmaha la marsado ee disha jeermiska.

Xaaskiisa markii ay dhimatay ayuu tilmaamay in wiilashii maydkeeda qaaday ee isbitaalka ka shaqaynayay ay wateen dacas iyo surwaallo gaaban iyagoo aan taxaddir sameynaynin.

Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in uu ku qasbanaaday in Ogsejiin uu jeebkiisa ka soo gado markii ay dhaqaatiirta u sheegeen in inta yar ee ay haystaan ay ku egtahay muddo afar sac ah.

“Toddobo ruux ayaa isbitaalka ku dhintay fiidkii ay xaaskayga dhimanaysay. Dhaqatiirta ayaa si hoose aniga iyo saddex kale oo ay bukaanno isbitaalka ka jiifeen noogu sheegay in ogsejiinkooda uu gabo-gabo yahay.”

Maxamed oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in loo istaago sidii loo caawin lahaa dadka danyarta ahee ku dayacan isbitaalada dalka isla markaana aan awoodin inay helaan daryeel caafimaad ayaa rajaynayo in ololihiisa uu saddaqo u noqdo xaaskiisa uu jeclaa.

“Inta aad awooddo nagu darso maadaama adiga ama waalidkaaba la dhigi karo isla isbitaalkan breri. Aniga shaqsi ahaan intii aan qaban karo ayaan isku dayi balse ma awoodo in aan kaligay qabto waxyaabaha uu isbitaalka u baahan yahay.”

Maxamed ayaa sheegay in uu dufcadii u horreysay oo ka koobna qeyb ka mid ah waxyaabihii aasaasiga ee loo baahnaa uu geeyay isbitaalka uuna rajaynayo in dhammaan agabyada isbitaalka u baahan yahay uu geeyo.

 

 

Previous Post

Dadka ku nool deegaanka Baxdo-gaabo oo ka cabanaya anteeno la’aan sababtay in ganacsigii tuulada uu hakad ku yimaado

Next Post

Kismaayo: Haweenay la nool HIV/AIDS oo takoor looga raray toban guri

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Kismaayo: Haweenay la nool HIV/AIDS oo takoor looga raray toban guri

Kismaayo: Haweenay la nool HIV/AIDS oo takoor looga raray toban guri

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo