Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Dadka ku nool deegaanka Baxdo-gaabo oo ka cabanaya anteeno la’aan sababtay in ganacsigii tuulada uu hakad ku yimaado

Radio Ergo by Radio Ergo
February 23, 2021
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Caabudwaaq: Diidista isticmaalka shilin Soomaaliga oo weli ay jirto saameynta ay ku yeelatay sarifleyaasha

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Deegaanka Baxdo-gaabo ee gobolka Galgaduud  waxaa labadii bil ee la soo dhaafay ka go’an hannaanka taleefoonnada ee lacagaha la iskugu diro. oo ah habka kaliya ee wax loogu kala iibsado deeganadaaas oo anteenada isgaarsiintu ka maqan tahay, iyadoo 4 sano ka hor ay ugu danbeysay isticmaalka shilinka soomaaliga.

Deegaankan oo Cadaado bari ka gabeegan 75 km ayaa qoysaska ku nool waxa ay ka cabanayaan wax kala iibsiga oo istaagay. markii ay xirmeen goobihii ganacsi, arrintaan waxa ay saamayn xoog leh ku yeelatay ganacsatada.

Shukri Cabdulqaadir Diiriye oo ka mid ah ganacsatada xoolaha sayladda Baxdo-gaabo waxaa hakad ku yimid ganacsigeeda, xoolaha gaarhaan ariga ay sayladda deegaanka ka iibsato ayay u suuq gayn jirtay magaalooyin Gaalkacyo iyo Cadaado. si ay uga sii macaashto.

Shukri oo la hadashay Radio Ergo iyadoo ku sugan tuulada lagu-Raqsay oo anteenadu ka shaqaynayso. waxa ay ka waramaysaa sida ay u saamaysay lacag la’aanta deegaankeeda ka jirta.

“Lacagtii kaashka ahayd maaddama la nacay lacagtii kalana anteeno la’aan ay noo bixiwaysay markaan tuurayno saas darted ayaan iskaga daynay ganacsiga, ninka ragga ah ayaa markuu wax ubaahan yahay lugeeya  oo aada ilaa 20 km, annagu  ma lugayno waxna ma qabsan karno, meeshaas ayay anteeno la’aantu nagu heshay waxna waan tuuran waynay.”

Shukri waxa ay sheegtay in dhaqdhaqaaq la’aanta lacagta ay sababtay in sayladda xoolaha ee deegaanku ay xiranto, waxa ay ahayd halka kaliya ee ay macaamiisha ay ka heli jirtay, 10 neef  ayay iibsan jirtay toddobaadkii waxaana marka ay sayladaha waawayn gayso ay faa’iido ahaan u heli jirtay usbuucii 50$.

Waxaa culays la soo darsay qoyskeeda oo 6 qof ah oo dhaqaalaha ay ka helaysay shaqadeeda ay ku maarayn jirtay.

“Wax wax naga gadanayana lama arko lacagtiina waa naga go’day, anteeno la’aan baa jirta, anngoo xoolihii haysanna ayaan baahi ugu ag baqtinnay, guri kiro ah oo aan dagganaa waan ka baxay waxaan iska dhistay waab waxaa layga kirayn jiray guriga 15$.”

Inkasto badi goobaha ganacsi xiranyihiin haddana waxaa jira ganaciyo yar yar oo deegaanka ka shaqaynaya sida kuwa cunnooyinka karsan lagu iibiyo, kuwaas oo milkiilayaasheedu ay daymiyaan uun cunnada dadka ay yaqaanaan oo kaliya.

Raage Cabdi Cali waxa uu muddo 10 sano ku tiirsanaa ganacsiga maheraddiisa oo shaaxa iyo raashinka bisil lagu iibiyo, wuxuu sheegay in dhowr toddobaad oo hakad uu galiyay ganacsigiisa uu dib u amba qaaday. isagoo cunnooyinka qaab dayn ah oo damaanad leh ku bixiya, waxa uu xusay in uu u shaqeeyo maalin dhaaf.

Waxa uu qaba rajo ah dib u soo laabashada adeegga isgaarsiinta. waxaase uu sheegay in haddii xaaladdan sii taagnaato ay lama-huraan noqon doonto in uu xiro goobtiisa ganacsi.

“Qofku waxa uu ku leeyahay walaalow marka aan meelahaas tago ama anteeno u dhawaado ayaan lacagta kuu soo tuurayaa, haddii uu ku soo waco ku heli maayo haddad lacagta baaratidna heli maysid, ganacsigayga markaan in aan albaabada iskugu dhifto oo ah xawilaad la’aanta lacagta bey iga joogtaa. waayo haddii aadan waxna dirasan Karin waxna tuuran Karin waa iska dayn, iyaduna waa baahi guud oo Baxdo-gaabo haysta.”

Raage waxa uu la halgamayaa nolol-maalmeedka qoyskiisa oo 10 qof ah oo afar ka tirsan ay waxbarashada dhiganayaan, waxa uu xusay in labadii bil ee u danbeysay uusan bixin qarashka waxbarashada carruurtiisa oo Cadaado iskuul ka dhigta. dhaqaalo xumada haysa darteed.

Carruurta oo qoys ehelkiisa ah la jooga ayuu sheegay in marka uu u baahdo in uu la xariiro uu u safro deegaannada anteenada laga helo oo xiliga uu Radio Ergo hadalay uu ku suganaa.

“Haddii aad damacdo in aad wax u tuurtidna helimaysid oo EVC ma jiro, adiguna seenbari ma agtaagnid kaashna ma haysid oo gaari u saari maysid, dhibaatadaas baa naga haysata.”

Maamulka deegaanka Baxdo-gaabo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in saamaynta anteeno la’aanta ay timid markii xarumaha shirkadda is-gaarsiinta Hurmuud ay ka fogaadeen deegaanka, xaruntii ugu danbeysay labo bil ka hor ay ka guurtay deegaan u u dhow Baxdo-gaabo.

Guddoomiyaha Baxdo-gaabo Maxamed Maxauud Khayre wuxuu sheegay in dadka u baahda gargaarka caafimaad ee deg-degga ah mararka qaar loo waayo gaadiid lagu qaado maaddama telfoonnadu aysan shaqaynayn.”

“Qofka waxa uu sameeyaa 20 km buu lugeeyaa geedbuu fuulaa gaarina wuu wacdaa, dad xitaa waxaa jira Geedo ka soo dhacay. inta uu sii socdo iyo inta uu soo socdo ayaa 5 saac qaadta, Gabdhaha fooshu qabato gaaraa loo dalbaa waa Dhiig baxaan waa dhintaan koomay galaan,ilaah baa koobikara waxa nahaysta”

 

 

 

 

 

Previous Post

Hargaysa: Carruur darbijiif ahaa oo dhaqan-celin loo sameeyay kaddib waalidkood lagu wareejiyay

Next Post

Nin xaaskiisa ku waayay cudurka Koroona oo billaabay olole uu ugu gurmanayo bukaannada isbitaalka De Martiino

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Nin xaaskiisa ku waayay cudurka Koroona oo billaabay olole uu ugu gurmanayo bukaannada isbitaalka De Martiino

Nin xaaskiisa ku waayay cudurka Koroona oo billaabay olole uu ugu gurmanayo bukaannada isbitaalka De Martiino

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo