Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Hargaysa: Carruur darbijiif ahaa oo dhaqan-celin loo sameeyay kaddib waalidkood lagu wareejiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
February 22, 2021
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargaysa: Carruur darbijiif ahaa oo dhaqan-celin loo sameeyay kaddib waalidkood lagu wareejiyay

Axmed iyo hooyadiis Saynab oo gurigooda jooga/Ilyaas Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saynab Cismaan Axmed waxay shan sano kaddib saddexdii bishan dib u midoobeen wiilkeeda Axmed Carab Axmed oo ah 14 jir ka mid ah afar iyo toban carruur ah oo qoysaskooda lagu wareejiyay.

Wiilkan oo labadii sano ee u dambeysay ka ka faa’iidaysatay dhaqan celin ay u sameeysay wasaaradda shaqada iyo arrimaha qoyska ee Somaliland oo ku haysay xarunta Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa ayaa ka hor darbijiif ku ahaa suuqyada magaalada.

Sida ay Saynab sheegtay wiilkeeda ayaa ku biiray carruurta darbijiifka ah sanadkii 2016 isagoo sagaal sano jir ah markii ay awoodi waysay in ay baahidiisa daboosho.

“Waxaa iga galiyay ilmihii markaan waxbarasho ku dari waayay ee aan ilmihii dayacay. Labadii gelin aan waxbarashadii iska bixin kari waayay ee aan xaas ahaa. Ilmahaygu inuu iga saaqiday waxaas ayaa ugu wacnaa oo uu ku billaabay.”

Axmed ayaa xarunta ka helay waxbarasho iskuul iyo qur’aan ah, waxaana uu iska dhaafay cabistii koollada iyo balwadda uu ku dhex jiray dhaqan celinta ka hor.

Saynab ayaa sidoo kale xustay inay rajo wayn ka qabto in waxbarashada Axmed uu sii wato oo  uu nolosha heer sare ka gaaro isla markaana anfaco mustaqbalka qoyskooda. Hooyadan ayaa ku tilmaamtay in dib ugu soo noqoshada wiilkeeda ay ahayd mid aanay filayn oo hadda ay ka walwal la’dahay noloshii uu ku jiray.

“Waan ku faraxsanahay, dadka waxbarashada ii barayna waan ugu mahadnaqayaa. Waan ka walwali jiray marka uu iga tago. Waxaan is odhan jiray bilee meelahaasi lagu jiraa ama marka uu kaa dhaxo daadku qaataa, dooxana wuu ka talaabi jiray. Laakiin iminka wuu fiicnaaday meel fiican ayaa la iigu daray, taakulo fiican ayaan helay.”

Axmed oo aan ku booqannay gurigooda oo Hargeysa Koonfur ka xiga 5 km ayaa isaga oo muddo kooban la nool qoyskiisa waxa uu la qabsaday nolol maalmeedkooda. Wuxuu ka qeyb qaataa shaqada loo diro carruurta xilliyada uu fasaxa ka yahay dugsiyada oo labada gelinba uu tago. Axmed oo fasalkii saddexaad dhiganayay markii xarunta laga wareejiyay ayaa haataan waxaa uu bilaash ku dhigtaa dugsiga Jiingada oo 3 km u jirta gurigooda.

Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha qoyska Somaliland ayaa carruurta darbijiifka ee ku nool suuqyada ka ururisa iyadoo geysa xarunta lagu daryeelo oo ay ka helaan waxbarasho, jiif iyo dhaqaatiir wacyigelin u sameysay muddada ay ku jiraan.

Carruurta qoysaskooda lagu wareejijiyay ayaa xarunta lagu hayay saddex sano ilaa labadii sano ee u dambeysay sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Muna Cabdi Maxamed oo ah madaxa xarunta darbijiifka ee Maxamed Mooge. Wasaaradu caruurta ayay waydiiyeen qabiilkooda iyo magacyadooda oo saddexan sidaasi ayaa loogu diray koox wasaarada ka tirsan oo soo raadiya. Waxay ka warranta waxa ay carruurta u qabtaan.

“Waxaan sameynaa markaan xarunta geyno caafimaadkiisa ayaan baadhnaa. Xanuunnadii oo dhan markaannu aragno in ilmuhu ka badqabo dhammaan, waxaannu geynaa xarunta, halkaasi oo uu ka helo dhammaan daryeelkii ilmaha waalidkiisu guriga ku siin lahaa. Hadday cunto tahay, hadday dhar tahay, hadday caafimaad tahay, hadday waxbarasho tahay. Dhan diimeed iyo dhan maaddiba waan ka dhisnaa. Kaddib ilmahaasi waxa uu soo noqdaa ilmo la qabsan kara ubadkii kale ee ficiisa ahaa, waxbarashada ku jiray ee guryahooda ku noolaa.”

Xarunta oo ay hataan ku jiraan konton carruur ah oo ay kow iyo toban hablo yihiin ayaa muddo toddobo sano ah oo ay jirtay dhaqan celin u sameeysay labo boqol oo carruur ah.

Marka la eego tirada carruurta xareysan ee dhaqan celinta loogu sameeyo xarunta, waxaa ka badan kuwa weli ku nool suuqyada oo lagu qiyaaso boqol iyo konton. Muna ayaa sheegtay in dhismaha oo ku yar ay xadidnaanta keentay, hase yeeshee ay wadaan qorshe lagu balaadhinayo xarunta dhaqan celinta.

Faadumo Cismaan oo wiileelkeeda 13 jir ah uu ka mid ahaa carruurta dib ula midoobay qoysaskooda oo deggan xerada lagu barakacay ee Maxamed Mooge ayaa xustay in ay ku faraxsantahay nolol beddelka wiilka hase yeeshee ay jeclaan laheyd in loogu hayo xarunta si aanu ugu laaban noloshii hore ee darbijiifka.

“Wax wayn ayaa iska beddelay dhaqankiisa, markii hore waxaa uu ahaa darbijiif aan waxba ku nooleyn. Sumaddiisa, sumcaddiisa aad yaabayso oo magaciisa inaan iska dhigaba ila noqotay oo warwar wayn ayuu igu hayay. Iminkana ilmo wanaagsan oo aad si walba ugu qushuucaysid, waxbartay oo diintii Islaamka laga dhaadhiciyay hadday iskuul noqoto iyo malcaamadba. Si wanaagsan ayaa na loo soo gudoonsiiyay laakiin warwar ayaa halkaasi iiga yar bilaabmay.”

Wiilka Faadumo oo xarunta dhaqan celinta ku jiray saddex sano, wuxuu ku jiraa fasalkii afraad ee dugsoga hoose. Faadumo ayaa qorsheynaysa in si wiilkeedu uusan mar dambe uga mid noqon darbijiifka waddooyinka ku dayacan inay u geyso walaalkeed oo gudaha magaalada deggan.

Carruurtan ayaa qoysaskooda loogu celiyay si ay fursad u helaan kuwa kale oo suuqyada ku dhayacan. Sidoo kale waxaa looga kaxeeyaa xarunta si aanay kuwa cusub ee la soo xareynayo iskula qabsan oo aanay u beddelin masxkaxdooda ama ula baxsan.

Inta badan caruurta darbijiifka ah ee lagu dhaqan celiyo xaruntan ayaa ka yimaada magaalooyinka Boorama, Wajaale, Gabiley, Burco, Berbera iyo Hargeysa.

Previous Post

Beledweeyne: Haween barakacayaal ah oo aasaasey ganacsiyo si carruurtooda waxbarashada uga bixiyaan

Next Post

Dadka ku nool deegaanka Baxdo-gaabo oo ka cabanaya anteeno la’aan sababtay in ganacsigii tuulada uu hakad ku yimaado

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Caabudwaaq: Diidista isticmaalka shilin Soomaaliga oo weli ay jirto saameynta ay ku yeelatay sarifleyaasha

Dadka ku nool deegaanka Baxdo-gaabo oo ka cabanaya anteeno la'aan sababtay in ganacsigii tuulada uu hakad ku yimaado

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo