Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result

Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas barakaca ah oo lagu wareejiyay guryo cusub oo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
January 11, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somali live news

Faadumo Maxamed Cali oo ka mid ah qoysaska barakaca ah oo dhex fadhisa gurigii la siiyay/Axmed Maxamed/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhowaad sagaal boqol oo qoys oo ku nool xeryaha dadka barakaca ah ee ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Kaxda ayaa ka faa’iideystay mashruuca Guryo loogu dhisayo qoysaska dhowaan galka ah iyo kuwo dad kale dulsaar u ahaa.

Guryaha qoysaska lagu waareejiyay ayaa ka kooban alwaax iyo shiraac u adkaysan kara roobka iyo dabeylaha dhaca. Waxaa sidoo kale la siiyay maacuun, darmo iyo bustayaal loogu talagalay inay baahiyaha jira ee noloshooda u kaalmaystaan.

Maryan Xuseen Faarax oo ah hooyada siddeed carruur ah oo isugu jira agoon iyo kuwo aan lagu daryeelin, waxay ka mid noqotay 250 qoys oo ku nool xerada Cosob ee Degmada Dayniile, kuwaas oo guryo dhisan la dejiyay bartamihii bishii Oktoober 2021-ka.

“Baco ayaa naloo dhisay, horey buush ayaan ku jirnay oo jawaanno iyo maryo ayaan isku xirxirnay. Habeenkii dhan ayaan soo jeedi jiray oo gabdhihii ayaan wardiyo ka hayay, yaan lagaa fara xumeyn ayaan islahaa. Subixiina anigoo hurdadii i hayso ayaan hunguri raadin jiray,” ayay tiri.

Maryan iyo carruurteeda oo toddobo bil wajahayay hoy la’aan ayaa sheegay in marka uu roob da’ayo ay u gabbaad tagi jireen xarunta xerada oo leh dhismo jiingad ah oo dadka aan wada qaadi karin.

Walwalkii ka haystay dhanka hoyga ayay ka baxeen markii gurigan loo gaar yeelay, balse Maryan waxay la daalaa dhacaysaa quudinta carruurta oo iyada uun dhididkeeda wax ka sugaya. Waxay qoyskeeda ka biisha shaqo dhar dhaqis ah oo ay ka soo qabato xaafadaha deriskeeda ah. Waxay maalinkii ay shaqo hesho la soo laabataa $2. Maalinta ay soo hesho afar doollar waxay u tahay mid xusuus gaar ah u leh. Lacagta yar ay soo shaqeyso kama badna biilka qoyska.

“Saddexda waqti hal waqti ayaan helnaa. Halkaas waqti marna, soor ayaan karsaneynaa marna qamadi, marna hal nus kilo oo bariis ah, haddaan helno. Gurigii, raashinkii carruurta waa deeqi waayay, kistii la kariyo waa la isku dagaalaa carruurtii midaaa dhirfaya,” ayay tiri.

Qoyska Maryan waxay sannadkii 2019-kii abaar uga soo barakaceen magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay markii beerihii ka baaba’een. Nolosha barakacnimada ayay quus ka taagan tahay. Waxay ila wadaagtay inay daneynayso laabasho, balse aysan awoodin kharashka ku baxaya safarka.

Marka laga tago Maryan, waxaa jira qoysas kale oo xerada kula nool, kana mid ah kuwa nasiibka u yeeshay guryaha, balse la kulmay dhibaatooyin qalbi taabad leh.

Faadumo Maxamed Cali waxay horraantii November sanadkii hore wayday gabadheedii oo umul raacday dhiig bax ka dib.

Faadumo waxaa quud iyo marasho ka raba saddex isku nuug ah oo ay inanteedii ka tagtay iyo labo ay dhashay. Waxay dareemeysaa culaysaad dhanka nolosha ah oo iyada ku keliyeystay.

“Ilmahan ayeeyo ayaan u ahay, habartood way iga fool raacday, kharas la’aan ayay iiga fool raacday. Habeen labo saac ayay aheyd markii ay gabadhu dhaleysay, xanuun ma lagu ogeyn waa ku soo booday. Kharash aan ku qaado oo baabuur ku kireysto ku geeyo Banaadir waan waayay. Sidaas ayay iiga geeriyootay. Ilaa haddana ilmaha gargaar uma haysti ani lee waaye, meel aan ka shaqeyso ma laha,” ayay tiri, ayeeyadan oo hadda ku tiirsan qaaraan ay isugu soo daraan qaar ka mid ah qoysaska xerada.

Xeryaha kale ee guryaha laga dhisay waxaa ka mid ah Yaanyo oo ku taalla Isla Degmada Dayniile. Waxaa ku nool saddex boqol oo qoys. Boqol qoys oo ka mid ah dadka deggan xeradan oo qoysas dul-saar horey ugu ahaa ayaa guryo la siiyay.

Xamsa Xuseen Axmed oo haysata toban carruur ah, waxay guri hal qol ka kooban kula nooleyd qoys kale.

Markii la qiimeeyay baahida hoy la’aanta ee ay ku jiraan qoyska Xamsa waxaa loo dhisay labo qol. Waxay noo sheegtay inay culeyskii kaga imaanayay hoy xumada ka nasteen.

“Ilmahaanaga iyo annaga waan is dhex seexanaynay. Niman rag ah oo labaatan jirro ah ayaan noo jooga, bannaanka ayay iska seexanayeen. Labo qoys ayaan ahayn, hooyo iyo gabadheeda haddana waan kala degganahay alxamdullilaah,” ayay tiri.

Xamsa waxay ka soo barakacday Buuloburde sagaal sano ka hor.

Howsha dhismaha guryaha waxaa fulineysa Hay’adda HINNA oo ka shaqeysa arrimaha dadka gudaha ku barakacay.

Abuukar Maxamed, agaasimaha Hay’adda, ayaa sheegay in mashruuca guryo u dhisidda qoysaska barakaca ah ay soo billowatay bishii Oktoober 2021-kii. Mashruucaan oo ku eg bisha February 2022, waxaa guryo loogu dhisi doonaa 1,570 qoys. Waxaa maalgeliyay barnaamijka hay’adda Somalia Humanitarian Fund. Waxaa mashruuca ku baxayo $600,000.

Ku dhowaad sagaal boqol oo qoys oo ku nool xeryaha dadka barakaca ah ee ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Kaxda ayaa ka faa’iideystay mashruuca Guryo loogu dhisayo qoysaska dhowaan galka ah iyo kuwo dad kale dulsaar u ahaa.

Guryaha qoysaska lagu waareejiyay ayaa ka kooban alwaax iyo shiraac u adkaysan kara roobka iyo dabeylaha dhaca. Waxaa sidoo kale la siiyay maacuun, darmo iyo bustayaal loogu talagalay inay baahiyaha jira ee noloshooda u kaalmaystaan.

Maryan Xuseen Faarax oo ah hooyada siddeed carruur ah oo isugu jira agoon iyo kuwo aan lagu daryeelin, waxay ka mid noqotay 250 qoys oo ku nool xerada Cosob ee Degmada Dayniile, kuwaas oo guryo dhisan la dejiyay bartamihii bishii Oktoober 2021-ka.

“Baco ayaa naloo dhisay, horey buush ayaan ku jirnay oo jawaanno iyo maryo ayaan isku xirxirnay. Habeenkii dhan ayaan soo jeedi jiray oo gabdhihii ayaan wardiyo ka hayay, yaan lagaa fara xumeyn ayaan islahaa. Subixiina anigoo hurdadii i hayso ayaan hunguri raadin jiray,” ayay tiri.

Maryan iyo carruurteeda oo toddobo bil wajahayay hoy la’aan ayaa sheegay in marka uu roob da’ayo ay u gabbaad tagi jireen xarunta xerada oo leh dhismo jiingad ah oo dadka aan wada qaadi karin.

Walwalkii ka haystay dhanka hoyga ayay ka baxeen markii gurigan loo gaar yeelay, balse Maryan waxay la daalaa dhacaysaa quudinta carruurta oo iyada uun dhididkeeda wax ka sugaya. Waxay qoyskeeda ka biisha shaqo dhar dhaqis ah oo ay ka soo qabato xaafadaha deriskeeda ah. Waxay maalinkii ay shaqo hesho la soo laabataa $2. Maalinta ay soo hesho afar doollar waxay u tahay mid xusuus gaar ah u leh. Lacagta yar ay soo shaqeyso kama badna biilka qoyska.

“Saddexda waqti hal waqti ayaan helnaa. Halkaas waqti marna, soor ayaan karsaneynaa marna qamadi, marna hal nus kilo oo bariis ah, haddaan helno. Gurigii, raashinkii carruurta waa deeqi waayay, kistii la kariyo waa la isku dagaalaa carruurtii midaaa dhirfaya,” ayay tiri.

Qoyska Maryan waxay sannadkii 2019-kii abaar uga soo barakaceen magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay markii beerihii ka baaba’een. Nolosha barakacnimada ayay quus ka taagan tahay. Waxay ila wadaagtay inay daneynayso laabasho, balse aysan awoodin kharashka ku baxaya safarka.

Marka laga tago Maryan, waxaa jira qoysas kale oo xerada kula nool, kana mid ah kuwa nasiibka u yeeshay guryaha, balse la kulmay dhibaatooyin qalbi taabad leh.

Faadumo Maxamed Cali waxay horraantii November sanadkii hore wayday gabadheedii oo umul raacday dhiig bax ka dib.

Faadumo waxaa quud iyo marasho ka raba saddex isku nuug ah oo ay inanteedii ka tagtay iyo labo ay dhashay. Waxay dareemeysaa culaysaad dhanka nolosha ah oo iyada ku keliyeystay.

“Ilmahan ayeeyo ayaan u ahay, habartood way iga fool raacday, kharas la’aan ayay iiga fool raacday. Habeen labo saac ayay aheyd markii ay gabadhu dhaleysay, xanuun ma lagu ogeyn waa ku soo booday. Kharash aan ku qaado oo baabuur ku kireysto ku geeyo Banaadir waan waayay. Sidaas ayay iiga geeriyootay. Ilaa haddana ilmaha gargaar uma haysti ani lee waaye, meel aan ka shaqeyso ma laha,” ayay tiri, ayeeyadan oo hadda ku tiirsan qaaraan ay isugu soo daraan qaar ka mid ah qoysaska xerada.

Xeryaha kale ee guryaha laga dhisay waxaa ka mid ah Yaanyo oo ku taalla Isla Degmada Dayniile. Waxaa ku nool saddex boqol oo qoys. Boqol qoys oo ka mid ah dadka deggan xeradan oo qoysas dul-saar horey ugu ahaa ayaa guryo la siiyay.

Xamsa Xuseen Axmed oo haysata toban carruur ah, waxay guri hal qol ka kooban kula nooleyd qoys kale.

Markii la qiimeeyay baahida hoy la’aanta ee ay ku jiraan qoyska Xamsa waxaa loo dhisay labo qol. Waxay noo sheegtay inay culeyskii kaga imaanayay hoy xumada ka nasteen.

“Ilmahaanaga iyo annaga waan is dhex seexanaynay. Niman rag ah oo labaatan jirro ah ayaan noo jooga, bannaanka ayay iska seexanayeen,” ayay tiri.

Xamsa waxay ka soo barakacday Buuloburde sagaal sano ka hor.

Howsha dhismaha guryaha waxaa fulineysa Hay’adda HINNA oo ka shaqeysa arrimaha dadka gudaha ku barakacay.

Abuukar Maxamed, agaasimaha Hay’adda, ayaa sheegay in mashruuca guryo u dhisidda qoysaska barakaca ah ay soo billowatay bishii Oktoober 2021-kii. Mashruucaan oo ku eg bisha February 2022, waxaa guryo loogu dhisi doonaa 1,570 qoys. Waxaa maalgeliyay barnaamijka hay’adda Somalia Humanitarian Fund. Waxaa mashruuca ku baxayo $600,000.

Previous Post

Qoysas ay abaartu ku barakacisay Bakool oo raashin la siiyay

Next Post

Haween ay dhibaatooyin caafimaad ka haysteen ilmo-galeenka oo lacag-la’aan lagu caawiyay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Medical camp, IDPs, Humanitarian news

Haween ay dhibaatooyin caafimaad ka haysteen ilmo-galeenka oo lacag-la’aan lagu caawiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo