Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ay abaartu ku barakacisay Bakool oo raashin la siiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
January 9, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, R

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdifitaax Axmed Xasan oo ah aabbaha 12 carruur ah wuxuu ku faraxsan yahay in qoyskiisa ay heleen raashin ay karsadaan labo waqti maalinkii. Ninkan oo ah labo xaasle, wuxuu ka mid yahay 1,300 oo qof oo ku kala nool degmooyinka Ceelberde iyo Rabdhuurre ee gobolka Bakool, kuwaas oo bartamihii bishan raashin gargaar ah ka helay hay’adda cunnada adduunka ee WFP.

Qoysaskan raashinka la siiyay oo isugu jira xoolo-dhaqato abaaraha ku xoolo beelay iyo dad horay u soo barakacay oo ay ku adkayd helista cunno ay karsadaan hal waqti, ayaa la siiyay min 25 kiilo oo bariis, sonkor, bur iyo 3 liitar oo saliid ah. Dadka gargaarkan helay ayaa ahaa kuwo horay u haystay kaararka cunnada lagu bixiyo.

Cabdifataax, oo kaligiis haystay hal laf ayaa sheegay in raashiinkii uu helay uu u kala qeybiyay labadiisa xaas. Wuxuu xusay in tan iyo intii ay raashinka heleen ay karsanayeen quraac iyo cashada habeenkii.

Ninkan oo qoyskiisa kala soo barakacay deegaanka Dhabri, oo 18 km koonfur kaga beegan Ceelbarde, bishii Nofeembar ee 2021-kii, ayaa sheegay inay ku noolaayeen 25 kg oo qamadi ah oo ay hal waqti karsan jireen maalinkii.

Qamadiga ayuu ku soo iibsaday lacag $36 ah oo uu ka helay saddex neef oo ari ah, oo midkiiba looga gatay $12. Arigaan ayaa ahaa intii uga soo hartay 35 neef oo ari ah oo uu dhaqanayay.

Cabdifataax wuxuu sheegay in raashinkii la qeybiyay ay heleen tobankii qoysba, saddex keliya.

“Aad ayaa loo … sida ay hadda ku socoto hadday kusii socoto oo gargaar iyo wax aan nala soo gaarsiin, xaaladda bariga dhexe waaye. Nolol iyo geeri dhexdooda ayay joogtaa, marka gargaarka in naloo wado oo na loo labo iyo saddex jibbaaro ayaan codsaneynaa,” ayuu yiri.

Raashinkan gargaarka ah waxaa qoysaska loo soo mariyay hay’ad maxalli ah oo lagu magacaabo Action Sustainability Improvement Program (ASIP).

Cismaan Cabdi Axmed oo ah sarkaalka haqab-beelka cunnada ee hay’adda ASIP, ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska ay soo xushay WFP. Wuxuu sheegay in iyaga keliya laga codsaday inay soo xaqiijiyaan qoysaskan inay yihiin kuwii loo baahnaa.

Sarkaalkan ayaa sheegay in bisha koowaad ee sanadkaan ay qorsheynayaan inay billaabaan wejiga labaad ee bixinta raashin ay gaarsiinayaan 2,500 oo qoys. Raashin-bixinta ayaa socon doonta muddo 12 bil ah.

Qoysaska qaar ee raashinkan gargaarka ah helay ayaa wax ka siinaya dadka deriskooda ah ee aan helin.

Dahabo Cabdiraxmaan Khaliif oo ah hooyada toddobo carruur ah, waxay raashinkii ay heshay wax ka siinaysaa labo qoys oo kale.

“Saddexda haaf iyo caagadda saliidda ah ee aan qaadannay, cid aan qaadan oo aan waxba helin ayaa nagu la noolaatay. Anigaa u gartay, ileen isaga oo baahan waxba ma cuni karo aniga kaligey,” ayay tiri.

Dahabo oo ah hooyada toddobo carruur ah, waxay degmada Ceelbarde u soo barakacday bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay. Abaarta ayaa tuulada ay ku nooleyd ee Geridab oo degmadaas u jirta 16 km uga leysay 134 neef oo ari ahaa, 20 lo’ ahaa iyo afar dameer.

Waxay nolol-maalmeedka carruurteeda ka soo saaranaysay shaqo aan joogta ahayn oo dhar-dhaqis ah iyo guryaha oo ay soo malaasi jirtay, taasi oo ay ka heli jirtay $1.5 maalinkii.

Waxay ka welwelsan tahay raashinkii oo gabaabsi ah iyo shaqadii ay nolosha qoyskeeda ka maareyn jirtay oo aan joogta ah loo helayn.

Previous Post

Qoysas colaad ku barakacay oo dib ugu noqday guryahoodii iyo beerahoodii oo la gubay

Next Post

Qoysas barakaca ah oo lagu wareejiyay guryo cusub oo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somali live news

Qoysas barakaca ah oo lagu wareejiyay guryo cusub oo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo