(ERGO) – Ku dhowaad afar boqol oo qoys ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dib ugu noqday deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan oo ay bishii Sebteembar uga barakaceen dagaal-beeleed. Dagaalka ka dhacay deegaankan oo 27 km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Beledweeyne wuxuu salka ku hayay lahaanshaha dhul-beereed.
Cabdiqaadir Macallin Daahir oo ah aabbaha qoys ka kooban sagaal qof wuxuu dib ugu laabtay deegaanka Kabxanley horraantii Diseember. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in gurigiisa iyo beertiisa la gubay. Beerta laga gubay oo hektar iyo bar ah ayuu sheegay inay ugu beernaa dalagyo.
Ninkaan oo hadda qoyskiisa la deggen buush yar oo ay deegaanka ka dhisteen ayaa sheegay in noloshooda ay ku tiirsan tahay raashin ay ku caawiyaan dadka deegaanka.
“Mar haddii wax la laqo la waayo wax ka liita lama arko. Annaga hadda waxa noogu liita waxaa weeye jananka [cuntada] xagiisa,” ayuu yiri.
Cabdiqaadir ayaa sheegay in nolosha qoyskiisu ay ku tiirsanayd beerta oo keliya, balse uusan awoodin inuu dib u tacbado xilligaan, dhaqaale-la’aan darteed.
Qoyskiisa oo intii ay barakaca ahaayeen ku noolaa deegaanka Deefow oo 18 km u jira Kabxanley ayaa ku soo guuray gaari ciidan oo qoysaska qaar ka caawinayay dib u soo noqoshada. Wuxuu walaac ka muujiyay xaaladda adag ee qoyskiisa haysata.
Waloow ay badi qoysaska soo noqday wajahayaan duruufta qoyska Cabdiqaadir oo kale, haddana waxaa jira kuwo abuurtay nolol cusub oo ku meel gaar ah.
Caa’isha Cismaan Daahir oo ah hooyada toddobo carruur ah waxay dib ugu soo noqotay deegaanka Kabxanley siddeedii bishan. Waxay noo sheegtay inay furatay maqaayad yar oo ay ku iibiso cuntada bisil, maaddaama beer saddex hektar ah oo uu seygeeda qoyska ka maareyn jiray ay tabcan waayeen, dhaqaale-la’aan awgeed.
Waxay maqaayadda ku furatay $100 oo ay u soo dirtay walaasheed oo Sacuudiga joogta horraantii bishaan.
“Aniga meel yar oo maqaayad ah oo bannaan ah oo hadda aan kula hadlaayo aan fadhiyo ayaan furtay. Wixiina ilmaha waxbarashadooda iyo noloshooda iima kaafiyaan,” ayay tiri.
Waxay maalmaha ay cuntada u gadanto maqaayadda ka heshaa $4 ilaa $8, inkastoo ay xustay in aan cuntada laga iibsan inta badan.
Caa’isha ayaa sheegtay in caqabad dhanka hoyga ah ay wajahayaan qoyskeeda oo hadda ku hoyda aqal bac iyo maryo la isku xir-xiray ka sameysan. Waxay tilmaantay in guri labo qol ah oo deegaanka uga dhisnaa ay u soo noqdeen isagoo gubtay, haddana aysan awoodin dhaqaale ay dib ugu dhistaan.
“Hadda roob haddii uu yimaado meel laga galo malaha. Jiingadda dhulka ayay wada taalaa weyna gubatay,” ayay tiri.
Xilligan oo jiilaal ah ayay tilmaantay in biyuhu ay ciriiri ku yihiin.
Barkado iyo hal ceel-biyood oo dadka deegaanku ay biyaha ka heli jireen ayay xustay in colaadda lagu burburiyay. Dadka deegaanka waxay biyo ka soo dhaansadaan webiga Shabeelle oo u jira 4 km.
“Matoorradii waa nalaga wada qaatay. Nolosheenna waa biyo waad ogtahay; matooraddeenaa noo shaqeyn jiray oo baraagaha na loogu shubi jiray, saasaan ku cabi jirnay. Saacaddaan qorraxaan fadhinnaa, biyo ma haysanno,” ayay tiri.
Ibraahin Cabdi Cilmi oo ah aabaha toddobo carruur ah ayaa xusay in qoyskiisu ku noolyahay raashin uu deyn ku soo qaato.
“Nin baahan sida uu wax ku raadinayo ayaan ku raadiyaa. Dadkii aan macaamilka ahayn ayaan wax ka soo qaataa. Waxaa laga yaabaa in aan wax soo waayo oo aan iska qado, wax maanta meel ii saaran ma jirto,” ayuu yiri.
Ibraahin ayaa sheegay in deynta raashinka ee lagu leeyahay ay tahay $340. Wuxuu tilmaamay inuu ka barakacay beer lix hektar ah oo ay ugu beerneyd khudaar iyo galley, balse uu u yimid iyadoo guud ahaanba la gubay.
Guddoomiyaha deegaanka Kabxanley Cabdiraxmaan Sheekh Nuur ayaa Radio Ergo u sheegay in xaaladda nolosha ee qoysaskan ay liidato, maamul ahaanna aysan waxba u tari karin, welina aysan helin gargaar. Wuxuu xusay inuu xaaladdooda la wadaagay maamulka gobolka Hiiraan.
Wuxuu intaas ku daray in colaadda lagu gubay in ka badan 60 guri, boqollaal beero ah iyo konton matoor, oo ah kuwa lagu waraabiyo beeraha.










