(ERGO) – Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo ah 21 jir maqalka naafo ka ah, wuxuu magaalada Hargeysa ka hirgeliyay ganacsi online ah, oo ay shaqooyin ka heleen 15 dhallinyaro ah. Ganacsigan oo uu ku billaabay kabo ay hooyadiisa u iibisay oo ka yaraaday, ayaa u sahlay inuu biilka ka caawiyo waalidkiis, oo aan lahayn il-dhaqaale. Wuxuu sidoo kale waxbarashada ka bixiyaa labo walaalahiis ah oo dhigta dugsiga hoose-dhexe ee Guryasamo.
Suuqiisan oo lagu magacaabo ‘Deaf Boy Online’ oo ku yaalla Hargeysa wuxuu isku-xir u sameeyaa ganacsatada iyo macaamiisha.
Akoonno uu ku leeyahay baraha bulshada ayuu ku xayeysiiyaa alaabaha elektaroonigga, waxyaabaha la isku carfiyo iyo wixii la mid ah.
Cabdiraxmaan, oo ku jira sanadkii saddexaad ee kulliyadda culuumta bulshada ee jaamacadda Alfa, wuxuu ganaacsigiisa hirgaliyey labo sano ka hor. Wuxuu sheegay in hirgalinta fikraddan ay ku dhalatay, markii uu ku hingoobay helidda fursad shaqo oo muddo ku dhow afar-sano uu raadinayay.
Shirkado, hoteello iyo xarumo kale oo shaqo ayuu xusay inay ku faquuqeen maqal-la’aantiisa, markii uu ka dalbaday shaqooyin uu qaban karay, balse laga doorbiday dadka kale.
Wuxuu sheegay in kabihii ka yaraaday, oo uu ku iibiyay lacag dhan $13, markii uu ku xayaysiyay Whats-app-kiisa, ay ku dhiiro-gelisay inuu ganacsigaan bilaabo. Wuxuu xusay in caqabadiisa ugu weyn haataan ay tahay helista dhamaan alaabaha ay macaamiisha soo dalbadaan. Wuxuu tilmaamay in mararka qaar ay ku qasbanadaan inay macaamiilka lacagtiisa u celiyaan, marka ay alaabta ka soo wayaan, dukaankii ay ku ogayeen. Tani ayuu sheegay inay u horseedi karto in macaamiisha ay ka wareegtaan ganacsigiisa.
“Waxaan hiigsanayaa, oo aan ku rajo weynaha mustaqbalka dhow inaan yeesho ‘warehouse’ [bakhaar], meel aan alaabahayga gaarka ah ku kaydsado,” ayuu yiri.
Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in billowgii ganacsigiisa uu wajahay caqabad kaga timid maareynta shaqada uu hayo. Waxaa ku adkaatay qancinta macaamiilka, marka ay soo wacaan maddaama uu maqalka naafo ka yahay.
Wuxuu xusay in hooyadiisa iyo walaalihiis ay ka caawin jireen marka ay noqoto dhinaca ku hadalka taleefoonnada, halka qoraallada kaligiis uu iskaga filnaa.
Ganacsigiisa oo kobcay ayaa sababay in fursad shaqo uu siiyo dhallinyaro ay shaqo-la’aan haysay, kuwaas oo hadda ka caawiya suuq-geynta iyo la-hadalka macaamiisha.
Xafiiskiisa Hargeysa waxaa ka howlgala toddobo qof oo labo ay sidiisa oo kale maqalka naafo ka yihiin, halka siddeedda kale ay ka soo shaqeeyaan magaalooyin ku yaalla Somaliland.
Mahad Maxamed Axmed, oo maqalka naafo ka ah, wuxuu qaabilsan yahay qaybta daabulidda alaabta la iibsado, isla markaana guryaha loogu geeyo macaamiisha.
Wiilkan oo muddo ka badan sanad shaqadan ku jira waa mushaari, wuxuu si bille ah uga helaa shaqadiisa lacag dhan $150.
“Lacagta, badh anaa isticmaala, badhna familkaan siiyaa. Lacagtu waxa ay iga caawisaa dhan kasta oo baahiyaheyga gaarka ah sida inaan u baahdo dhar sanad walba iyo in aan noloshayda ku dabbaro iyo waxyaabo kala duwan, laakiin lacagtaasi aad iiguma filna laakiinse waan ku qanacsanahay.”
Mahad oo aan xaas lahayn wuxuu sheegay in waalidkiis oo ah danyar ay wax wayn u tartay lacagta uu qaato oo qayb ka mid ah uu siiyo.
Dadka maqalka naafada ka ah ayaa culays badan kala kulma fursadaha shaqo ee la heli karo sida uu sheegay Mahad. Shaqooyinka xoogsiga ah sida dhagax-jabinta iyo xamaaliga ayuu xusay in xitaa ay adag tahay in ay helaan. Dadka shaqada loo qabto ayuu ku dhaliilay in aysan si siman u bixin fursadaha.
Dadka shaqooyinka ka helay ganacsigan online-ka ah ayaa isugu jira kuwo ku xisaabtama mushaar bille ah iyo qaar kale oo howsha ay qabtaan faa’iidada laga helo si maalinle ah loo siiyo.
Samsam Ismaaciil Dirir oo muddo bil ah shaqaynaysa ayaa ka mid ah shaqaalaha aan mushaariga ahayn.
Waxay tilmaantay in helidda shaqadan ay uga dhignayd fursad wanaagsan, maaddaama fursadaha shaqo ee ka jira Hargeysa ay aad u yar yihiin.
Lacagaha sida maalinlaha ah ay uga hesho shaqadeeda oo ku xiran hadba faa’iidada laga helo alaabaha la suuq-geeyo ayay kaydisaa si ay ugu isticmaasho baahiyaheeda gaarka ah iyo tan waxbarashadeeda.
Shaqaalaha ku cusub shaqadan oo ay ka mid tahay ayay sheegtay in mararka qaar ay caqabado kala kulmaan fahamka milkiilaha xafiiska ay ka shaqayso oo maqalka naafo ka ah.
“Badanaa markaan wada hadlayno waxaa dhacda in aan ku wada hadalno text message ama afkaaga oo kale ayuu eegaya markaas wuu ku fahmayaa. Mararka qaar waxaa jirta waxyaabaha qaar in aan isla fahmi wayno oo meelaha qaar ay caqabadi ka timaaddo, kaddib wixiina way adkaanayaan markaad isfahmi waysaan maamulkii iyo adigu,” ayay tiri.