(ERGO) – Boqollaal qof oo danyar ah kuna nool Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa shaqo-abuur ka helay soo ururinta biraha duugoobay ee la tuuray. Waxay ka iibiyaan shakhsiyaad magaalada ku leh xarumo biraha lagu gado.
Dheerow Xasan Cabdi oo horay qaxooti ugu ahaa dalka Kenya, haddana ku nool xero barakac oo ku taalla degmada Kaxda ee Muqdisho, wuxuu nolosha qoyskiisa ka maareeyaa biro uu ka soo ururiyo magaalada oo uu ka iibiyo shirkadaha biraha iibsada. Wuxuu ku faraxsan yahay inuu helay shaqo uu biilka uga soo saari karo qoyskiisa.
Ninkan wuxuu maalin walba ka kallahaa xerada Buur Nagaate, wuxuuna ku soo wareegaa waddooyinka iyo xaafadaha magaalada isagoo raadinaya bir. Waxaa kiiladii birta ah laga siiyaa 1,500 oo shilin Soomaali ah. Waxay shaqadan u fududeysay qoyskiisa, oo horay ugu tiirsanaa raashin karsan oo xerada si maalin dhaaf ah looga qeybin jiray, inuu helo cunto ay karsadaan labada waqti maalinkii.
“Markii aan magaalada shaqadeeda iyo barnaamijkeeda fahmi waayay, dameer ayaan iska soo kireystay. Siddeed doollar ayaan ku soo kireystaa. Waxaan ka helo ayaan aruuriyaa, labo qofna waan ku soconnaa. Saddex meel ayaan u qeybsannaa, markii dameerka laga bixiyo wixii kale aniga iyo yarka kale ayaan kala qeybsanna. Shanta doollar, lixda doollar iyo siddeedda doollar waan soo helaa oo cidda biilkeeda iyo nolosha cidda wax ka dheeri ah ma jiro,” ayuu yiri.
Ganacsiga biraha ayaa magaalada Muqdisho ka billowday bishii Juun ee sanadkii la soo dhaafay, xilligaas oo magaalada laga furay shirkado biraha u dhoofiya dalalka Hindiya iyo Bangaladesh.
Dheerow oo uruurinta biraha ka soo saaranayay nolol-maalmeedkiisa tan iyo bishii Luulyo ee 2021-ka ayaa sheegay in helista biraha ay sii yaraaneyso, maaddaama ay dadka ku soo bateen ka ganacsigeeda. Wuxuu xusay in mararka qaar ay biraha ka dhigtaan dadka xaafadaha.
“Bir culus oo weyn hadda wax ku siinaya ma laha, garaashyadiina birihii beeso waaye. Annaga beeso aan bir ku gadno ma hayno. Dantu waxay nagu kalliftay inaan sariiraha lugahooda iyo biraha tubbooyinka soo aruurinno,” ayuu yiri.
Dheerow oo ka soo laabtay xerada qaxootiga Xagardheer ee dalka Kenya 2016-kii ayaa sheegay inuu hadda iskuul geeyay labo ka tirsan carruurtiisa, maaddaama uu hadda awoodi karo lacagta waxbarashadooda oo bishii ah $18.
Waxay nolosha ku khasabtay inuu ku biiro xero barakac markii ay ka joogsatay lacag caawinaad ah oo uu ka heli jiray Hay’adda UNCHCR oo markii hore ka caawisay inuu Soomaaliya dib ugu soo laabto.
Ka hor inta uusan xerada Buur-nagaate ku biirin, wuxuu soo maray dhowr xero barakac oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo si khasab ah looga soo barakiciyay. Wuxuu tilmaamay inuu dareemayo in been loo sheegay markii dalka dib loogu soo celinayay, maaddaama uusan helin fursadihii loo sheegay inuu heli doono.
Dheerow wuxuu qoyskiisa biil uga soo saari jiray, shaqadaan ka hor, sambuus uu magaalada ku iibin jiray. Ganacsiga sambuuska ayuu iska dhaafay markii ay qaaliyoobeen burka iyo saliidda bishii Abriil ee sanadkii la soo dhaafay.
Muuse Maxamuud Maxamed wuxuu ka mid yahay dadka leh xarumaha biraha ka iibsada danyarta soo ururisa. Marka ay u aruurto ayuu sheegay inay gaari ku raraan ayna geeyaan dekedda Muqdisho, halkaas oo ay kala wareegaan shirkado ka soo jeeda labada dal ee biraha loo dhoofiyo. Halka tan waxaa loogu dhuftaa $75. Halkii gaari wuxuu qaadaa 18 tan oo biro ah, sida uu sheegay Muuse Maxamuud.
Maxamuud Cabdullaahi Isaaq oo ka mid ah dadka biraha rara waxaa isbuucii la soo wacaa hal mar waxaana la siiyaa $20 marka uu raro gaariga. Wuxuu qoyskiisa oo sagaal qof ka kooban u kireeyay guri labo qol ah oo uu bishii bixiyo $60.
Ninkan wuxuu ka shaqeysan jiray qaadka Kenya laga keeni jiray, balse markii la joojiyay waxaa ku adkaatay bixinta kirada guriga. Wuxuu dulsaar ku noqday qoys ay ehel yihiin oo ku nool degmada Wadajir.
Howlaha raridda biraha ayuu sheegay inay adag tahay oo uu mararka qaar ku dhaawacmo biraha daxalka leh oo gacmaha ka sara.
Dadka deegaannadka u ololeeya ayaa aaminsan inay arrintan ka qeyb qaadaneyso bilicda magaalada oo muddo ahayd hoyga biraha.









