Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Biraha laga uruuriyo Muqdisho oo shaqo u noqday dadka saboolka ah

Radio Ergo by Radio Ergo
January 27, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia latest news, Radio Ergo news, Somalia live news, Somali live news, Humanitarian news

Dheerow (bidix) iyo ninka ay isla shaqeeyaan oo biro raranaya/Axmed Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qof oo danyar ah kuna nool Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa shaqo-abuur ka helay soo ururinta biraha duugoobay ee la tuuray. Waxay ka iibiyaan shakhsiyaad magaalada ku leh xarumo biraha lagu gado.

Dheerow Xasan Cabdi oo horay qaxooti ugu ahaa dalka Kenya, haddana ku nool xero barakac oo ku taalla degmada Kaxda ee Muqdisho, wuxuu nolosha qoyskiisa ka maareeyaa biro uu ka soo ururiyo magaalada oo uu ka iibiyo shirkadaha biraha iibsada. Wuxuu ku faraxsan yahay inuu helay shaqo uu biilka uga soo saari karo qoyskiisa.

Ninkan wuxuu maalin walba ka kallahaa xerada Buur Nagaate, wuxuuna ku soo wareegaa waddooyinka iyo xaafadaha magaalada isagoo raadinaya bir. Waxaa kiiladii birta ah laga siiyaa 1,500 oo shilin Soomaali ah. Waxay shaqadan u fududeysay qoyskiisa, oo horay ugu tiirsanaa raashin karsan oo xerada si maalin dhaaf ah looga qeybin jiray, inuu helo cunto ay karsadaan labada waqti maalinkii.

“Markii aan magaalada shaqadeeda iyo barnaamijkeeda fahmi waayay, dameer ayaan iska soo kireystay. Siddeed doollar ayaan ku soo kireystaa. Waxaan ka helo ayaan aruuriyaa, labo qofna waan ku soconnaa. Saddex meel ayaan u qeybsannaa, markii dameerka laga bixiyo wixii kale aniga iyo yarka kale ayaan kala qeybsanna. Shanta doollar, lixda doollar iyo siddeedda doollar waan soo helaa oo cidda biilkeeda iyo nolosha cidda wax ka dheeri ah ma jiro,” ayuu yiri.

Ganacsiga biraha ayaa magaalada Muqdisho ka billowday bishii Juun ee sanadkii la soo dhaafay, xilligaas oo magaalada laga furay shirkado biraha u dhoofiya dalalka Hindiya iyo Bangaladesh.

Dheerow oo uruurinta biraha ka soo saaranayay nolol-maalmeedkiisa tan iyo bishii Luulyo ee 2021-ka ayaa sheegay in helista biraha ay sii yaraaneyso, maaddaama ay dadka ku soo bateen ka ganacsigeeda. Wuxuu xusay in mararka qaar ay biraha ka dhigtaan dadka xaafadaha.

“Bir culus oo weyn hadda wax ku siinaya ma laha, garaashyadiina birihii beeso waaye. Annaga beeso aan bir ku gadno ma hayno. Dantu waxay nagu kalliftay inaan sariiraha lugahooda iyo biraha tubbooyinka soo aruurinno,” ayuu yiri.

Dheerow oo ka soo laabtay xerada qaxootiga Xagardheer ee dalka Kenya 2016-kii ayaa sheegay inuu hadda iskuul geeyay labo ka tirsan carruurtiisa, maaddaama uu hadda awoodi karo lacagta waxbarashadooda oo bishii ah $18.

Waxay nolosha ku khasabtay inuu ku biiro xero barakac markii ay ka joogsatay lacag caawinaad ah oo uu ka heli jiray Hay’adda UNCHCR oo markii hore ka caawisay inuu Soomaaliya dib ugu soo laabto.

Ka hor inta uusan xerada Buur-nagaate ku biirin, wuxuu soo maray dhowr xero barakac oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo si khasab ah looga soo barakiciyay. Wuxuu tilmaamay inuu dareemayo in been loo sheegay markii dalka dib loogu soo celinayay, maaddaama uusan helin fursadihii loo sheegay inuu heli doono.

Dheerow wuxuu qoyskiisa biil uga soo saari jiray, shaqadaan ka hor, sambuus uu magaalada ku iibin jiray. Ganacsiga sambuuska ayuu iska dhaafay markii ay qaaliyoobeen burka iyo saliidda bishii Abriil ee sanadkii la soo dhaafay.

Muuse Maxamuud Maxamed wuxuu ka mid yahay dadka leh xarumaha biraha ka iibsada danyarta soo ururisa. Marka ay u aruurto ayuu sheegay inay gaari ku raraan ayna geeyaan dekedda Muqdisho, halkaas oo ay kala wareegaan shirkado ka soo jeeda labada dal ee biraha loo dhoofiyo. Halka tan waxaa loogu dhuftaa $75. Halkii gaari wuxuu qaadaa 18 tan oo biro ah, sida uu sheegay Muuse Maxamuud.

Maxamuud Cabdullaahi Isaaq oo ka mid ah dadka biraha rara waxaa isbuucii la soo wacaa hal mar waxaana la siiyaa $20 marka uu raro gaariga. Wuxuu qoyskiisa oo sagaal qof ka kooban u kireeyay guri labo qol ah oo uu bishii bixiyo $60.

Ninkan wuxuu ka shaqeysan jiray qaadka Kenya laga keeni jiray, balse markii la joojiyay waxaa ku adkaatay bixinta kirada guriga. Wuxuu dulsaar ku noqday qoys ay ehel yihiin oo ku nool degmada Wadajir.

Howlaha raridda biraha ayuu sheegay inay adag tahay oo uu mararka qaar ku dhaawacmo biraha daxalka leh oo gacmaha ka sara.

Dadka deegaannadka u ololeeya ayaa aaminsan inay arrintan ka qeyb qaadaneyso bilicda magaalada oo muddo ahayd hoyga biraha.

Previous Post

Qoysas dagaallo ay soo barakiciyeen oo aqallo looga dhisay bannaanka Badhan

Next Post

Kalluumeysato lagu waayay duufaan ku dhufatay jasiiradaha Juballand oo la baadigoobayo

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Kalluumeysato lagu la’yahay xeebaha badweynta India

Kalluumeysato lagu waayay duufaan ku dhufatay jasiiradaha Juballand oo la baadigoobayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo