Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kalluumeysato lagu waayay duufaan ku dhufatay jasiiradaha Juballand oo la baadigoobayo

Radio Ergo by Radio Ergo
January 27, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Kalluumeysato lagu la’yahay xeebaha badweynta India

Keydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Toddobo qof ayaa lagu la’yahay jasiiradaha Raas-kambooni, Madhawa iyo Luula, oo ay ka dhaceen duufaanno Talaadadii 25 Jannaayo ee 2022-da. Dadka deegaanka ayaa ku howlan baadi-goobka dadkaas. Duufaanta ayaa la sheegay inay dumisay qiyaastii 25 guri. 12 qof oo kalluumeysato ah ayay dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo afar ay haween yihiin.

Wariyaha deegaanka ee Raadiyow Ergo Axmed Toronto ayaa wareystay Maxamed Jeelle Cabdi oo ah kallumeyste ku nool jasiiradda Madhawa, xilli uu ka qeyb qadanayay baadigoobka kalluumeysatada la la’yahay.

Maxamed Jeelle Cabdi: Duufaantu muddo isbuuc ah ayay soo socotay. Maalmihii hore way dabayl-yarayd oo waan isaga kalluumeysanaynay. Duufaanta khasaaraha geysatay waxay dhacday xilli habeen ah. Hadda oo aan kula hadlayo, wali dabaylo ayaa jira, inkastoo aysan ahayn kuwa xoog leh. Kalluumeysatadii saakay badda ayay ku noqdeen oo doomahooda badda ayay ku jiraan. Waxay soo badbaadinayaan dadkii duufaanta ku dhaawacmay. Khaasaaraha wuu badan yahay. Labaatan iyo afar doon ayaa ku burburay duufaanta, 12 kalluumeysato ahna way ku dhaawacmeen. Qaar [gamcaha] ayay ka jabeen, kuwa kalena garaafo ayaa soo gaartay.

Raadiyow Ergo: Ma jiraan wax digniin ah oo aad ka hesheen masuuliyiinta Juballand ama meelo kale oo ku saabsan duufaanta?

Maxamed Jeelle Cabdi: Maya, ma aanan helin wax digniin ah. Annaga waxaan iska nahay dad tuulo ku nool oo badda ku dhow, marka wax walbo oo nagu dhacay, xagga Ilaahay ayay nooga yimaadeen. Duufaanta si lama-filaan ah ayay noogu timid xilli qorrax-dhac ah. Kama aanan warqabin. Haddii aan sii ogaan lahayn, waan ka guuri lahayn, laakiin ma ogayn.  Kalluumeysatada dhaawacantay waxay ku jireen badda markii ay duufaanta dhaceysay. Marka duufaanta waxay nagu timid annaga oo iska shaqeysaneyno oo badda isaga jirna.

Raadiyow Ergo: Waxaad sheegtay in toddobo kalluumeysato ah la la’yahay tan iyo shalay. Wax akhbaar ah oo aad ka heysaan miyaa jira?

Maxamed Jeelle Cabdi: Maya, wax war ah kama hayno sida ay xaaladdoodu tahay. Waxaan wali ka raadineynaa halkii ay ka kalluumeysanayeen, markii ay duufaantu dhaceysay. Kalluumeysatada iyo doomahoodaba way isla maqan yihiin. Ma naqaanno, ma badda ayay ku halaagsameen mise duufaanta ayaa qaadday. Meesha ugu daran waa jasiiradda Luula. Waxaan dowladdeena Juballand iyo caalamkaba ka codsaneynaa inay na soo caawiyaan. Duufaanta guryo ayay soo dumisay. Hadda aan kula hadlayo waxaan ku jiraa badda oo waxaan ku sii jeedaa doon badda ku dhex gaddoontay si aan dadkeeda u soo badbaadinno.

Raadiyow Ergo: Wax ma nooga sheegi kartaa, guryaha ay duufaantu saameysay? Maxaa ku dhacay?

Maxamed Jeelle Cabdi: Halkan waa tuulo ay guryaheeda jiingado yihiin. Dabaysha waxay la tagtay jiingadihii iyo alwaaxyadooda. Guryihii jilicsanaa ee aan tiirka fiican lahayn duufaanta ayaa qaadday oo way soo dumeen.

Radio Ergo: Hadda maxaa xal ah oo aad sameyneysaan, maaddaama ay wali duufaanta taagan tahay oo ay dabaylo dhacayaan?

Maxamed Jeelle Cabdi: Hadda wax xal ah ma hayno, xal wuu imaanayaa Ilaahay idinkiisa. Iska-daba-wareeg un baan ku jirnaa hadda. Marka haddadaan haddii ay jirto cid wax noo qabaneysa oo ay ku jirto dowladda Juballand inay na soo caawiyaan.  Caawinaad ayaan u baahannahay.

Previous Post

Biraha laga uruuriyo Muqdisho oo shaqo u noqday dadka saboolka ah

Next Post

Qoysaska labada Shabeelle oo beerahooda ka waraabsanaya biyo-xireenka Jameeco

Related Posts

Qoysas la dajiyay halka lagu fogeeyo qashinka laga saaro Hargaysa oo ka cabanaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay halka lagu fogeeyo qashinka laga saaro Hargaysa oo ka cabanaya nolol xumo

October 12, 2026
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

October 9, 2026
Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar ku nool Bari

October 8, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen

October 7, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo iyo faquuq ka saaray suuqyada Dhadhaab

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 5, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Qoysaska labada Shabeelle oo beerahooda ka waraabsanaya biyo-xireenka Jameeco

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-OCT-2026

IDAACADDA 13-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2026
October 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2026
October 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-OCT-2026
October 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-OCT-2026
October 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-OCT-2026
October 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo