Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysaska labada Shabeelle oo beerahooda ka waraabsanaya biyo-xireenka Jameeco

Radio Ergo by Radio Ergo
January 28, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beeraleyda gobollada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ee koonfurta Soomaaliya ayaa iska kaashaday sidii biyo ay beerahooda ku waraabsadaan xilligan abaarta ay uga heli lahaayeen biyo-xireen agtooda ah.

Beeraleyda ayaa sameystay 50 shaqaale ah oo ka shaqeynaya xiridda iyo furidda biyo-xireenka Jameeco ee degmada Balcad. Arrintan ayaana u noqotay xal ay uga baaqsadaan caqabad ay kala kulmeen biyo-la’aanta webiga Shabeelle oo ay beerahooda ku waraabsan jireen.

Waxay sameysteen jadwal kaltan ah oo ay ku waraabsadaan beeraha. Beeraleyda gobolka Shabeellaha dhexe ayaa biyaha loo fasaxaa toban maalmood, halka kuwa Shabeellaha hoose ay sidaas oo kale leeyihiin toban maalmood oo ay kaligood isticmaalayaan.

Maxamed Cali oo beer saddex hektar ah ku leh tuulada Danida oo hoostagta degmada Balcad wuxuu beertiisa waraabiyay labo mar, tan iyo markii la furay biyo-xireenka 25-kii Diseembar ee sanadkii hore. Wuxuu sheegay in biyahan uu helay xilli uu waraab u la’aa dalagyada u beeran, kaddib markii uu biyo ka waayay webiga Shabeelle oo uu matoor uga waraabsan jiray beertiisa.

“Beerta waa kala horeysaa. Hadda galleyda waa dhowdahay, sisinta mardhow ayaan abuuray, yaanyadana waan guranayaa,” ayuu yiri.

Maxamed oo ah 53 jir, aabbo u ah labo carruur ah ayaa tilmaamay in sanadkii la soo dhaafay aysan wax dalag ah u soo go’in, maaddaama uu webiga Shabeelle ku soo fatahay beertiisa. Taas ayaa keentay in lagu yeesho lacagta abuurka iyo cagaftii u fashay beerta oo dhan $500. Beerta waa isha keliya ee dhaqaale oo ay ninkan iyo qoyskiisa ku tiirsan yihiin. Wuxuu xusay in sanadkii la soo dhaafay uu qoyskiisu ku tirsanaa kaalmada qaraabadiisa.

Maxamed Cumar Cali oo ka mid ah guddi ay beeraleydu sameysteen ayaa xusay in biyahan ay ahmiyad weyn u leeyihiin beeraleyda, maaddaama ay ku soo beegmeen xilli ay u baahnaayeen oo webiga uu meelaha qaar ka qallalay.

Wuxuu tilmaamay shaqaalaha ka shaqeeya maamulka biyaha oo ah rag shaqada isku bedbeddela in maalmaha ay shaqeynayaan uu qofkiiba qaato $8. Lacagtaas oo ay bixiyaan beeraleyda leh beeraha waaweyn.

Sida uu Maxamed sheegay, waa markii saddexaad oo muddo soddon sano gudaheed ah oo sidan oo kale ay beeraleydu uga faa’ideysanayaan biyo uu qabtay biyo-xireenka. Waxaa sidaan oo kale ay beeraleyda biyo-xireenka beerahooda ugu warabsanayeen sanadihii 2016 iyo 2018-kii, xilligaas oo ay biyaha ka faa’idaysteen beeraley aan badnayn. Hase yeeshee, sanadkan waxaa biyo-xireenka beerahooda ku waraabsanaya in ka badan 600 oo beeraley ah.

Howlgalka biyo-xireenka waa mid kharash badan maaddaama dadka xoogsatada ah ee biyaha ka shaqeeya aysan goobta ka tagin habeen iyo maalinba si aysan u fakan biyo beeraha ku fatahi kara.

Biyo-xireenka Jameeco oo ku fadhiya dhul cabirkiisu yahay 42 km oo isku wareeg ah waxaa dhistay dowladdii Soomaaliya sanadkii 1975-kii. Biyaha ayaa gala marka ay dhacdo fatahaad xooggan oo keliya. Albaabbada laga sii daayo biyaha oo ah labo ayaa ka sameysan shub iyo bir adag oo aan loo isticmaalin koronto, balse rag xooggan ay isugu tagaan marka la furayo, lana xirayo. Kanaallo ay sameysay dowladdii dhistay biyo-xireenka ayaa suurtagalinaya in biyahan ay gaaraan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Cali Xasan Maxamed oo ah 60 jir beer hal hekter ah ku leh degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in markii hore aysan qorshaha ugu jirin inuu wax beerto biyo-la’aanta webiga awgeed. Balse, wuxuu go’aansaday inuu galley abuurto markii la billaabay isticmaalka biyahan, taasi oo uu hadda sugayo inay u soo go’do mar dhow.

Cali oo ah aabbaha qoys ka kooban siddeed qof wuxuu sanadkii hore tacbaday beertiisa halmar isagoo ka taxadaraya fatahaadda.

Previous Post

Kalluumeysato lagu waayay duufaan ku dhufatay jasiiradaha Juballand oo la baadigoobayo

Next Post

Beeraleyda Goobweyn oo ka walaacsan biyaha webiga oo dhanaan isu rogay

Related Posts

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 17, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia latest news

Beeraleyda Goobweyn oo ka walaacsan biyaha webiga oo dhanaan isu rogay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-SEP-2026

IDAACADDA 17-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-SEP-2026
September 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo