Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Radio Ergo by Radio Ergo
February 10, 2021
in Wararkii u Danbeeyay, Xaaladda Xeryaha
0
Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Qoysas ku jira xero barakac/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xero lagu barakacay oo hoy u ahayd in ka badan boqol qoys oo danyar ah ayay ciidamada dowladda soomaaliya burburiyeen 14-kii bishii Janaayo ee sanadkan. Xeradan oo lagu magacaabo Falax oo la dagganaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxa ay ku taallaa xaafadda Xamar-bile oo ka tirsan dagmada warta-nabadda ee gobolka Banaadir.

Qoysaskan oo u badan carruur, dumar iyo dad waayeel ah ayaa u kala firxadday qaybo kamid ah magaalada Muqdisho halkaas oo hoy la’aan iyo cunno-xumo ay ku haysato. Faadumo Xasan Xaaji oo hooyo u ah lix carruur ah ayaa ka mid ah dadka hoygoodii ku waayay burburintaas. Waxa ay dulsaar ku tahay oo cunnada iyo biyaha ka caawiya qoys daggan dagmada Xamar-jajab.

Waxa ay sheegtay in daaradda guriga ay seexdaan iyada iyo carruurteeda maaddama wax hoy ah aysan ka helin qoyska ay la dageen. Faadumo oo aqal cooshad ka samaysan ku lahayd xerada la burburiyay waxa ay ka waramaysa sida loo barakiciyay.

“Alaabtaydii cagaf baa laga kor keenay, waa la jajabiyay, haddii aan alaabtayda ka baxsan lahaana cunug ayaa iga fakaday. canugii intii aan raadiskiisa hayay waxaan imid buushkagyii oo laysku dardaray, dhar ma wato. alaab maacuun ma wato, waxaan haysto haba yareetee ma jirto, odaygayga haddii uu ii shaqayn lahaana garabka ayay buro uga taalaa”

Lix sano ayay ku noolaayeen qoyska Faadumo xerada laga barakiciyay, waxa ay ka soo hayaameen deegaanka Maage-cismaan ee gobolka shabeellaha dhexe oo beer ay ku lahaayeen abaarro ay saameeyeen, nolosha qoyskeeda ayay ku maarayn jirtay intii ay dagganayd xerada dhar-dhaqis iyo nadiifinta guryaha oo maalintii ay ka helaysay lacag u dhaxaysa $2 ilaa $4, hadda oo deegaan cusub ay tagtay ma haysato ma caamiil ay u shaqayso.

Waxa ay ka walwalsan tahay nolosha ay ku jiraan maaddama ay waysay dhul ay kiro la’aan ku dagganayd iyo shaqo si maalinle ah ah ay u qabanaysay.

“Dhul aan dagno ma haysanno, gobolkeenna hadii aan aadno beer aan falanno ma haysanno iyo awood dhaqaale, waxaa la dhahay dhulkan dhul-dowlo waaye halaga baxo, annakuna codsi baan muujinnay waxaana dhahnay annaka dad masaakiin baa nahay meel aan aadnana ma naqaan. meel uun nageeya xitaa baadiyaha hanoqoto, annakaa idin gaynayna lama dhihine waa nalaga kor yimid, xayawaanka xataa saas lama yeello.”

Faadumo waxa ay qorshaynaysaa helidda shaqo ay ku maarayso nolosha qoyskeeda inkastoo culayska hoy la’aanta uu haysto, waxaa lamid ah Xamdi Cumar Maxamed oo noloshu ku adagtahay markii carruurteeda oo 6 ah ay u waysay hoy, aqalkeedii  alwaaxda iyo jiingad la isku dhajiyay ka samaysnaa ayay cagaftu burburisay, waxa ay xustay in aysan ka badbaadsan dhar iyo maacuun toona, waa hooyo leh uur 7 bil ah oo shaqo la’aan, cunno-xumo iyo hoy’aan isku darsameen.

Suuqa xamar-bile ayay qaybta nadaafadda u qaabilsanayd, mararka qaarna dharka ayay xaafadaha u dhow u soo dhaqi jirtay waxaana dhaqaalaha ay ka hesho ku maarayn jirtay nolosha qoyskeeda.

“Meeshaas  waan isaga faraxsanayn, maalintii markaan sidaa u baxo ilaa kow iyo toban saac iyo ilaa maqribkii, $5 aan  iska soo helayay. Hadda helistoodii waa iska  gaabatay, waxaan ahay qof xaamilo ah, inaan Xamar-Bile aado awal way ii fududeyd waan aadi jiray, laakiin haddda ma u sii lugeyn karo mana ka soo lugeyn karo.”

Qoys ehelkeeda ah oo daggan duleedka Dayniile ayay u barakacday, kuwaas oo si ku meel gaar ah u caawiya hoyga cunnada iyo biyaha maaddama aysan waxba dhaamin oo ay nolosha la halgamayaan,

Maamulka gobolka Benaadir ayaynu ka ogaannay in aan sifo sharci ah loo marin barakicinta qoysaskan danyarta. guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Benaadir Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Caana Boore ayaa sheegay in uu socdo baaritaan la xariira dadkii ka danbeeyay burburinta xerada oo dhulka ay ku taallay uu danguud ahaa.

“Annaga ka maamul ahaan cidi nalama soo socod siisay ma jirin, waxaan ka war helnay in dadki karatabiil la galiyay.

Xilliyada lagu jiro kala guurka siyaasadda dhacdooyinka is qab-qabsiga dhulka ayaa kordha, Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar ay kaga hortagayaan dhicidda khaqalaadka dhuleed 26 bishii hore ee Janaay,  guddoomiye Caana Boore ayaa nuxurka go’aankaas nala wadaagaay.

“Amarka duqa magaalada ayaa soo saaray, dhammaan shaqadii dhulka ee socotay waa la xiray, maadaama xilli doorasho lagu jiro oo khalaqaad ay imaan karaan, hadda in dhul la cabbiro ama sabar-loogooyin dhuleed la jaro ama  dacwo dhuleed la galo ama dhul dad laga bixiyo waxyaabaha noocaas ah oo dhul ku saabsan hadda waa xiran yihiin.”

Xeradaan waxa ay ahayd suuq xilligii dawladii dhexe, wixii burburkii dambeeyay waxaa degganaa dad danyar ah oo aan awoodin bixinta kirada guryaha ama aan iibsan Karin dhul ay dagaan.

Previous Post

Kumannaan arday ah oo ku waxbarasho waayay mushaar la’aan ku dhacday macalimiintooda

Next Post

Gedo: Beeraley joojiyay tacbashada beeraha markii fatahaad iyo ayax ay saameeyeen

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Shabeellaha Hoose: Fatahaad baabi’isay 45 hiktar oo beero ah

Gedo: Beeraley joojiyay tacbashada beeraha markii fatahaad iyo ayax ay saameeyeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo