Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kumannaan arday ah oo ku waxbarasho waayay mushaar la’aan ku dhacday macalimiintooda

Radio Ergo by Radio Ergo
February 7, 2021
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dugsiyada waxbarashada Gaalkacyo oo dib u furmay

Photo: Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhowaad saddex kun oo arday oo dhiganaysay 21 iskuul oo ku yaalla degmada Doolow iyo deegaannada hoos taga ayaa waxbarashada ka haray markii mushaar la’aan ay ku dhacday macalimiintii wax u dhigayay.

Maxamuud Cabdullaahi Siraad oo aabbaha lix carruur ah, waxaa iskuulka deegaanka Laanguley oo hoose iyo dhexe ahaa u dhiganaysay labo carruur ah oo ku jiray fasallada koowaad iyo labaad ee dugsi hoose.

Ninkan oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka ayaa sheegay Iskuulku uu ka xirmay bishii tobnaad ee sanadkii hore markii dadka ay heli waayay mushaarka macalimiinta oo ay ka bixin jireen lacagta ay ku iibiyaan xoolahooda.

“Carruurtii waxna way iska tageen oo waxbarasho ayay doonteen oo waalidkooda u kaxaysteen, waxna wey iska joogaan oo waalidkood ayay xoolo u raacayaan. Marka waxaan rabnaa sidii ay carruurtaa ay wax ku baran la haayeen oo waxbarasho u heli lahaayeen”.

Iskuulkan oo dadka deegaanka ay dhisteen sanadkii 2018, waxaa ilaa ilaa bishii Luulyo ee sanadkii hore mushaarka macalimiinta oo qofkii $100 ahaa bishii ka bixin jirtay hay’adda maxalliga ah ee Hirda oo taageero ka helaysay sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashda carruurta ee UNICEF.

Waxaa saddex bil loo ka dambeysay ay dadka deegaanka isku dayeen in mushaarka macalimiinta oo saddex ahaa bixiyaan si carruurtooda ay waxbarashada u sii wataan. Inkastoo ay ku guuldareysteen sabab la xiriirta in xoolihii ay u gadmi waayeen markii daaq fiican ay heli waayeen roobkii dayrta oo deegaanka ku yaraa awgiis.

Maxamuud oo dhaqda 43 neef oo ari ah iyo labo sac ayaa sheegay in inta uu bixinayay lacagta macalimiinta uu gaday toddobo neef oo ari ah si nolosha iyo waxbarashada uu u debbero, taas oo ah labo jibaar xoolihii uu horay u gadi jiray. Wuxuu sheegay in saameynta daaq xumada iyo biyo yari darteen uu xoolaha suuq u waayay taas oo horseedday in carruurta ay waxbarashada ka haraan.

“Iskuulkaan labo sano ayuu soo shaqeynayay. Markii dambe wuu naga xirmay, wuxuuna nooga xiran yahay dhaqaalo darro awgeed. Dhaqaalo darradaasi oo ah macalimiintii markii hore aan mushaarkooda siin jirnay, markii dambana mushaarkii annagu xoolaleey ayaan iska aheyn waan xamili weynay. Yacnii waqti abaar ha oo kulul ayaa nagu soo aaday, sidaa darteed ayay macalimiintii nooga tageen oo ay nagu dhaheen anagu kuma shaqeyn karno saan”.

Macalimiinta mushaar la’aanta awgeed u hakiyay waxbaristii ay wadeen oo 49 ah ayaa dareemay culeysyo dhaqaale oo dhanka reerahooda ah maaddaama lacagtii iskuullada ka soo geli jirtay ay u ahayd il dhaqaale oo ay nolosha qoysaskooda ku maareyn jireen.

Cabdiwahaab Dhaqane Mataan oo ah maamulaha dugsiga hoose ee deegaanka Cabdi-looxow, sidoo kalana macalin ka ahaa iskuulka ayaa sheegay in hay’adda Hirda ay bishii 9-aad u sheegtay in aysan bixin doonin mushaarka macalimiinta.

Cabdiwahaab ayaa Raadiyo Ergo u tilmaamay inay isku dayeen dedaalo dhowr oo ay waxbarashada iskuulka ku sii socon kartay balse dalab ay dadka deegaanka u gudbiyeen uu noqday mid miro-dhali-waayay, taasna ay sababtay in ay 150 arday ay ku waxbarasho waayaan bishii tobanaad ee 2020.

“Mar uu macalimiin la’aan u xirmay wey iska jirtay marna waqti baa iska jiroo macalimiintii hadaysan mushaar haysa. Bulshadii waan u sheegnay, waxay dhaheen annaga wax tabar ah ma hayno, xoolaha nooma gadmayaan marka macalin hadda soo taagan ma dabbari karnay dhaheen”.

Iskuullada oo bilo kala dambeeyay xirmay ayaa dhaqaalaha qaar heliyeen ilaa dhammaadkii sanadkii hore.  Waxaa sidoo kale jiray macalimiin shaqada sii waday iyagoo aan mushaar qaadan inkastoo markii dambe ay ka tageen.

Adan Cusmaan Maxamed oo ah guddoomiyaha deegaanka Xaaji-bare ayaa sheegay in deegaanka uu ku yaallay iskuul ay dadku dhisteen sanadkii 2017. Labo macalin oo dhigi jiray ayuu xusay inay mushaar la’aan soo food saartay bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii 2020.

Iskuulka oo aan hay’ad ku tiirsanayn waxaa dhaqaalaha ku baxa laga qaadi jiray waaliddiinta ardayda, hase yeeshee duruufaha dhaqaale ayaa u saamixi waayay inay lacagta bixiyaan.

“Muddo dhowr sano ah iskuulkaas marna waa la dhigaa marna macalimiintiisa ayaa mushaar loo waayaa. haddaa ugu dambeysay abaaraa carrada ku dhacay, macalimiintii sidaa awgeed xamaalashee iska aadeen, ardaydii qaar magaalooyin ayay iska aadeen intii kale xoolo raacato waaye”.

Tuulada Xaaji-bare oo 45 km Doloow u jirta ayaa iskuulka ku yaalla ahaa labo qol oo ay wax ku dhiganayeen siddeetan carruur ah, waxayna ka mid yihiin kumannaan carruur oo ku waxbarasho waayay mushaar la’aan ku dhacday macalimiinta.

Previous Post

Xaruntii ugu horreysay oo wax lagu barayo carruurta qaba xanuunka dhimirka oo Muqdisho laga furay

Next Post

Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo