Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xaruntii ugu horreysay oo wax lagu barayo carruurta qaba xanuunka dhimirka oo Muqdisho laga furay

Radio Ergo by Radio Ergo
February 5, 2021
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Xaruntii ugu horreysay oo wax lagu barayo carruurta qaba xanuunka dhimirka oo Muqdisho laga furay

Macallimad hageysa labo arday iskuulka dhigata/Sawir/Axmed Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Mustaqbal oo ah xarun loogu talagalay in xannaano iyo waxbarasho bilaash ah ay ka helaan, carruurta la nool xanuunka dhimirka ee (Autism-ka) Muqdishana laga furay bishii January ayaa hadda waxbarta ku dhowaad 20 Arday oo da’doodu ay u dhaxeyso afarsano jir, illaa 12 jir, kuwaas oo gabdho iyo wiilal ah.

Dhaqtar Raxma Cabdullaaqir Maxamed oo baratay cilmiga carruurta baahiyaha gaarka ah qaba (psychology) ayaa aasaastay xaruntan, waxa ay sheegtay in fikirkan uu ku dhashay markii ay la kulantay hooyooyin badan oo haysta carruur qaba xannuunka dhimirka ee Autism-ka, kuwaas oo ka walaacsan mustaqbalka waxbarasho ee ubadkooda, maadaama soomaaliya aysan ka jirin xarumo wax lagu baro carruurta qaba Autism-ka.

“Waajib ayey igu tahay inaan ku caawiyo waxaan soo bartay ilmaheenna soomaaliyeed, maadaama aan ahay qof soo bartay cilmiga carruurta baahiyaha qaarka ah qaba.”

Xaruntan oo ah tii ugu horeysay oo laga hirgaliyo soomaaliya, burburkii kadib, waxa ay ardaydu ka helayaan waxbarashada aasaasiga ah, maadi iyo diini, cunto iyo barashada dad la dhaqanka iyo hadal barashada, maadaama ardayda la qaabilay ay ku jiraan kuwo aan hadli Karin, bulshana aan hore u dhex galin, Dhaqtar Raxma ayaa Radio Ergo u faahfaahisay, sida ay ku xushaan ardayda ay qaataan.

“Xaaladda waan qiimeynaa, inaan qaadan karno iyo in kale, waxaa jira carruur hadda aanan diyaar u ahayn inaan qabanno, sida, ilmo qallalaaya iyo ilmi is dilaaya.”

Xarunta oo ku jirta guri kiro ah ayaa ka kooban afar fasal, waxana barayaal ka ah 8 macallin oo dhammaan dumar ah, iyadoo halkii fasalba ay fariistaan 7 arday, ayna ka howlgalaan labo macallin, dhaqtar Raxm ayaan weydiinay waxa sababay in dhammaan macallimiintu ay dumar noqdaan.

“Dumraku iyagaa badanaa takhasuskan soo bartay, cilmi nafsiga carruurta, wayna ka beer jilcan yihiin ayaan isleeyahay ragga, maxaa yeelay hooyo baahida canuga ayay dareemi kartaa.”

Waxa ay sheegtay in xaruntu ay hadda awooddo iney wax barto ugu badnaan illaa 40 arday, balse mustaqbalka ay ballaarin doonaan.

Sihaam Cabdullqaadir oo baratay cilmiga bulshada,kana tirsan macallimiinta xaruntan ayaa sheegtay in carruurtu u baahan yihiin in macallinku waqti badan galiyo,una dulqaato, maadaama ay maskaxiyan xanuunsan yihiin, oo qaarkood aysan awoodin iney hadlaan oo baahidooda ay sheegtaan.

“Canug walba gooni waaye, tusaale arday hadduu xanaaqo wuu oynaa, ku hadduu xanaaqo gees ayuu iska istaagaa, koona wuu iska qoslaa, macallinka ayaa laga rabaa inuu fahmo canugan wuxuu u baahan yahay, waxa ay iyagu jecel yihiin ayaa lagu soo dhaweynaa, si waxbarashada kaaga aqbalaan.”

Hani Cali Garruun oo ah hooyo deggan Muqdisho ayaa xarunta geysay wiilkeeda oo 11 jir ah, lana nool xanuunka dhimirka ee Autism-ka, waxa sheegtay in hore ay u weyday goob waxbarasho oo ay geyso, taasina ay warwar weyn ku haysay.

Bishii January ayey barta bulshadu ku xiriirto ee Facebook, waxa ay ka heshay macluumaadka xaruntan oo bulshada ku wargalineysa in waalidiintu keensan karaan carruurta ka xanuunsan ee xannaano iyo waxbarasho u baahan. Radio Ergo ayey u sheegtay in sadex asbuuc oo wiilkeedu waxbaranayo ay ka dareentay isbedel.

“Kaligiis ayuu cunta cunaa, keligiis ayuu suuli galaa, qalinka waa qabsanaa, wax waa qoraa, faciis waa ka daba tagay, wax yaraa u dhiman oo dhinaca warka ah.”

Iskuulka ayaa furan maalmaha aan jimcaha aheyn, iyadoo ardayda guryahooda looga soo qaado gaari bas ah oo xaruntu leedahay, laguna geeyo.

Tirakoob rasmi ah lagama hayo, tirada carruurta soomaaliya joogta ee la noon Autism-ka, balse Dhaqtar Raxma Cabdullaaqir Maxamed ayaa aaminsan, in boqolaal kun ay gaarayaan.

Hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO ayaa sheegtay in xannuunka dhimirka ee Autism-ka, aan si cilmiyeysan loo ogeyn waxa sababa, balse yahay xannuun saameeya korrimada carruurta, iyadoo warbixin ay soo saartay 2019-kii ku sheegtay, in 160-kii carruur ah uu mid ka mid ah la nool yahay xaaladdan, dunida oo dhan, wiilashuna ay 4 illaa 5jeer kaga badan yihiin gabdhaha.

 

 

 

Previous Post

Mudug: kalluumeysato qalab la siiyay uu kordhiyay wax-soo-saarkooda iyo dakhligooda

Next Post

Kumannaan arday ah oo ku waxbarasho waayay mushaar la’aan ku dhacday macalimiintooda

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Dugsiyada waxbarashada Gaalkacyo oo dib u furmay

Kumannaan arday ah oo ku waxbarasho waayay mushaar la'aan ku dhacday macalimiintooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo