Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Mudug: kalluumeysato qalab la siiyay uu kordhiyay wax-soo-saarkooda iyo dakhligooda

Radio Ergo by Radio Ergo
February 4, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, Xaaladda Xeryaha
0
DUUFAANNADII PUNTLAND OO SAAMEYN KU YEESHAY KALLUUMEYSATADA

Sawir/Keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Muddo afar bil kaddib ah, isbeddel dhanka dhaqaalaha iyo shaqada ah ayaa ku yimid 60 Kalluumeysato ah oo ku nool deegaanka Labad oo 30 km u jira degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Qaar ka tirsan kalluumeysatada ayaa sheegay in qalab kalluumeysi oo ka kooban doonyo, matoorro, shabaago iyo qaboojiyaal ay siisay Wasaaradda kalluumeysiga Galmudug uu kordhiyay wax-soo- saarkooda iyo dakhligooda.

Mashruucan dadka uu noloshooda beddelay waxaa ka mid ah Cabdikariim Cabdullaahi Cali oo hadda ku kalluumeysta doon matoor ku shaqeysa, waxaana ka soo gala shaqada kalluumeysiga, dakhli gaaraya $300, illaa $400.

Isagoo aan haysan agab uu ku shaqo tago ayuu afar bil ka hor kamid noqday dadkii ugu horeeyay ee ka faa’ideystay, agab doonyo kalluumeysi ay ka mid yihiin oo deegaanka laga qeybiyay, halkaas ayuuna sheegay iney uga bilaabatay nolol cusub.

“Sidaan qalabka Cusub u helnay tabar yaridii waa kabis koonay, aad baan markii u horeysay aan indhaha u kala qaadnay oo wax noo Tareen.”

Cabdikariim oo ah aabaha 7 carruur ah ayaa markii uu kordhay dakhligiisu, waxa uu qoyskiisa ka saaray xero barakac oo ay deganaayeen, isagoo dajiyay guri kiro ah oo deegaanka ku yaalla , sidoo kale wuxuu boqol doolar u diraa bishii labo walaalihiis ah oo ah danyar xoolo aan badneyn ku dhaqda miyiga Mudug, sidoo kale saddex carruurtiisa ah oo gaaray da’da waxbarashada ayuu qorsheynayaa in uu iskuul geeyo.

Waxa uu markii hore ahaa xoolo dhaqato guura miyiga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, balse horraantii 2020-kii ayuu soo degay xero dadka soo barakacay ku nool yihiin oo ku taalla deegaanka Labad, kadib markii, Ari 150 neef ah oo uu dhaqanayay ay abaar ka leysay.

“Waxaan ahayn dad sabool ah oo kunool bad, marka dad maana ahayn wax gadan kara, Habeenna cashaan heli jirnay, habeenna casho la’aan baa iska eheen.”

Sidoo kale, Cabdiraxiin Cabdulaahi Maxamed ayaa kamid ah kalluumeysatada ka faa’ideystay qalabkan, ka hor mashruucan waxa uu ahaa dabato hal xarig xeebta u rita, si xabad kalluun ah uu u helo, isagoo bishii ka heli jiray ugu badnaan $60, balse maanta oo uu ku kalluumeysto shabaag boqollaal kalluun ah qaadda iyo doon matoor leh oo koox kala dhaxeysa, waxa uu bishii helaa dhowr boqol oo doolar.

Waa aabaha sadex carruur ah oo kan ugu weyn 6 jir yahay, qoyskiisuna deggan yahay deegaanka Labad, waxa uu waxbarasho ka bixiyaa caruurtiisa oo qur’aanka dhigta iyo labo uu dhalay walaalkiis oo miyi deggan, kuwaas oo dugsi sare ka dhigta magaalada Muqdisho, bishiina uu ka bixiyo $40 oo isugu jirta lacagta dugsiga sare iyo machadyo kale oo ay ka dhigtaan luqadaha.

“Mar haddii maal galinteedii helnay,caruurtiina noloshoodii wanaagsanaatay,oo maanta loo soo shaqeynayo,kuwii waxbarashada ku maqnaana aan waxbarasho uga bixineyno,waxaan dareemeynaa in niyadeenu sidii hore dhaanto oo la soo kabanayo.”

Cabdiraxiin ayaa sheegay in 10 kii qofba ay ka dhaxeyso hal doon,hal qaboojiye, 3Matoor iyo ugu yaraan 15  shabaago, iyadoo kalluunka ay soo saaraan uu aad ugu baahay gobolada dhexe,waxaana ka iibsada dadka degan deegaan xeebeedka Labad iyo ganacsato jumblo ahaan uga qaata oo u sii iib geeya gobolada dhexe.

“Waxaa naga gata oo u mahdinaynaa dadka tuulada iyo Ganacsato leh gaadiid Talaajado waaweyn leh oo kabeec Mushtara kalluunka, kuwaas oo nooga yimaada magaaloyinka waa weyn, sida, Galkacyo,Dhuusamareeb , Guriceel iyo meelo kale oo cadaado ay ku jirto.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga Galmudug Abshir Xaashi Cali oo la hadlay Radio Ergo ayaa sheegay in daraasad ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dadkii la siiyay qalabka oo danyar ahaa ay ku faa’ideen, sidaa darteedna ay sanadkan qeybin doonaan qalab kale oo ay ka faa’ideysan doonaan boqollaal kalluumeysato ah.

“Markii hore qofka kaluumaysatada ah waxa uu la soo bixi jiray maalinkii oo dhan Shan Kiilo, halka maanta uu la soo baxayo, maalinkii ku dhowaad Shan boqol, illa lix boqol oo Kiilo.”

Agaasime Abshir ayaa sheegay in wasaaradda kalluumeysiga Galmudug uu hadafkeedu yahay, in kalluumeysatadu gaaraan isku filnaasho wax- soo- saar iyo mid dhaqaale, isagoo sheegay in qorshaha wasaaradda ay ku jirto in dhanka kalluumeysiga ay u jiheyso, xoolo dhaqatada, beeraleyda iyo kooxaha dhirta shida.

Qalabka ay wasaaraddu u qeybisay kalluumeysatada waxaa ku taageertay hay’adda cunnada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FOA.

Previous Post

Iskuul ku yaalla Luuq oo laga dhaqangeliyay talooyinka ka hortagga Koroona

Next Post

Xaruntii ugu horreysay oo wax lagu barayo carruurta qaba xanuunka dhimirka oo Muqdisho laga furay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Xaruntii ugu horreysay oo wax lagu barayo carruurta qaba xanuunka dhimirka oo Muqdisho laga furay

Xaruntii ugu horreysay oo wax lagu barayo carruurta qaba xanuunka dhimirka oo Muqdisho laga furay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo