Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Iskuul ku yaalla Luuq oo laga dhaqangeliyay talooyinka ka hortagga Koroona

Radio Ergo by Radio Ergo
February 3, 2021
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Iskuul ku yaalla Luuq oo laga dhaqangeliyay talooyinka ka hortagga Koroona

Ardayda oo si kala-fogaansho leh u fadhiya mid ka mid ah fasallada/Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Iskuul ku yaalla degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa dhaqan-geliyay talooyinka caafimaad ee looga hortagayo faafiska cudurka safmarka ah ee Koofid-19. Tallaabadan ayuu qaaday markii sanadkii hore ardayda iskuulka qaar lagu arkay calaamado looga shakiyay inay yihiin cudurka.

Iskuulka oo lagu magacaabo Boyle ayaa labada gelin u kala qeybiyay ardayda dhigata oo gaaraya 280 qof si uu u yareeyo tirada markiiba ku kulmi karta toddobo fasal oo uu ka kooban yahay.

“Fasallada iskuulka markii horeba way iska yaraayeen. Fasalkii markii hore ay fariisan jirtay 30-35 cunug, waxaa hadda laga yaabaa 10 – 15 intay fariistaan,” ayuu yiri maamulaha iskuulka, Siyaad Maxamuud Salaad oo la hadlay Raadiyo Ergo.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, shan ka tirsan ardayda iskuulka ayaa looga shakiyay inay qabaan Koofid-19. Dhaqaatiirta isbitaal ku yaalla deegaanka oo aan lahayn qalabka baarista Karoona ayaa dawooyn u qoray, kuna taliyay in muddo labo toddobaad ah lagu hayo meelo gaar ah.

Maamulaha iskuulka ayaa sheegay in ardayda calaamadaha cudurka looga shakiyay ay hadda xaaladooda caafimaad caadi ku soo noqotay. Hase ahaatee waxaa jiray carruur kale oo ay xanuunka uga shakiyeen, kuwaas oo uu xusay inay ula tacaaleen qaab looga hortagi karo inuu cudurka ardayda ku dhex faafo.

“Markii hore ee aan teeramka furaynay waxaa laga yaabaa toban cunug oo isla xanuunsan inay isla imaato, hadda alxamulillaah sidii way dhaamaan,” ayuu yiri Siyaad.

Ardaydu waxay xirtaan afka inta ay iskuulka joogaanna waxay u fariistaan labo labo, beddelkii ay afar qof ku wadaagi jireen kuraasta. Mar kasta oo ay iskuulka imaanayaan ama ay ka tagayaan waxay gacmaha ku dhaqdaan saabbuun ay ku caawisay wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Iskuulkan Boyle waxaa dhigta arday oo isugu jira barakac iyo danyar. Dhaqaale ay macallimiinta mushaarkooda ka jaraan oo dhan $60 ayaa labadii toddobaadba mar loogu soo iibiyaa 300 oo xabbo oo maaskaro ah.

Dugsigan hoose, dhexe ee Boyle si lacag-la’aan ah ayaa carruurta wax looga baraa. Hay’ad laga leeyahay dalka Norway oo magaceeda loo soo gaabiyo NCA ayaa ka taageerta bixinta mushaaraadka macallimiinta iyo qado ay ardaydu cunaan.

Waa dugsiga keliya ee gobolka ku yaalla ee laga hirgeliyay taxaddarka looga hortagayo Koroona.

Jimcaale Macallin Xassan oo ah 14 jir dhigta fasalka shanaad ee dugsiga dhexe ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in isaga iyo saaxiibbadiis ay dhab u qaateen digniinaha ku wajahan cudurka, sidaas daraaddeedna ay qoysaska soo barakacay ee la deggan xerada ay ku nool yihiin ee Busley ay u sheegaan muhiimadda ay leedahay in la raaco talooyinka caafimaad si loo xakameeyo halista cudurka.

“Karoona feyrusku inuu jiro xaafadaha dhan ayaan u sheegnaa Cudurku wuu ku faafaa dadka xaafadaha inay isla sheekeestaan oo ay isku imaadaan waxaan dhahnaa kala fogaada Karoona feyrus ayaa jiro, bahashana xirta,” ayuu yiri Jimcaale.

Previous Post

Beeralayda Baydhabo oo ku guuleystay goosashada dalayada markii ay iska difaaceen ayaxa

Next Post

Mudug: kalluumeysato qalab la siiyay uu kordhiyay wax-soo-saarkooda iyo dakhligooda

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
DUUFAANNADII PUNTLAND OO SAAMEYN KU YEESHAY KALLUUMEYSATADA

Mudug: kalluumeysato qalab la siiyay uu kordhiyay wax-soo-saarkooda iyo dakhligooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo