Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beeralayda Baydhabo oo ku guuleystay goosashada dalayada markii ay iska difaaceen ayaxa

Leyla Abdi Mohamed by Leyla Abdi Mohamed
February 2, 2021
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraleyda Buurdhuubo oo dib u abuuray beerihii uga baaba’ay fatahaadda

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Axmed Cali oo beer saddex hektar ah ku ku leh duleedka Baydhabo, waxa uu goostay bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan dalagyadii ugu horreeyay xili-roobaadkii dayrta oo iskugu jira digir, masaggo iyo gallay.

Wuxuu kamid yahay 95 beeralay ah oo dalaggoodu ayaxa uga badbaadeen ayaxa, kuwaas oo beero ku leh tuulooyinka Boonkaay, Gooyaale, Salbuuy iyo Koron-rooge oo duleedka Baydhabo ku yaalla.

Dalaggayadan oo uu beertay bishii 9-aad ee sanadkii hore ayuu galiyay dadaal badan si ay uga badbaadaan weerarada ayaxa isagoo kaashanaya beeralayda tuuladiisa oo si wadar ah beerahooda u difaacayay, beertiisa oo ku taalla deegaanka Boonkaay ayuu ku maalgeliyay lacag dhan $370.

Qoyskiisa oo 9 qof ah ayuu sheegay inta xoogga leh in ay ka qayb qaateen ilaalinta beerta iyo kicinta ayaxa, wuxuu xusay in beeralayda uu ka mid yahay ay caawin wayn ka heleen ciidamo daggan tuulada oo marka ay adkaato kicintiisa xabbado u is ticmaalayay.

“Badbaado Alle ayaa leh, waxaan ku shideyney qiiqa dabka baan ku shidaynay, askartana qoryo intay qaataan ayay xabbado ku ridayeen. Xabbad kaliya kuma kacayn ee qiic baan ku shidaynay, sidoo kale gasacyaal ayaa dhagax lagu gurayaa markaas baa la ruxayaa sidaas baan ku kicin jirnay.”

Waxa uu sheegay in markii tacabka beertiisa uu billaabayay filashadiisa ah in uu dalag ka helidoono beertiisa ay u yaradayd maaddama beeralayda deegaankiisa ay ku dhiiran waayeen beerro-falashada cabsida ayaxa darteed, intaas waxa uu ku daray si uu uga baaqsado qasaaro badan oo soo gaara uu hoos u dhigay dalagga uu beertay iyo qarashka uu galiyay.

Raashinka u soo go’ay oo masaggo u badan ayuu sheegay in qoyskiisu ay raashin ahaan u isticmaalidoonaan intiisa badan maaddama deegaankiisa ay ka jirto raashin yari ka dhalatay wax soo saarka beeraha oo aad hoos ugu dhacay, boqollaalka beeralayda ah ee ku nool tuuladiisa ayuu xusay in wax ka yar 20 qoys ay wax beerteen xili-roobaadkii dayrta.

Tiro saddex jeer ah oo beerta Cali uu ku dagay ayaxa waxa uu ka badbaadiyay qayb kamid ah dalagiisa, kuwaas oo hadda uu guranayo, waxa uu ka waramaya qasaaraha uu gaarsiiyay ayaxa iyo dalagga u badbaaday.

“Masaggada 20 loor ayaa isoo go’aday, hadiiba uusan iga cuni lahayn ayaxa 40 ilaa 30 loor ayaan ka heli lahaa. markii hore 40 ilaa 30 loor ayaa iisoo go’i jirtay, Beerta kale digirta iyo looska waxaa iga cunay ayaxa, Dad kale oo reer koonfur galbeed ah ayaan aragnay oo beerahooda ayaxa ka cunay oo qaxay, annaga Intaan ayaa ka helnay.”

Waxa uu sheegay in maalintii oo dhan uu ilaalo ka hayn jiray beertiisa si uusan kadis ugu imaan ayaxa, beeralayda tuuladiisa Boonkaay waxa ay xiriir la lahaayeen dadka reer miyiga ah iyo kuwa daggan tuulooyinka ku hareeraysan oo u soo sheegi jiray haddii ayax ku soo wajahan yahay beerahooda si ay iskaga caabiyaan.

Sanadkii tagay lacag ka badan $500 oo beertiisa uu galayay ayaa ka qasaartay markii ayuxu cunay, waxa uu sheegay Cali in isaga iyo beeralayda kale xili-roobaadkii u danbeeyay waqti badan ay galiyeen difaaca beerahooda.

Guddiga iskaashatada beeralayda gobolka Bay waxa uu sheegay in hoos u dhac wayn uu ku yimid wax soo saarkii beeraha gobolka, kadib ayaxa iyo roob-yari saamayn ku reebtay beeralayda gobolka Bay.

Cabdinuur Ibraahim Maxamed guddoomiyaha iskaashatada beeralayda gobolka Bay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 12,472 beer oo ku yaalla gobolka Bay  dalag laga helay oo kaliya in ku dhow 100 beer oo duleedka Baydhabo ku yaalla, taasi oo hadda laga dareemikaro suuqyada raashinka iyo qudaarta.

“Dayrta beerihii la abuuri lahaa dadka qaar ayaxa cabsidiisa ayay la abuuran waayeen. dadkii abuurtana sida Galeyda,  Digirta, Masagada iyo Sisinta qaar ayaxa ka cunay qaarna roob yari ayaa heshay, marka suuqa ma fiicna, dhibaatooyinka la taaban karo waxaa weeye in dalaggii lagu xisaabtami jiray in boqolkii ba siddeetan uu hoos u dhacay dhibaatooyinkaas baa jira.”

Waxa uu xusay guddoomiyaha in saddexdiii xili-roobaad ee la soo dhaafay ayuxu si wayn u saameeyay beeraha haba ugu darnaatee fasalladii u danbeeyay  oo qasaaraha soo gaaray beeralayda ay sababtay in ay ku dhiiran waayaan beerasho kale.

Beeralayda ku guuleystay in ay dalagyadooda ka difaacsan ayaxa intooda badan suuq magayn maaddama qoysaskooda ay u baahan yihiin raashinka ay cunaan ama kayd u noqda, Dahabo Warsame Maxamed oo ah hooyada 7 carruur ah ayaa kamid ah dadkaas, beerteeda oo labo hectar ah islamarkaana ku taalla Baydhabo toddobaadkan ayay goostay.

“Beeraha Sanadkan aad bay u dhib badnaayeen. ayaxa ayaa dadka dhibay wixii calafkiisa ahaa waa cunay, annagana waxbaa ka soo goosannay, laakiin annaga waa taagney maalin walba dadka qaarna beerahooda waxbaa naga cunay ayey dhahayeen, Sanadkaan Galay maba jirin waa massago kaliya ayada ayaa 13 loor ka soo goosanay.”

Dahabo waxa ay sheegtay in ka hor ayaxa beerteeda maalintii mar ama labo ay soo kormeeri  jirtay, balse hadda ay dantu ay ku qasabtay in markasta ilaalo ay ka hayaan beerta maaddama xili kasta la filankaro ayaxa, waxa ay sheegtay in wax qudaar ah aysan beeran iyadoo ka cabsanaysay in qarashku ku bato haddii ayuxu dalagga ka wada cuno.

Labadii sano ee u danbeysay ayay sheegtay in la dagaalanka ayaxa ay qibrad badan ka heshay islamarkaana ay ogaatay sida ugu sahlan ee la iskaga cabin karo oo ah ilaalo joogta iyo ka warqabka dhaqdhaqaaqa ayaxa duulaanka ah, waxa ay isticmaalaysay biro garaacid iyo qiiq si ay iskaga caabbiso waxaana ay galisay waqti badan ilaalinta dalaggeeda.

Previous Post

Muqdisho: Haween si iskaashi ah u sameeya burjikooyin iyo dheriyo ay nolosha qoysaskooda ka maareeyeen

Next Post

Iskuul ku yaalla Luuq oo laga dhaqangeliyay talooyinka ka hortagga Koroona

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Iskuul ku yaalla Luuq oo laga dhaqangeliyay talooyinka ka hortagga Koroona

Iskuul ku yaalla Luuq oo laga dhaqangeliyay talooyinka ka hortagga Koroona

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo