Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Haween si iskaashi ah u sameeya burjikooyin iyo dheriyo ay nolosha qoysaskooda ka maareeyeen

Radio Ergo by Radio Ergo
January 18, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Haween si iskaashi ah u sameeya burjikooyin iyo dheriyo ay nolosha qoysaskooda ka maareeyeen

Mako Mayow oo ku guda jirta shaqadeeda/Axmed Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Mako Nuur Maxamed iyo sagaal haween ah oo kale ayaa isku hura maankooda iyo muruqooda. Si meerto ah ayay howsha isaga caawiyaan. Marba mid ka mid ah ayay shaqadiisa isugu tagaan si wada jir ah iyagoon lacag kaga qaadaneyn. Wareegga xiga qofka nasiibka u yeesha ayay sidaas oo kale shaqadiisa isla qabtaan. Howshooda oo dhan ayaa ku dhisan wax wada-qabsi, taas oo ka caawisa, una fududeysa inay mar keliya soo saaraan weelal badan.

Mako oo ku jirta da’da kontomeeyada, waxay xoog iyo ciidan u tahay qoys ka kooban 10 qof. Xilli ay ku mashquulsanayd shaqo maalmeedkeeda dhoobada iyo howsheeda guriga ayay iiga sheekeysay shaqadeeda iyo goorta ay billowday.

“Waa sameynaa, waana ka hunguri doonayaa. Ganacsigeenna waaye, anigoo yar ayaana soo billaabay oo ayeeyadey ayaan ka soo gaaray.”

Mako ayaa sheegtay in aabbaha reerka oo 70 jir ah uu dhibbane u yahay cudurka dhiig-karka oo uusan shaqeynin. Wiil ka mid ah carruurteeda ayay sheegtay inuu sariir saaran yahay kaddib firir uga dhacay qoorta kaas xubnaha jirkiisa ka dhigay naafo. Awood uma laha dhaq-dhaqaaq, joogsi iyo socod toona, waxaana Mako ay isku waddaa shaqada xoogsiga ah iyo daryeelka wiilka iyo saygeeda.

Shaqadan oo ay waqti badan geliso ayay sheegtay inuu u degsan yahay xeer ay iskula dhaqmaan dumarka howshu ay kala dhaxayso, kaas oo dhigaya in qof shaqada loogu qabto si isxilqaan ah iyadoon lacag looga qaadaneyn.

“Markii sameyska uu noo dhammaado, iskaashi ayaan ku dubannaa, waana isku xoog darsannaa oo qof keligiis dubi karo.”

Weelasha u gadma waxay ku helaan qiimo ku xiran shayga inta uu la egyahay. Burjikada iyo tinaarta ayay ka helaan 2 ilaa 4 doollar.

Dhoobo gaar ah ayay ka sameeyaan weelashan. Waxay ka keenaan gobolka Shabeelaha hoose. Keeniddeeda oo waqti ku qaadata ayay inoo sharaxday Mako.

“Carrada baaddiyaa laga keenaa. Dhoobada waxay ka dhalataa biyaha roobka, meel dheerna waa laga keena oo Xamar hadda lagama helo. DHulkaan jasiiro markii la dhaafo ilaa Marko ayaa laga soo qodaa. Loorka lacag waaye, afar dollar ayaa ku gadannaa.”

Qoysaskan waa danyar dakhliga soo gala uusan kaafin karin nolosha iyo waxbarashada carruurta oo cunno helista ay la daalaa dhacayaan. Mako kale oo ina Maxamed Mayow ah ayaa sheegtay in saddex caruurteeda ay waxbarashada gaareen balse aysan u suuragalin inay iskuul geyso oo ay ka bixiyo lacagta, kaalinteeda ayaa hadda ku kooban quudka la cuno iyo dugsi qur’aan.

“Iskuulka way gaareen laakiin tabar ayaa jirta. Duruuf awgeed ayay guriga ugu nool yihiin carruurta. Hadda awoodaan waxbarasho ku geeyo ma hayo, haddi ay dugsiga a yimaadaanna guriga iska dhex fadhiyaan. Hal iskuul baan tagay markaas lay yiri bishii 20 doollar waaye, anna waan awoodi waayay.”

Dedaal dheer kaddib marka ay sameeyaan alaabta, doonistooda ugu weyn waa in laga gato. Maxmed Mayow ayaa sheegtay in suuq-xumo ay haysato taas oo ay aad u dareemeen tan iyo soo ifbixii cudurka Karoona.

“Suuq maanta ganacsi kala socda ah maaha xitaa gaadiid uma haysano annaga lee gaadiid u kireysanayna. Moota bajaaj meesha kuu taagan lacaguu kaa rabaa hadduu kuu qaado. Intuu cudurku jiro culeyska ayuu keenay, wax wax kaa gadanaya ma leh.”

Shaqadan sameynta dheriyada, tinaarka iyo burjikooyinka ka miro dhalinteeda waxay u baahan waqti badan, balse haweenkan ayaa u hura si uusan dabku uga damin. Waxay u tahay xirfad qaarkood ay ka dhaxleen hooyooyinkood, haseyeeshee waxay jecel yihiin in laga caawiyo horumarin howshooda. Geesta kale waxay shaqadoodu tusaale nool u tahay sida iskaashi u muhiim ugu yahay howlaha halganka nolosha.

Previous Post

Beeraleey dab beerahooda qabsaday xilli ay dagaal kula jireen ayax soo weeraray

Next Post

Beeralayda Baydhabo oo ku guuleystay goosashada dalayada markii ay iska difaaceen ayaxa

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Beeraleyda Buurdhuubo oo dib u abuuray beerihii uga baaba’ay fatahaadda

Beeralayda Baydhabo oo ku guuleystay goosashada dalayada markii ay iska difaaceen ayaxa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo