Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleey dab beerahooda qabsaday xilli ay dagaal kula jireen ayax soo weeraray

Radio Ergo by Radio Ergo
January 1, 2021
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraleey dab beerahooda qabsaday xilli ay dagaal kula jireen ayax soo weeraray

Dab ka holcaya mid ka mid ah beeraha degmada Luuq/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ilaa 21 beer oo ku yaalla tuulada Dooryaanley ee hoostagta degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa gubtay 27kii bisha Diseember xilli ay beeraleydu isku dayayeen inay iska kiciyaan ayax ku degay.

Guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda Luuq, Maxamed Qaasim Taabid ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in beeraleyda tuulada oo 5 km u jirta xarunta degmada ay dabka u shideen si qaaca uu uga cararo ayaxa, balse ay taasi horseedday khasaaro kale, beerihiina ay noqdeen qeyb gubatay iyo qeyb uu ayaxu cunay.

“ Ayax ayaa beerahooda ku degay waxayna dagaal la galeen sidii ay iskaga kicin lahaayeen iyaga oo qiic adeegsaday dab ay boodadka beerta ku shideen balse dabeelo ayaa dabkii beeraha ku faafiyay oo dalagyadii oo idil baabi’iyay si xiriir ah ayayna beeraha dabku u wada gaaray”.

Ayaxa ayaa 25-kii Diseembar ku degay tuulooyin gaaraya 13 tuulo oo hoostaga degmada Luuq.

Beeraleydan uu dabku waxyeellada kasoo gaaray ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in muddo ka badan 72 saac oo uu ayaxu beerahoodu ku jiray ay waayeen xeelad aan ahayn inay dab shidkaa adeegsadaan.

Cabaas Xuseen Ibraahim oo ah 46 jir ka mid ah beeraleyda Dooryaanley waxaa ka gubatay beer lix hiktar ah oo bishii October uu beertay. Ninkan oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in $3,200 uu ku maalgashaday beerta ayaxa iyo dabka ay gebi ahaan dalaggii ku yaallay baabi’iyeen.

“Beerteyda waxaa saarneed digir, galey iyo cows aan rabnay inaan abaaraha uga baxno. Markuu ayaxu kici waayay ayaan waxaan gubnay soohdimihii oodda ahaa, dabkii wuu qaxay oo dabeel baa ku dhufatay oo macalaa ooddii wuu qabsaday. Illaa 30 geed oo geedkaan miraha oo liinta laga gurta ah ayaa ku dhimatay”.

Gurmad kasoo gaaray degmada Luuq kadib ayaa lagu guuleystay in dabka beeraha ka kacay la damiyo inkastoo khudaar aan badneyn oo Cabaas iyo beeraleydii kale dabka ugu ceymaday uu markale ayax horleh oo raxan-raxan u socday uga degay kaas oo diirtay intii u hartay.

“Geedaha Liinta wixii dabka kabadbaadayna wuu cunay oo wuu diirtay, geedkii isagoo qori ah buu taaganyahay. Geedka illaa kubkiisa cirib wuu hoolay xittaa laan malaha wuu diiranyahay…galayda, digirta, yaanyada, qudaar yaryar sida kabsarta, wixiiyoo dhan wuu wadda cunay”.

Cabaas nolosha qoyskiisa ayuu ku dabari jiray dalagyada uga soo go’a beertiisa oo suuqa khudrada ee Luuq u iibgeyn jiray balse haatan wuxuu sheegay in uu ku talo jiro inuu deymo raadsado si beerta uu markale u maalgashado madaama uusan lahayn il dhaqaalo oo kale.

Ayaxa Dooryaanley soo weeraray ayaa sadax cisho kadib u gudbay tuulooyinka Haanooy, Caracase, Maganeey oo Degmada Luuq iyana hoos-yimaado. In ka badan 178 beerood oo ay saarnaayeen qudaar iyo dalagyo kale ayuu ku degay halkaas oo khasaaro horleh uu ka geystay.

Daahir Cusmaan Cabdulaahi oo 52 jir beeraleey ah waxay beertiisu ku jirtaa 36 beerood oo tuulada Caracase oo Luuq 7 km u jirto kuwaa uu ayax dalagyadii saarnaa ka diirtay. Daahir beertiisa waxaa u saarnaa tacab kala duwan sida masago, galay, yaanyo, barbarooni, bocor, iyo liin-dhanaan. Ayax kooxkoox u socda ayaa 27 kii December beertiisa ku habsaday halkaa oo khasaaro dhan $3000 uu ku maalgashaday beerta ku waayay.

“Markaan quusanay liin waan kasoo tagnay kamaba celininba, waxaan celin isku deynay shamuureydii iyo galeydii. Shamuureydii wey ceymatay oo aad uma cunin laakiin galaydii waa muruxsaday, galayda waa uu baabi’iyay. Beer kale oo deriskeyga ah oo digir ku taalay waa baabi’iyay, barbarooniga iyo bahalka la yiraahdo bocorka bataatiga waxaas oo dhan iyaga markiiba caleyntooda markiiba waa quudanayaaba”.

Dadka ku nool deegaannada uu ayaxu dhibaatada ka geystay ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in mid hor leh uu dhanka koonfurta gobolka uga soo gudbay dhanka Bakool kaas oo dhul daaqsimeedyo badan soo nabaad guuriyay.

Beeraleey fara ku tiris ah yaa ku dhiiradey in markale ay beerahoodii dib u saaraan dalagyadii ayaxa ka baabi’iyay.

Daahir ayaa ka mid ah dadkaas oo labbo neef ari uu geeyay seyladda Luuq oo looga iibiyay labbo malyan iyo afar boqol oo shilin Soomaali ah ku iibsaday abuur sida galayda, masagada, iyo qudaarta cagaaran wuxuuna hadda ku gudda jiraa inuu markale dalag abuurasho bilaabo.

Previous Post

Hooyooyinka degmada Matabaan oo silic kala kulma isbitaal la’aan degaanka ka jirta

Next Post

Muqdisho: Haween si iskaashi ah u sameeya burjikooyin iyo dheriyo ay nolosha qoysaskooda ka maareeyeen

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Haween si iskaashi ah u sameeya burjikooyin iyo dheriyo ay nolosha qoysaskooda ka maareeyeen

Muqdisho: Haween si iskaashi ah u sameeya burjikooyin iyo dheriyo ay nolosha qoysaskooda ka maareeyeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo